Madaxwayne Mustaf Waa inuu Talaabo cad kaqaadaa kuwa shacabka Af-duubay.

Midaynta Abaabulka iyo Wacyi-galinta Ururku uu ka wado dalka Madaxweyne Mustafe raalli buu ka yahay si cad buuna u qeexay mawqifkiisa ku aaddan arrinkaas.

Haddaba iyada oo ay sidaatay shakhsiyaadka ka xun naruurada iyo neecawda xorriyadeed ee bulshada Soomaali State u carfaysa iyaga unbaa is ceebeeyay.

Madaxweyne Mustafe waa inuu tallaabada ku haboon ka qaado shakhsiyaadka afduubaya rabitaanka bulshada maadaama oo dhaqdhaqaaqa ururku uu ku salaysan yahay fasaxitaanka Madaxweynaha iyo is fahamkii ay gaadheen isaga iyo Ururku.

Haddii uuna Qaswada-yaasha wax ka qabanin dalku Qas iyo Lab ayuu galayaa Qof walbana wuxuu doono ayuu samaynayaa illeen Madaxweynaha ayay Gol-jilayc ka dareemayaan e’.

Ururku waa inuu Godey ka iclaamiyaa isu soobax ay kula hadlaan bulshada, Madaxweynuhuna waa inuu ku amraa ciidanka Federalka inay ammaanka sugaan. kolkaa qaswada-yaashiina daawade-yaal haka ahaadaan.

Gunaanadkii, war ninkii ONLF ka soo horjeedow bulshada intaad shirar u qabato ka hor keen oo ku dir Ururka xor baad u tahay arrinkaas ee laakiin taageerayaasha Ururka ee baaxadda wayn leh baan afduubi oo aan ka hor istaagi rabitaankooda waxay daliil u tahay daciifnimadaada


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Lemma Megersa dambiilaha Wali Talinaya.
- Dec 18, 2018
Madaxwaynaha mamulka Oromada Lemma Megersa oo safka Hore kaga Jiray dhagar-qabayaashii xasuuqa iyo xad ...
Daawo:Gudomiyaha Ururka SRDA ee ay ONLF midoobeen oo waraysi xiisa leh bixiyay.
- Dec 18, 2018
Mudane Maxamed Axmed Gudomiyaha Urur siyaasadeedka SRDA oo ay midoobeen ONLF ayna iskula kunoqdeen ...
Qayla dhaan katimid dhakhaatiirta Godey ee ku kaliyaystay dhaawaca Moyale+sawiro.
- Dec 18, 2018
Magalada Moyale waxaa kusugan Team ama Koox aad u Tirayar oo ah dhakhaatiir Gurmad ...
Daawo:Farmaajo iyo M.Biixi Midkoodna kama Hadli Karo Kala Gu’is iyo Midow.
- Dec 18, 2018
Ra'iisal wasare kuxigeenka dalka Somaaliya Mahdi Guuleed oo kahadlayay shirka Aragti Wadaaga Somaaliyeed ayaa ...
Daawo:Fanaanka Cawaale Aden oo si balaadhan Jabuuti loogu soo dhoweeyay.
- Dec 18, 2018
Kadib muda dheer oo dalkiisa uu dibad Joog uga ahaa Aragtidiisa siyaasiga ah oo ...