Aragtida shacabka Itobiya ee ku Aadan dadka & degaanka Somaalida” Kaaf iyo Kala dheeri.

Dalkan itoobiya waxaa kuwada nool in kabadan 80 Qowmiyadood oo kala Diin, Sinji, Dhaqan iyo kala luqad ah.

Dadka Qowmiyadahaas waxaa intooda badan la isku dhahaa “Habashaa” Si kasta oo ay u kala fikir duwan-yihiin, waxay Aaminsanyihiin inay Itobiyaan wada yihiin marka laga reebo Hal ama Labo Qowmiyadood, kuwaas oon iyaguna isu arag (intooda badan) Qowmiyada-haas kalana u aqoon sanayn.

Qowmiyada Soomaalida ayaa kamida kuwa aan wali loo aqoonsanayn inay yihiin dad Itobiyaan ah, Waxaana taas kuu cadayn kara Aragtida dad waynaha ee ku aadan dadka Somaalida ee deegaankan (Somali state) u dhashay.

Waana kuwan aragtiyahaas Qaar kamida;

(1) Hadaad afka Axmaariga sifiican ugu hadasho, waxay ku dhahayaan “kani soomaali ma aha ee waa Gondharee, Kolayba waxaa dhalay askartii “Ogaden” ka dagaalami jirtay.

(2) Hadaad Wakhtiga ilaaliso (punctual) si firin -fircoon oo cilmi kusalaysana uga Qayb qaadato fagaarayaasha la isugu yimaado (active participation), waxay ku dhahayaan “Arra’ Ehee Somaalee Aydhalem. Indhzii Aynat Somaalee Aale indhee?” oo kadhigan; Aggaa! Kani Soomaali ma aha, Soomaali kanoo kale miyuu kujiraa? Waa Yasid iyo inayna wanaag kuu Quudhaynin.

(3) Hadaad Labo Qof ama Labo kooxood oo Qowmiyadaha kale (Axmaar vs Uraag) kala ah isku dhacaan/is diriraan oo aad mid kood Garab siiso lana safato, waxay kudhihi “war Adiga maxaa kaagalay ood u dhexgali uguna kala Hiilin adoo Soomaali ah? Iyagaa iska kaaxiga ee ka dhex bax, Taasooy uga jeedaan “adigu Itobiyaan ma tihide maxaad ugu kala Eexan Labadan walaalaha ah?

(4) Hadaad ciyaartooy tahay ood u ciyaarayso koox ama xulka Qaranka u ciyaarayso, markaad sifiican u ciyaarto waxay kudhihi “pravo Farah Aydid” markaad khalad Gashana waxay kudhihi “Tijj’ Yemootkih sumaalee” C/kariin from Dire dawa in nation team No:15, in 1991 E.C.

(5) Hadaad dhib gaysato shakhsi ahaan ama koox ahaan sida, dad inaad xabad ku furto- Qof Waalan, Gaadhi Biriigu kuu Qaban waayay Hadaad dad jiidh siiso, Qarax Gaysato iyo fal dambiyeedyo kale, Madhahayaan shakhsi dambiile ah ayaa falkaa gaystay ee waxay dhahayaan Soomaali baa dad Itobiyaan ah laayay.

Kuwa warka loosheegana waxay dhihi “dhuroos ka Sumaalee tiru negar anidabiqim na bar” iyo “ka Sumaalee leelaa Itobiyaa talaat yalaatim” oo macnahoodu yahay “Hada kahorba Soomaali wax Wanaag ah kama sugaynin” iyo “Itobiya cadaw aan soomaali ahayn malaha”.

Hadaba, markaad Qiimayso arimahaas/Aragtiyahaas iyo kuwo badan oona halkan Hada kusoo koobi karin, mala odhankaraa waxaynu nahay (shacabka deegaanka soomaalida) itoobiyaan?.

Si kasta ood isugu Taxalujiso/isugu Hawsho inaad Itobiyaan noqoto ood lamid noqoto dadka Qowmiyadaha kale ee dalka, magalayso maskaxda dadka “high lander” ka ah inaad tahay Itobiyaan, Mana liqi karaan oo Halkaas Hal cunka ah uma dhaafayso.

Haday waligoodba Hadal aan dhab/run ahayn oo Afka baarkiisa ah ku dhahaan isku mid baynu nahay oo Itobiyaan baynu wada nahay, hadana marka ay dhabtu timaado ee ay ka run sheegayaan waxa Uurkooda kujira ee ay aaminsan yihiin waa “itoobiyaan matihid Soomaaliyow “. Period.

Su’aasha meesha Taala waxay tahay ” Walaal Itobiyaay Labo Xaalo mid uun ii ogolow:

(1) Itobiyaanimadan aan Aniga uuni daba ordayo iskuna dhadhajinayo si dhab ah iigu Ogolow oo aan helo xuquuqda iyo saamiga aan xaqa u leeyahay sida Qowmiyadaha kale ee dalka?.

(2) Ama Allay Tiisa tahaye Aayar iska kay fasax ooynu sidii Laba dal oo African ah Walaaltinimo iyo Jaar Wanaag kuwada noolaano?”.

Wixii Labadaa kabaxsan waa “Sina seeg”, silcin iyo “madishaa ma noolays” wax noo contami iyo wax aan Hada kadib xamili karo/aqbali karo ma aha ee caqli kale la’imo Itobiyaay.

Wixii su’aal ama Talo bixin ah waan soo dhowayn.  Tubta Toosan Ilaahay Hanagu Hagaajiyo.

By: Shafici Dahir Muse


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Kooxda China Group-ka Jigjiga oo Filim soo Jilay dambina isku cadaynaya.
- Oct 22, 2018
Mid kamida dhalinyaradii China Groupka ee Gabdhaha Jigjiga ku Qaawinayay ayaa muqaal laga soo ...
Kooxdu Dulmi-diid ma’ahayne Nidaam diid bay Ahaayeen! boobka Jigjiga kasocda.
- Oct 22, 2018
Maanta magaalada Jijiga waxaad Ku Arkaysaa dhaqan Diin Islaam iyo mid Gaal midna Aan ...
Daawo:Dhibaatada iyo baahida Barakacayaasha duleedka magalada Shilaabo.
- Oct 22, 2018
Degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay oo kamida meelihii dhibaatada ugu daran ay kagaysteen ciidamada ...
Daawo:Maxaa Kayaabiyay Salaad Cali Jeele oo markii u Horaysay Lodon kadagay.
- Oct 22, 2018
Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelo ayaa markii ugu Horaysay Taariikhda waxaa uu ...
Muxuu wasiirka Arimaha dibada Itobiya kayidhi Heshiiska ONLF.
- Oct 22, 2018
Wasiirka Arimaha dibada Itobiya Workneh Gebeyehu oo Hogaaminayay Ergada dhinaca Itobiya ee wada Hadalka ...