Jigjiga iyo dalkii Hugun & Or baa ka Aloosane Yaa Gar leh? Yaa se Gardaran?.

Su’aalaha dad badani is waydiinayaan ah Xasarada colaadeed ee maalmahan kataagan Jigjiga Yaa Gar ku leh? Yaase ku gardarraa? Qoonsimaadkuse xagee ka yimid? Hadaba Aniga waxaa iiga muuqda sidan hoose:

1. Isbeddelka dalkii ka dhacay iyo dhisidda dawladda cusub siyaabo kala duwan ayay dadka u saamaysay, Dabcan siyaabo kala duwanna waa looga fal-celiyay Laba Qolaba sida muuqata way ka quusan la’yihiin Qaybta kaga soo Hagaagtay dawladda cusub.

2. Qolo dawladdii hore ayay la shaqaysan jireen, ayaamihii isbeddelku dhacay anfariir iyo argagax iyo kabahaygii ma aragtay baa ku dhacay, Waxay aad uga baqayeen in la weeraro oo la xidho, oo dhibka ay gaysteen lagu qaado dambigiisii.

Iyaga oo godo ku jira unbay arkeen in dawladdaniba ay iskeed u mashquulsan tahay, iyagana aanba dan laga lahayn, dadkii noocaas ahaa way irdhogooyeen, oo hadda inayba wax goosan karaan ayay la tahay. Waxayna billaabeen:
a. Inay is abaabulaan, oo ay waliba lacag aad u badan oo ay dawladdii hore ka boobeen ay isku abaabulaan.

b. Nairobi, Jigjiga, London, Stockholm, Minneapolis iyo meelo kale ayay dedaal ka wadaan, Waxyaabaha ay hadda billaabeen waxaa ugu wayn in dawladda cusub la tashuush galiyo, oo waliba Qabiil lagu weeraro Madaxwaynaha iyo Qoyskiisaba.

c. Dhinac durbaan qabiil oo reer Hebel baa loo jeedaa ah ayaa troll farms (Beero fadhi-ku-dirir) oo madasha FB iwm laga bilaabay, Qof kasta oo Qabiil lagu dagaal galin karayna wuu ku jiraa.

d. Dhinacna, waxaa si toos ah la isugu xidhayaa iyada oo isla kiiskii qabiilka la buunbuuninayo, qaddiyadda Deegaanka iyo midda Jubaland, Waxaa aad baraha looga naadiyaa in MD Mustafe uu duullaan ku yahay Jubaland.

e. Waddo saddexaad, oo aad khatar u ah oo Gacansaar Toos ah lala yeelanayo hadhaagii JXDT ayaa laga billaabay dalka gudihiisa, Waxaa abaabulka qayb wayn ka ah hawl wadeennada u dhashay Tigreega ee laamaha ammaanka dalka iyo sirdoonka ku jira, Qaraxyo, dil lala beegsado dad magac leh iyo qas (anarchy) ayaa u gundhig ah hawsha Qasadkuna waa in dawladda iyo dadka la isku diro.

f. Ragga hawl-wadeennada ka ah dedaalkani, waxaan hunguri iyo quusasho la’aan boobkii dalka iyo dadka ee ay hore u barteen ahayn ma soo wadaan, Waxay u baahan yihiin in Gacan bir ah la iskaga qabto, musuqoodii, xad-gudubkii xuquuqda dadka iyo caddaalad darridoodiina waa in lagu beddelaa sharciga sarrayntiisa, ilaalinta xuquuqda qofka iyo dhawridda hantida dadka iyo dalka.

3. Qolona waa Raggii ka soo hawl galay isbeddelkii lagu tuuray dawladdii CMC oo isbedelka cusub ka waayay wixii ay ka filanayeen, Kooxdani Laba jilib ayay u kala baxaan, Rag si dhab ah u doonaya isbeddel aadna uga han jabay sida isbeddelka cusubi u dhacayo, iyo Rag sad doon ahaa oo wax kasta oo isbeddela uusan u cuntamayn, haddii aanay iyagu Gadhwaeen u ahayn.

a. Ragga isbeddalka dhabta ah doonaya, ee ka caloolyoobay sida Madaxwayne Mustafe wax u wado waxaan kula talin lahaa:.

i. U samra madaxwaynaha iyo dawladda cusub, taagerana oo waqti lagu qiimayn karo aan ku sinno.

ii. Haddii aad ka samri waydeen, ood isleedihiin hawl tiisa ka fiican baad qaban kartaan, dariiq tusaale fiican noqda, oo ah inaad xizbi siyaasi ah samaysataan, mucaarada oo sharciga kula dagaallama.

b. Ragga isbeddelka ugu jiray uun inay wax helaan, idinku waadna isgaranaysaan, kursiga laba qof isku mar kuma fadhiisan kartee, qalalaasaha u baddela xoog siyaasadeed Qabyaaladdana u beddela qowmiyad.

Waxaan intaas ku darayaa, xuquuqda mucaaradku iyo mucaaradadu waa muqaddas Dawladda iyo gaar ahaan Madaxwayne Mustafe xil ayaa ka saaran inay hubiyaan, in qof kasta oo dawladda mucaarada la ilaaliyo xaqiisa sharafkiisa iyo xoolihiisaba.

Sidoo kale qofka wax mucaaradaya waxaa waajib ku ah inuu ilaaliyo anshaxa mucaaradnimO, Waxaa reebban in uu si toos ah isugu diro dadka, inuu qalalaase abuuro, inuu isagu xuquuqda dad ku tunto, isaga oo tiisii raadinaya, Waxaanba meesha ku jirin, in dhib dad ku nafwaayaan dalka iyo gaar ahaan caasimadda laga abuuro.

Dadwaynaha waxaa la gudboon, inay wadar u ilaashadaan dawladdan cusub Ay taageeraan markii ay wax xaq ah ka shaqaynayso, Ayna hor istaagaan markii ay xaq darro waddo Dadka waxaa ku waajiba inay Allah mahad badan uga celiyaan isbeddelka dalkii ka dhashay, Haddii ayna sidaa yeelin waxay ku sifoobi ‘Haddii aad (nicmada ku) kufridaan, cadaabkaygu aad buu u daran yahay’ Al-Qur’aan.

Qolyaha codka dheer ku mucaaradaya dawladda, walibana ku naaxay dhiigga iyo dheecanka dadka, een lagala xisaabtamin wixii ay dadka iyo dalka ka lunsadeen, waxaan idin leenahay waxaad tihiin Tuugga dhuumanaaya ee dhabarku muuqdo Ee tuugow saamo jiidkiyo, sanqadh tirasho kala daa.

Bye: Mohamed Hassan


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Maydadka dadkii lagu xasuuqay magalada Moyale ee wadanka Ogadenia.
- Nov 14, 2018
Maleeshiyada Hubaysan ee Qomiyada Oromada oo maalmihii lasoo dhaafay weeraro Joogta ah kuhayay daanta ...
Deg Deg: General Kinfe Dagnew & General Tekleberham Walde Arage oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Nov 13, 2018
Wararka haatan nasoo gaadhay ayaa waxay sheegayaan in xadka wadanka Itoobiya iyo Sudan laga ...
Deg Deg Daawo:Mustafa Cagjar oo Liyuu Police Hor leh Geeyay Degmada Dhanaan
- Nov 13, 2018
Madaxwaynha Deegaanka Mustafa Muxumad Cagjar ayaa wxa uu ciidamo hor leh u diray Degmada ...
Daawo:Madaxwaynah Deegaanka Mustafa Cagjar oo isugu yeedhay Hay,adaha ka howl gala Gobolka.
- Nov 13, 2018
Daawo:Madaxwaynah Deegaanka Mustafa Cagjar oo isugu yeedhay Hay,adaha ka howl gala Gobolka.  
Daawo:Dhiilo colaadeed oo kataagan degmada Dhanaan ee Gobolka Shabeele.
- Nov 13, 2018
Qaybaha kala duwan ee bulshada magalada Dhanaan ayaa isugu soo baxay mudaharaad balaadhan oo ...