Xidhiidhka Jabhadihii Hubaysnaa & dawlada Federalka Itobiya & Halista ONLF.

Waxaa jiray jabhado tirobada oo hubaysan inay ka dhex dagaalami jireen deegaana kaladuwan oo dalka itoobiya ah dhagaalana kula jiray ciidamada qaranka iyo kuwada deegaanadaba.

Jabahadahaas ayaa udagaalamayay xoraynta iyo/ama xuquuqda qowmiyadaha ay kasoo jeedaan ooy aamin sanyihiin in la guumaysto ama laxaqiray lana faquuqay waa siday hadalka udhigaane.

Ururadaas hubaysnaa ayaa Waxaa kamida; Jabhada xoraynta oromada (OLF), ONLF, Jabhadaha; Axmaarada, Sidaamaaga, Tigreega, Canfarta iwm.

Raysulwasaaraha dalka Dr.Abiy Axmed markuu hogaanka lawareegay bishii April 2018 ka ayaa wuxuu si lama filaana ooy geesinimo ku dheehantahay ugu dhawaaqay isbadal siyaasadeed oo ka duwan qaabkii ururka EPRDF kusoo hogaaminay dalka 27kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa ooda laga qaaday maxaabiistii uxidhnay arimaha siyaasada, Waxaa liiska argagixisad laga saaray qaar kamida Jabhadaha hubaysan sida OLF, ONLF iyo G-7, waxaa lafasaxay in kabadan 200 oo mareego wareed (websites, blogger, iwm), waxaa baaq nabadeed loo fidiyay dhamaan ururadii, kooxihii, shakhsiyaad kii hada kahore aan loo ogolayn wadanka iyo qurbajootaba inay si nabada dib ugu soo noqdaan wadankooda ooy ka qayb qaataan dhismaha iyo horumarinta dalkooda hooyo.

Baaqaas nabadeed ayay aad u soo dhoweeyeen dhamaan cidii ay khusaysay, si degdeg ahna dib ugu soo labteen wadanka. Jabhadihii hubaysnaa heshiisyo ayay la galeen laamahay khusaysay ciidamadoodiina gudaha dalka soo galiyeen (qaarkood heshiiska kahor bay soo galiyeen), qaarkood hub kadhigis baa lagu sameeyay laakiin jabhada xorayta oromada ee uu madaxda kayahay Daauud ibssa ayaa todobaadkii lasoo dhaafay sheegtay inayna hubka dhigaynin isagoo yidhi “xaaskaaga iyo hubkaaga indaad furto/dhigto uma fududo sidii adigoo suunka iska fur lagu yidhi oo kale”.

Mudane kaasaahun, wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta dawlada fadaraalka itoobiya ayaa yidhi maanta “urur/jabhad hub ku dhex wadan karta wadanka gudihiisa majirto hadii la arkana talaabo sharci ah ayaa laga qaadi.

Wasiir kuxigeenka ayaa ku jibatuurtay inuu dalka itoobiya haysto/leeyahay ciida aad u badan aadna u awood badan oo kaalinta 5aad kujira Africa ahaan, awoodna uleh inuu sifudud u burburiyo cadaw kasta oo isku daya inuu carqaladeeyo nabadgaliyay iyo xasiloonifa dalka iyo dadkiisa. Cadaw-kaasi hanoqdo ku dibada ah ama ha ahaado ku gudaha ah.

Dig’niintan uu dirayo mudane Kasahun, ayaan ahayn mid ku kooban jabhada xoraynta oromada ee (OLF) oo uu war saxaafadeedkiisa kaga jawaab celinayay hadal labo maalmood kahor kasoo yeedhay gudoomiyaha jabhada OLF mudane Daa’uud ibssa oo sheegay inayna jabhadiisu hubka dhigaynin, ee waa digniin ku socota dhamaan jabhada hubaysan ee dalka gudihiisa ku sugan.

Sida aynu lasocono jabhada wadanida xoraynta ogaadeeniya (ONLF) oo muda dheer qori ku halgamaysa inay hada ku talajirto inay badasho qorsheheedii hore ooy qalin u badasho halgan keeda. Taasooy kaga jaabayso baaqii nabadeed ee raysulwasaaraha dalka Dr.Abiy Axmed udiray dhamaan jabhadaha qoriga wax ku raadinayay inay si nabada ugu soo laabtaan wadankooda halgan koodana sinabada ugusii wataan.

Ururka ONLF ayaa xabad joojin dhankooda ah kudhawaaqay, wafdina u soo diray gudaha dalka kuwaasoo kulamo hordhac ah laqaatay masuuliyiin iyo bulshada qaybaheeda kaladuduwan ilaa hadana siiwata hawlahooda.

Waxay sidoo kale hogaaminta ONLF kulana wadaxaajood ah kula yeesheen magaalada Casmara ee caasimada dalka Eritrea masuuliyiin ugu saraysa dawlada deegaanka soomaalida oo wakiil ka ahaa dalka itoobiya. Wayna islaqaateen isfahan guud oo ku saabsan sidii si nabada wadahadalkoodu ugu sii Socon lahaa laakiin wali wax heshiis ah ayna kala saxiixanin.

Hadaba isagoo xaal halkaas marayo rajo fiicana laqabo ayaa waxaad arkaysaa xubnihii hubaysnaa ee jabhadaha ONLF inay farxadii uun laabla kaca oon xeerka nabadgaliya dalka itoobiya waafaq sanayn (qori aan fasax dawladeed haysanin inaan lagu dhex wadan karin gudaha dalka) ay magaalooyinka deegaanka qaarkood bulshaduna si balaadhan ugu soo dhowaynayaa sawiraan la galayaan baraha bulshadana lagu soo baahinayo.

Wali wax dhib ah ooy arintaasi keentay majirto oo dad wada dhashay oo muddo dheer kala baaday isuna hiloobay uunbaa isku mandadsan. Laakiin su’aasha ubaahan in laga fikiro ayaa ah “maxaa ka iman/dhan kara arintaas iyadoon wax heshiis ah oo la kala saxiixday uuna jirin?” Ma dhaqan soomaali uunbaan ku soconaa mise wadada sharciga ah ayaynu marnaa inagoo kafiirsanayna kana taxafarayna wax kasta oo turunturo ku keeni kara habsami u socodka isbadalka socda?

Go’aanka waxaan udhaafi masuuliyiinta jabhada iyo xukuumada. Jawaabta iyo falanqaynteedana waxaan u dayn akhrista yaasha sharafta leh.

Bye: Shafici Dahir Muse


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Lemma Megersa dambiilaha Wali Talinaya.
- Dec 18, 2018
Madaxwaynaha mamulka Oromada Lemma Megersa oo safka Hore kaga Jiray dhagar-qabayaashii xasuuqa iyo xad ...
Daawo:Gudomiyaha Ururka SRDA ee ay ONLF midoobeen oo waraysi xiisa leh bixiyay.
- Dec 18, 2018
Mudane Maxamed Axmed Gudomiyaha Urur siyaasadeedka SRDA oo ay midoobeen ONLF ayna iskula kunoqdeen ...
Qayla dhaan katimid dhakhaatiirta Godey ee ku kaliyaystay dhaawaca Moyale+sawiro.
- Dec 18, 2018
Magalada Moyale waxaa kusugan Team ama Koox aad u Tirayar oo ah dhakhaatiir Gurmad ...
Daawo:Farmaajo iyo M.Biixi Midkoodna kama Hadli Karo Kala Gu’is iyo Midow.
- Dec 18, 2018
Ra'iisal wasare kuxigeenka dalka Somaaliya Mahdi Guuleed oo kahadlayay shirka Aragti Wadaaga Somaaliyeed ayaa ...
Daawo:Fanaanka Cawaale Aden oo si balaadhan Jabuuti loogu soo dhoweeyay.
- Dec 18, 2018
Kadib muda dheer oo dalkiisa uu dibad Joog uga ahaa Aragtidiisa siyaasiga ah oo ...