Go’aanka ugu Qalafsan ee Hub kadhigista Jabhaduhu wuxuu Horyaalaa ONLF !.

Waatii Itoobiya isbeddel siyaasadeed ka dhacay Waatuu talada dalka qabtay wiil dhalinyaro ah oo kasoo jeeda qoomiyadda Oromada – Abiy axmed – oo ah sarkaal hore oo ciidan iyo mid kamida kaadarkii Xisbiga EPRDF.

Waatuu sheegay inuu dalka jiho-siyaasadeed cusub u dhaqaajinayo. Waatuu sii daayey maxaabiis siyaasadeed oo qaarkood yihiin rag caan ah. Waatuu xidhay xabsigii ugu taariikhda foosha xumaa ee Addis ababa.

Waatuu jabhadihii hubaysnaa u diray farriin nabadeed oo ah inay dalka dib ugu soo laabtaan dadkana si nabad ah ugu sheegaan mabaadii’doda!. Waatuu liiskii argagixisada ka saaray Ururadii Mucaaradka ahaa.

Waatay Jabhadihii aqbaleen baaqii nabadeed ee ay dalkii dib ugu laabteen. Waatay xukuumaddiisu furtay xafiis qaabilsan hubka-dhigista Jabhadaha iyo malaha ciddii kale een hubaysnaanteeda xal loo arag.

Hagaag, intaas hore oo dhan jibbaan ku soconaye halkanay ka billaabanaysaa sheekada xiisa lihi. Heshiisyada dhex-maraya Jabhadaha iyo xukuumaddu, waa kuwo niyad-wanaag lagu dhisayo oo aan lahayn wax dammaanad-qaad ah (Aan ka ahayn sida loo tixgaliyo Dastuurka bakhtiga ah ee Itoobiya.

Jabhadaha iyo xukuumadda qolaba dan iyo yoolbay leedahay. Qolo-walba inay wax sirto (khaa’into) ayaa ka go’an laakiin lama hubo cidda lasiri-doono, waa se hubaal in cid la siri-doono!.

Jabhaduhu isku afkaar iyo isku mabaadii’ mahayn. Qoomiyadaha Itoobiya ku hoos nooli isku masaaliix ma’aha, isku-wax ma diidana, isku-waxna ma doonayaan.

Itoobiyaanimada looma sinna, tagtadii iyo tan aynu joognaba dadbaa Itoobiyaanimada iska leh oo ku badhaadha, dadna Itoobiyaanimadaa qasab ku leh oo silic iyo saxariir baa sad looga dhigaa.

Annaga soomaalida ahi kuwan dan baan ku jirnaa, kujirnaa uun maahee koowbaan ka nahay. mashruuca hubka-dhigists looma sinnaan-doono.

Soomaalida wuxuu horyaallaa isagoo laba weji leh; mid ku aaddan dagaal-yahanka Jabhadda ONLF ee hubaysan iyo mid ku aaddan ciidanka Liyuuga.

Go’aanka ugu Qallafsani wuxuu hor-yaallaa Hoggaanka ONLF.

dooddu waxay tahay: malays waafajin karaa hubka-dhigista oo laga baaqsado iyo la fal-galista isbeddelka siyaasadeed ee dalka?

Haddii la aqbalo mashruuca hubka-dhista, maxaa baddiil ah? muxuu se noqon-doonaa mustaqbalka Ururku Waa Jabhada ONLF e’ ?

Jihada siyaasadeed ee uu dalku ku socdo, maku sii socon-donaa mise durbaanka Dimuquraadiyaddu waakii aan rubuc-qarni ka hor soo aragnay oo xisbigu (EPRDF) markuu lugihiisa basar isugu taago ayuu wejigiisa runta ah banaanka keenidoonaa?.

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Kooxda China Group-ka Jigjiga oo Filim soo Jilay dambina isku cadaynaya.
- Oct 22, 2018
Mid kamida dhalinyaradii China Groupka ee Gabdhaha Jigjiga ku Qaawinayay ayaa muqaal laga soo ...
Kooxdu Dulmi-diid ma’ahayne Nidaam diid bay Ahaayeen! boobka Jigjiga kasocda.
- Oct 22, 2018
Maanta magaalada Jijiga waxaad Ku Arkaysaa dhaqan Diin Islaam iyo mid Gaal midna Aan ...
Daawo:Dhibaatada iyo baahida Barakacayaasha duleedka magalada Shilaabo.
- Oct 22, 2018
Degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay oo kamida meelihii dhibaatada ugu daran ay kagaysteen ciidamada ...
Daawo:Maxaa Kayaabiyay Salaad Cali Jeele oo markii u Horaysay Lodon kadagay.
- Oct 22, 2018
Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelo ayaa markii ugu Horaysay Taariikhda waxaa uu ...
Muxuu wasiirka Arimaha dibada Itobiya kayidhi Heshiiska ONLF.
- Oct 22, 2018
Wasiirka Arimaha dibada Itobiya Workneh Gebeyehu oo Hogaaminayay Ergada dhinaca Itobiya ee wada Hadalka ...