ONLF Waa cadow oo ma Arki karo Jigjigana Axmaar baa nagu xukumi?.

Waxaa markii ugu Horaysay tan iyo intii Kooxda EPRDF ay Talada dalka Itobiya lawareegtay xaafad kamida magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka Somaalida madax looga dhigay nin kasoo Jeedo Qomiyada Axmarada.

Sida Ogaden24 uu xog rasmiya kuhelay Duqa magalada Jigjiga Dayib Muxumed Jaamac ayaa Gudomiyaha xaafada Lixaad ee magalada Jigjiga waxaa uu u magacaabay Nin kasoo Jeeda Qomiyada Axmarada, waxayna magacaabistani xad Gudub kutahay dastuurka u Yaala dalka Itobiya.

Sida ku cad Dastuurka Itobiya ruuxa Itobiyanka ahi wuxuu Xaq u leeyahay inuu dalka kaga Noolaado meesha uu Rabo, balse xaq uma laha in laga doorto ama uu wax kadoorto deegaan aan ahayn midka uu Asal ahaan kasoo Jeedo, Tusaale ahaan shakhsiga Somaaliga ah ee kudhashay kuna nool magalada Bahardar ee caasimada Xabashida lagama dooran karo waxna kama dooran karo magaladaasi oo waxaa u diidaya dastuurka Qomiyadaha kusalaysan.

Talaabadani uu Qaaday Mayor-ka magalada Jigjiga ee sharcidarada ah ayaanay Jirin cid ilaa iyo Hada kahadashay waxayna u muuqataa in kudhiirashada Duqa magaladau kudhiiraday xil u dhiibista shakhsi aan deegaanka u dhalan ay tahay mid ay ku Lug leeyihiin masuuliyiinta sare ee Heer Gobol ilaa iyo Heer Degaan.

Su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah Aaway dadkii kudoodayay inay iyagu Leeyihiin magalada Jigjiga ee diidaan in calanka ONLF lagu dhex arko ruux xidhan? mise ONLF iyo Taageerayaasheeda kaliya ayaa ah cadowga ree Jigjiga oo Axmarada, Tigreega iyo Oromadu waa Walaalaha ree Jigjiga?.

Waxaa Hubaala Hadii Falkan laga Hortagi Waayo in dorashada soo socotana uu magalada Jigjiga kasoo Gali doono xiliban kasoo Jeeda Qomiyadaha Oromada iyo Axmarada midkood, Waayo majiro wax u diidaya dadka Labadaasi Qomiyadood inay Jigjiga iska sharaxaan mar Hadiiba ay suuragashay inay Gudomiye xaafadeed kanoqdaan.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Kooxda China Group-ka Jigjiga oo Filim soo Jilay dambina isku cadaynaya.
- Oct 22, 2018
Mid kamida dhalinyaradii China Groupka ee Gabdhaha Jigjiga ku Qaawinayay ayaa muqaal laga soo ...
Kooxdu Dulmi-diid ma’ahayne Nidaam diid bay Ahaayeen! boobka Jigjiga kasocda.
- Oct 22, 2018
Maanta magaalada Jijiga waxaad Ku Arkaysaa dhaqan Diin Islaam iyo mid Gaal midna Aan ...
Daawo:Dhibaatada iyo baahida Barakacayaasha duleedka magalada Shilaabo.
- Oct 22, 2018
Degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay oo kamida meelihii dhibaatada ugu daran ay kagaysteen ciidamada ...
Daawo:Maxaa Kayaabiyay Salaad Cali Jeele oo markii u Horaysay Lodon kadagay.
- Oct 22, 2018
Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelo ayaa markii ugu Horaysay Taariikhda waxaa uu ...
Muxuu wasiirka Arimaha dibada Itobiya kayidhi Heshiiska ONLF.
- Oct 22, 2018
Wasiirka Arimaha dibada Itobiya Workneh Gebeyehu oo Hogaaminayay Ergada dhinaca Itobiya ee wada Hadalka ...