Waxgaradka magalada Godey oo Digniin culus u diray Gudomiyaha Gobolka.

Qaybaha kala duwan ee bulshada magalada Godey ayaa mamulka Gobolka ku Eedeeyay Ficilkii aan laga Fiirsan ee shalay kadhacay magalada Godey ee xarunta Gobolka Shabeele.

Xidhiidh Ogaden24 uu lasameeyay Qaar-kamida waxgaradka magalada Godey ayay si cad ugu Eedeeyeen Maxamed Adan Aflow oo ku magacaaban Gudomiyaha Gobolka Shabeele iyo kuxigeenkiisa, is Hortaagi lagu sameeyay shacabkii soo dhowaynayay Wafdiga ONLF.

Waxgaradku sheegeen in shacabka Godey 100% Taageersan yihiin Qadiyada Jabhada ONLF waxayna ku Hanjabeen inaysan u dulqaadan doonin Ficilada Noocan oo kale ah ee kudhisan masayrka inay kusoo Noqdaan magalada Godey.

Adeer wixii maanta dhacay waxay ahaayeen wax ceeb iyo dhag-xumo ku ah dadka deegaankan waxaana si kutalagal ah u sameeyay Ninka meesha lakeenay iyo kuxigeenkiisa oo ciidanka milateriga ku dalbaday dadkii maxasta ahaa ee soo dhowaynta nimankaa iskood isugu soo baxay” ayuu yidhi mid kamida Odayaasha magalada oo ka Gaabsaday inaan magaciisa baahino.

Odayga waxaa uu sheegay in Qaar-kamida dadkii isu soo baxay ay dhibaato u Gaysteen ciidanka milaterigu waxaanu intaa kudaray in uusan Maxamed Aflow sii Joogi doonin Hadii uusan Raali Galin kabixin meel kadhaca uu ku sameeyay dadka ree Godey.

 

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Lemma Megersa dambiilaha Wali Talinaya.
- Dec 18, 2018
Madaxwaynaha mamulka Oromada Lemma Megersa oo safka Hore kaga Jiray dhagar-qabayaashii xasuuqa iyo xad ...
Daawo:Gudomiyaha Ururka SRDA ee ay ONLF midoobeen oo waraysi xiisa leh bixiyay.
- Dec 18, 2018
Mudane Maxamed Axmed Gudomiyaha Urur siyaasadeedka SRDA oo ay midoobeen ONLF ayna iskula kunoqdeen ...
Qayla dhaan katimid dhakhaatiirta Godey ee ku kaliyaystay dhaawaca Moyale+sawiro.
- Dec 18, 2018
Magalada Moyale waxaa kusugan Team ama Koox aad u Tirayar oo ah dhakhaatiir Gurmad ...
Daawo:Farmaajo iyo M.Biixi Midkoodna kama Hadli Karo Kala Gu’is iyo Midow.
- Dec 18, 2018
Ra'iisal wasare kuxigeenka dalka Somaaliya Mahdi Guuleed oo kahadlayay shirka Aragti Wadaaga Somaaliyeed ayaa ...
Daawo:Fanaanka Cawaale Aden oo si balaadhan Jabuuti loogu soo dhoweeyay.
- Dec 18, 2018
Kadib muda dheer oo dalkiisa uu dibad Joog uga ahaa Aragtidiisa siyaasiga ah oo ...