Madaxwaynaha Itobiya oo Maalgashadayaasha Turkiga soo Horkacaya.
Madaxwaynaha dalka Itobiya Mulatu Toshome ayaa booqasho Laba maalmood ah waxaa uu kujooga dalka Turkiga.
Madaxwayne Mulatu ayaa waxaa Aqalka madaxtoyada Turkiga ku Qaabilay madaxwaynaha Turkiga Erdogan waxayna Labada masuul kawada Hadleen sidii Kor loogu Qaadi lahaa xidhiidhka Labada dal, gaar ahaan dhinaca Ganacsiga iyo Maalgashiga.
Itobiya waxaa maalgashiyo door ah kuleh shirkado Turkish ah waxaana Haatan madaxwayne Mulatu uu doonayaa inuu soo Horkaco shirkado iyo maalgashadayaal Horleh oo Turkish ah, kuwaasi oo maalgashiyo dhinaca Warshadaha ah kusamaysan doona Itobiya.
Dhamaan Maalgashadayaasha shisheeye ayay Itobiya u samaynaysaa canshuur dhaaf sidoo kale Agabyada ay shirkaduhu lasoo dagayaan, ayaan wax canshuur ah laga Qaadaynin si loo soo Jiito maal-qabeenada doonaya inay sameeyaan maalgashi buuran.
<