Taariikh Nololeedkii Naftii Hure Maxamed Abdi Mahdi (Awliyo) Qaybta 3-aad.

Ka bacdi dhacdadii xanuun ka iyo murugadda xanbaarsaneyd ee ka dhacday Magaaladda Qabridahare 2005/11/15 ee laggu xasuuqay da”yartii waddan ka Mohamed wuxuu qaaddanayey go’aamo isdaba joog ah oo uu rabbay in uu wax kaga baddalo hiigsigga nololeed iyo hayaan ka mustaqbaleed uu rabey in uu kagga qayb qaato halganka umadda Soomaalidda Ogadeniya ee ku dhaqan gayigan uu ku nool yahay.

Mohamed, maalin taas wixii ka horeeyey wuxuu ahaa fikirkiisu in uu wax barashadda ka guul gaadho oo uu noqdo aqoonyahan naftiisa, dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa-ba anfaca, uguna shaqeeyo qalinka iyo buugga, balse uu noqdo qof marka hore aad wax u barta si uu wax ugga badalo dalkiisa guud ahaan .

Balse hadda xaalku waa is badaley waxaa uu iswaydiiyey suaalo badan oo ka dhashay xasuuqqii arxan daradda ahaa ee la gula kacay dhalinyaradiisii qaaligga ahaa. Wuxuu iswaydiiyey mar haddii saaxiibaddaa oo aad isku dhiig, dhaqan, iyo isku dhuux tihiin saas ay u la dhaqantay Itoobiya addigga laftaadda ma sharci kaa xidha ayaa jira in intii barri lagguu yimaaddo qoorta laggaa gooyo ? Ama wixii larabo lagugu fuliyo ?.

Wuxuu Mohamed garwaaqsaday in ayna meella kagga maqnaaneyn dhibaatadaasi oo ay barrina ciiddan kan ma naxayaasha ah, nin ka ugu dhaq-dhaqqaaqa roon uu yahay taargadkoodda in ay qoorta soo qabtaan , siddaas daraadeed buuggan iyo qalin kan aad dusha ku waddato in aysan muhiim ba ayn saacadan la jooggo ayuu garwaaqsadday Mohamed.

Wuxuu Hoosta ka xarriiqay in uu ku biiro Jabhadda Waddanigga Xoreynta Ogadeniya ee JWXO loo soo gaabiyo , taas oo ahayd kaliya ururka uggu xoogga badnaa ee guud ahaana ka jiray gayigga , ahaana ururka kaliya ee dagaal hubaysan kala soo horjeedday gumaysigga Itoobiya. Mid dagaal ah iyo mid qalin ah , midna kama jirin gayigga markii lagga reebo ururka gobonimo doon ka ah ee JWXO/ONLF, taas na waxay igu riixday in aan ka mid noqdo oo aan ku biiro xubnihii Jabhadda ee ka jiray magaaladda Jigjiga .

Waxaan daneynayey ayuu yidhi in aan in mudda ah kula sii shaqeeyo shacabnimo, oo aan kasii mid ahaaddo xubnaha dharcadka ah ee u joogga ururka magaalooyinka, balse waxaa jiray ayuu yidhi arimo kale oo marba marka ka danbeysa igu sii riixayay in aan duurka u boxo oo aan noqdo jabhadda qoriga dagta sudhay.

Haddaba dhacdooyin kii sii kalifay ama sii dadajineeyey ubixidda duurka ayaa waxaa kamid ahayd dhacdooyin i qabsaday maalmo-maalmaha kamid ah oo aan galaayey Imtixaankaygii Dugsiga sare ee magaalladda Jigjiga iyo maalmo kale oo aan jooggay Jaamacadda Bahar-daar ee ku taal gobolka Axmaaradda, waxay ahaayeen maalmo dareen kayga si gooni ah u taabtay .

Waxaan ka soo baxay gurigayga anigga oo soo aadday howgayga wax barashadda ee dugsiga sare, waxay ahayd maalmihii iigu danbeeyey ee aan galaayey Imtixaan kii iiggu danbeeyey ee Iskoolkayga sare, waxaan fadhiistay fasalkii Imtixaanka aan ku galayey anigga oo aad u naxsan dareen kayguna taaggan yahay , ileen waa arday iyo caaddadiiye oo waa Imtixaan iyo murugadiiye.

Markii uu Allah ii sahley ee aan soo gutay waajibaad kaygii ayaan ka soo baxay waxaan u soo talaabsaday dhanka Masaajid-yar oo aan annaggu ka arday ahaan aan dhisaney ( Jeebkanagga lacag aan iskaga dardarey ayaan ku dhisaney ), oo Iskuulka nooggu dhex-yaalley, oo aan go’aan sadday in aan ku soo Tukaddo Salaad laggu magacaabo Salaatul Shugri.

Salaadaasi ( Waa mahadnaq loogu mahadnaqaayo Allaah SWT ), markii aan wax yar u soo jiro Masjidka Albaabkiisii ayaa waxaa i hor istaagey nin Asgari ah , wuxuu na iggu yidhi xaggeed u socotaa? waxaan ku jawaabey Masaajidka , wuxuu iggu jawaabey Kalmaddo kooban oo maskaxdayda ku dhagtay sidda dhinbiil dab ah.

Wuxuu iggu yidhiye kalmadahan Af-axmaarigga ah “”Basalaam tafataanee aydhalam”” oo micna hooddu noqonaayo Sow Imtixaankii nabad kumaaddan galin ? Waxaan uggu jawaabey haa , wuxuu na iggu yidhi hadda ba halkaas ka bax Masaajidkana ma gali kartid taas oo uu ugga golahaa nin kan asgarigga ahi in uu igga hor istaago cibaaddada , waxaa na socotay baryahaa ayuu yidhi la dagaalan lala dagaalamayey Salaaddaha Iskuulladda iyo Jaamacaddaha dhexdoodda lagu tukanaayey .

W/Q Mohammed Sheikh Hirsi.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Kooxda China Group-ka Jigjiga oo Filim soo Jilay dambina isku cadaynaya.
- Oct 22, 2018
Mid kamida dhalinyaradii China Groupka ee Gabdhaha Jigjiga ku Qaawinayay ayaa muqaal laga soo ...
Kooxdu Dulmi-diid ma’ahayne Nidaam diid bay Ahaayeen! boobka Jigjiga kasocda.
- Oct 22, 2018
Maanta magaalada Jijiga waxaad Ku Arkaysaa dhaqan Diin Islaam iyo mid Gaal midna Aan ...
Daawo:Dhibaatada iyo baahida Barakacayaasha duleedka magalada Shilaabo.
- Oct 22, 2018
Degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay oo kamida meelihii dhibaatada ugu daran ay kagaysteen ciidamada ...
Daawo:Maxaa Kayaabiyay Salaad Cali Jeele oo markii u Horaysay Lodon kadagay.
- Oct 22, 2018
Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelo ayaa markii ugu Horaysay Taariikhda waxaa uu ...
Muxuu wasiirka Arimaha dibada Itobiya kayidhi Heshiiska ONLF.
- Oct 22, 2018
Wasiirka Arimaha dibada Itobiya Workneh Gebeyehu oo Hogaaminayay Ergada dhinaca Itobiya ee wada Hadalka ...