Deg deg: Abiy Ahmed Arinta ciidanka madaxtoyada Qabsaday Gacantaa lagu Hayaa.

Kadib wax lagu sheegay iskuday Af-gambi oo ka Fashilmay cutub katirsan ciidamada Gaarka ah ee Itobiya oo Duhurnimadii maanta Gudaha u Galay xarunta madaxtoyada, ayaa waxaa Fiidnimadii caawa Hadlay Ra’isal wasare Abiy Ahmed.

Ciidamada Galay Gudaha madaxtoyada oo Gacanta kudhigay Ra’isal wasare kuxigeen Demeke Mokonen kadib markii ay Waayeen Abiy Ahmed, ayay masuuliyiinta dawlada iyo warbaahintu siyaabo kala duwan oo is khilaafsan uga Hadleen.

Ra’iisal wasare Abiy oo isaga oo boqolaal ciidamada ilaalada madaxtoyada ahi ku Hareeraysan yihiin warbaahinta lahadlay, ayaa sheegay in arinka ciidamada sameeyay Gadood ay Haatan dajiyeen Gacantana lagu Hayo xaalada sida uu Hadalka u dhigay.

Abiy waxaa uu sheegay in ciidamadu sameeyeen cabasho dhinaca mushaarka ah taasi oo sida uu sheegay ay xaq u leeyihiin, balse su’aashu tahay Qaabka loo maray iyo cida kadambaysay Talaabadii maanta ay ciidamadu kula wareegeen Qayb ahaan xarunta madaxtoyada Itobiya.

Guud ahaan dalka Itobiya ayaa waxaa kajira Khal-khal xoogan waxaana inta badan dalka Itobiya Gaar ahaan caasimada Hawada laga saaray, Telefanada iyo Adeegii Internetka taasi oo sii adkaynaysa xaalada murugsan ee kadhalatay ciidamada Galay Gudaha madaxtoyada.

Ciidamadu waxaa ay kala xidheen inta badan Wadooyinka Hal-bowlaha u ah isu socodka magaalada Addis ababa waxayna carqaladeeyeen Goobihii Ganacsiga ee kuyaalay dhamaan Jidadkii ay marayeen, taasi oo keentay in Ganacsatadu Iridaha isugu dhuftaan Meheradahooda.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Kooxda China Group-ka Jigjiga oo Filim soo Jilay dambina isku cadaynaya.
- Oct 22, 2018
Mid kamida dhalinyaradii China Groupka ee Gabdhaha Jigjiga ku Qaawinayay ayaa muqaal laga soo ...
Kooxdu Dulmi-diid ma’ahayne Nidaam diid bay Ahaayeen! boobka Jigjiga kasocda.
- Oct 22, 2018
Maanta magaalada Jijiga waxaad Ku Arkaysaa dhaqan Diin Islaam iyo mid Gaal midna Aan ...
Daawo:Dhibaatada iyo baahida Barakacayaasha duleedka magalada Shilaabo.
- Oct 22, 2018
Degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay oo kamida meelihii dhibaatada ugu daran ay kagaysteen ciidamada ...
Daawo:Maxaa Kayaabiyay Salaad Cali Jeele oo markii u Horaysay Lodon kadagay.
- Oct 22, 2018
Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelo ayaa markii ugu Horaysay Taariikhda waxaa uu ...
Muxuu wasiirka Arimaha dibada Itobiya kayidhi Heshiiska ONLF.
- Oct 22, 2018
Wasiirka Arimaha dibada Itobiya Workneh Gebeyehu oo Hogaaminayay Ergada dhinaca Itobiya ee wada Hadalka ...