Gabay cusub: Ma In aad Xabaalaha Quftaan kuugu Xidhay shaalka?! Ab. Af-magaaxshe.

Abwaanka Aragtida dheer ee Cabdishakuur Af-magaaxshe oo kamida Hal Abuurka Fara-kutiriska ah ee sida Hufan uga Hadla dhibaatada Joogtada ah ee shacabka Somaalida Ogadenia ay kala soo kulmeen mamuladii kala dambeeyay ee Itobiya, ayaa si Kulul uga dareen celiyay Fal kucusb Guud ahaan shacabka ree Ogadenia.

Abwaanka iyo inta badan bulshada waxaa Layaab iyo Amakaag kunoqotay Xabaalo lasheegay in dib loo soo Qufayo taasi oo u Jeedada kadambaysa aan si cad loo Qeexin, balse muujinaysa dano siyaasadeed oo Koox Gaar ahi wadato laguna sii kala Fogaynayo bulshada Somaaliyeed ee kasoo kabanaysa Kadeedka Kooxdii TPLF iyo Adeegayaashodii.

Abwaan Af-magaaxshe waxaa sida muuqata uu Gabayga kula Garnaqsanayaan madaxwaynaha dawlada degaanka Somaalida, kaasi oo uu kudhaliilayo inuu Hoos uga dhacayo meeshii uu ka Filayay oo ahayd isku Keenida Ummada iyo isku wadideeda iyo sidoo kale Laxisaabtanka boqolka Malyan ee Itobiyanka ah ee xaqii Ummadan duudsiyay, waxaanu Abwaanku yidhi.

-Xaqa maqan hasoo rido intuu cadaw la Xaajoodo
—Oo ha soo Xareeyaan lahaa geel la Xaday jeer’e
—Ma inaad Xabaalaha Quftaan kuugu Xidhay shaalka?!

—Xagtimaha ha dhayo oo bulshada, Xaal ha kala siiyo
—Oo xagaagan dheer baan lahaa, Xays ha kuu Raro’e
—Ma In aad Xabaalaha quftaan kuugu Xidhay shaalka?!

—Xeelad iyo intuu Raganimiyo Xubin gobeed sheegto
—Sidii Loo Xasuuqaan lahaa haw Xisaabtamo’e
—Ma inaad Xabaalaha quftaan kuugu xidhay shaalka?!

—Waa Xulkii Awaaree intuu godob Xasuusnaado
—Ha u Xiniinyo sheegtaan lahaa, Xabashidaa baas’e
—Ma inaad Xabaalaha quftaan kuugu xidhay shaalka?!

Maxaa (Cabdi ) Makhraati u raadintiisa Hawl ka Muhiimsan kuu Taalla Ina Adeer.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Lemma Megersa dambiilaha Wali Talinaya.
- Dec 18, 2018
Madaxwaynaha mamulka Oromada Lemma Megersa oo safka Hore kaga Jiray dhagar-qabayaashii xasuuqa iyo xad ...
Daawo:Gudomiyaha Ururka SRDA ee ay ONLF midoobeen oo waraysi xiisa leh bixiyay.
- Dec 18, 2018
Mudane Maxamed Axmed Gudomiyaha Urur siyaasadeedka SRDA oo ay midoobeen ONLF ayna iskula kunoqdeen ...
Qayla dhaan katimid dhakhaatiirta Godey ee ku kaliyaystay dhaawaca Moyale+sawiro.
- Dec 18, 2018
Magalada Moyale waxaa kusugan Team ama Koox aad u Tirayar oo ah dhakhaatiir Gurmad ...
Daawo:Farmaajo iyo M.Biixi Midkoodna kama Hadli Karo Kala Gu’is iyo Midow.
- Dec 18, 2018
Ra'iisal wasare kuxigeenka dalka Somaaliya Mahdi Guuleed oo kahadlayay shirka Aragti Wadaaga Somaaliyeed ayaa ...
Daawo:Fanaanka Cawaale Aden oo si balaadhan Jabuuti loogu soo dhoweeyay.
- Dec 18, 2018
Kadib muda dheer oo dalkiisa uu dibad Joog uga ahaa Aragtidiisa siyaasiga ah oo ...