Go’aamada kasoo baxay shirkii beesha Abraahiin uga socday magalada Caado.

Magaalada Caado ee Gobolka Doollo waxaa maalmihii lasoo dhaafay uu shir balaadhan uga socday, Odayaasha iyo waxgaradka beesha Abraahiim.

Shirku waxaa uu ahaa mid Waxgaradka beeshu kaga arinsanayeen Arimaha u Gaarka ah ee beesha iyo xaalada Guud ee Gobolka Doollo, waxaana shirka kasoo baxay Qodobo dhawr ah oo kusaabsan sidii beeshu Kaalinteedii Hormuudnimo ee Gobolka Doollo iyo Guud ahaan Ogadenia usoo ceshan lahayd.

                                        Qodobada waxgaradka beeshu isku raaceen:

1- Waxay Waxgaradka beeshu isku Raaceen in dhamaan wixii Tabasha ah ee beesha dhex-deeda ah Xalay dhalay laga noqdo, si Guud iyo si Gaar ahna Laysu cafiyo.

2- In danta Guud ee beesha si Wada-jir ah looga shaqeeyo si Nabad iyo darisnimo wadaag ahna lagula Noolaado beelaha kale ee deegaanka.

3- Shirku waxaa uu soo dhoweeyay isbadalada Lataaban karo ee ka curtay deegaanka Somaalida iyo Guud ahaan Itobiya.

4- Shirku waxaa uu Go’aamiyay in beeshu iska soo xusho 9-xubnood oo Gudi ah uuna 10- kunoqonayo suldaanka Guud ee beesha Abraahim.

5- Gudiga 9-ka xubnood ah oo suldaanku Hogaaminayo ayaa looga dambaynayaa una xil saaran Talada beesha Abraahiim.

6- Shirku waxaa uu Go’aamiyay in laqabto shirwayne beesha Abraahiin Yeelato ayna kasoo Qayb Galayaan Qurba Joogta, siyaasiyiinta, culima’udiinka iyo waxgaradka beesha.

Shirka ay beesha Abraahiin kuqabsatay magaalada Qadiimka ah ee Caado ayaa noqonaya shir beeleedkii ugu Horeeyay ee Wadanka Ogadenia kadhaca tan iyo intii meesha uu kabaxay mamulkii ka Amar Qaadanaya kooxda TPLF, waxaana shirkani uu calaamad Wanaagsan u yahay dib usoo noqoshada Hogaamintii dhaqanka oo mudo 27-sano kabadan Kooxda TPLF ay Hortaagnayd.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Kooxda China Group-ka Jigjiga oo Filim soo Jilay dambina isku cadaynaya.
- Oct 22, 2018
Mid kamida dhalinyaradii China Groupka ee Gabdhaha Jigjiga ku Qaawinayay ayaa muqaal laga soo ...
Kooxdu Dulmi-diid ma’ahayne Nidaam diid bay Ahaayeen! boobka Jigjiga kasocda.
- Oct 22, 2018
Maanta magaalada Jijiga waxaad Ku Arkaysaa dhaqan Diin Islaam iyo mid Gaal midna Aan ...
Daawo:Dhibaatada iyo baahida Barakacayaasha duleedka magalada Shilaabo.
- Oct 22, 2018
Degmada Shilaabo ee Gobolka Qoraxay oo kamida meelihii dhibaatada ugu daran ay kagaysteen ciidamada ...
Daawo:Maxaa Kayaabiyay Salaad Cali Jeele oo markii u Horaysay Lodon kadagay.
- Oct 22, 2018
Siyaasiga caanka ah ee Salaad Cali Jeelo ayaa markii ugu Horaysay Taariikhda waxaa uu ...
Muxuu wasiirka Arimaha dibada Itobiya kayidhi Heshiiska ONLF.
- Oct 22, 2018
Wasiirka Arimaha dibada Itobiya Workneh Gebeyehu oo Hogaaminayay Ergada dhinaca Itobiya ee wada Hadalka ...