JAIL OGADEN (Xabsigii Ciqaabta) Qaybtii 1-aad.

JAIL OGADEN, wuxuu ahaa meesha ciqaabta ugu badan Maxaabiista loogu gaysan jiray, wuxuu sidoo kale ahaa Jeelka ugu wayn Gobalka. Jeel Ciqaabeedkani maku oolin oo kaliya Magaalada Jigjiga, balse wuxuu ku yaalay Gobal, Degmo, iyo Tuulo kasta.

Waxaad iswaydiinaysaa, Malaha sidaas maahayne Muxuu ka wadaa?

Waxaan uga socdaa, si guud Xabsi kasta oo Gobalka ku yaalay, wuxuu dhan walba oo ay ugu horayso Ciqaabtu uu kala mid ahaa JAIL OGADEN, oo ujeedkaygu maaha Magaca Xabsiga inay wada wadaagaan ama uu laamo kulahaa Gobalada dhamaantood.

Dhibaatadii baaxada lahayd ee umadu soo martay iyo imaatinkaygii anigoo mudo dheer ka maqnaa wadanka, waxay sasabtay inaan waxbadan isku dayo inaan ka ogaano tacadiyadii faraha badnaa iyo ciqaabihii kala duwanaa ee ay la darseen Dulmanayaashii xaqdarada ku xidhnaa Jeel Ogaadeen.

Hadaba, aniga iyo Koox ka mid dhalinyarada OYSU oo kaashanaya Dulmanayaal horay ula soo falgalay Ciqaabaha jeelkan mudo dheerna ku xidhnaa, Waxaa noo suurtogashay inaanu booqano Xabsi Ciqaabeedkan, isla markaana wax kusoo aragno indhahanaga, si ay noloshayada wax uga badasho mustaqbalkana ayna sheeko noogu noqon iyo taariikh la qoray.

Anigoon qoraal kusoo koobi karin waxyaabahaan kusoo aragnay iyo sheekooyinka murugada leh ee aad la ilmayn, hadana waxaan isku dayi doonaa inshallah inaan dhowr qaybood u kala qaado, qalinkana ku xar-xariiqo intii ilaahay (SWT) Awooda ii siiyo.

Waxaan dib u dhigandoonaa iyo xili kale hadii Ilaahay inoo suurto galiyo, Qisooyinkii ka dhacay, Ciqaabihii kala duwanaa ee Jeelka, iyo IWM. Balse waxaan soo hormarin doonaa qayb si gaar ah iisoo jiidatay oo ahayd, Qoraaladii Ku Xar-Xardhanaa gidaarada Qolalkii yar yaraa ee ciqaabta oo sawir ka bixinaya Samirkii Dulmanayaasha iyo Adkaysigoodii.

SAMIRKII DULMANAYAASHA

Marka laga yimaado qisooyinka waafiga ah ee layga waramay, oo aan iyaga iyo qodobo kale qoraalo kale ku faahfaahin doono, Waxaad ku arkaysaa qolalka yar yar ee lagu ciqaabi jiray dulmanayaasha qoraalo Xusuus Reeb ah, dhanka kalana ah taariikh u baahan in la kaydiyo, oo ay Maxbuusyadu ku daabaceen darbiyada, inkasta oo inbadan oo ka mid ah laga min-guuriyay macnahoodii saxda ahaa ama laysku dayay in la tirtiro xiligii kala yaaca.

Xusuus Reebyadaa (Qoraaladaa), waxaad ka dheehanaysaa inay dulmanayaashu ku samirsanaayeen qadarka rabi iyo inay markasta ku dhaganaayeen Xuska Rabi, Naftoodana kula dardaarmayeen Cabsida Allah, iyagoo dhanka kale xusuusinaya dambeeyaha inay Ilaahay u toobad keenaan. Waxaa dhanka kale ay muujinayaan qoraaladani, inayna marna Rajada Allah ka Quusan oo ay ku adkaysanayeen inay mar uun hadii uu wadku daayo, ka bixidoonaan duruufahan ad-adag iyo guud ahaan Xabsigaba.

Adigoo ka arki doonaa sawirada, balse aan halkan kuugu ifiyo, qaybo ka mid ah oo qoraalada qaybo ka mid ah.

-(Toobad Keen, Dib Isugu Noqo, Wakhtiga Ilaahay Wehesho)
-(Allow Meeshan Naga Siidaa)
-(Qolka Jacaylka)
-(Ilaahay Xuskiisa Badi, Isxisaab intaan lagu Xisaabin, Yacnii Aakhiro)
-(Ilaahay baa Mahad Iskaleh, Samirku Waa Qaali)
-(Waan Baxaynaa)
-(Waxaan Ahay Reer Shilaabo)
-(Istaahil, Filsan, iyo Kowsar Waana Dad Islaama)

Waxaa xaqiiqa ah inbadan oo ka mid ahaa Dulmanayaashaa, isla markaana wakhtigoodii uuna dhamaanin, oo ilaahay badbaadiyay, inayna ku hungoobin Rajadoodii, qabsashadii xadhiga Allah, iyo Samirkoodii faraha badnaa. Taas oo Ilaahay u balanqaaday qofka rumeeya, sida Qur’aankeena ku cad.

‎يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ إِنَّ اللّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ-
“Kuwa xaqa rumeeyoow! kaalmaysta Samirka iyo Salaadda. Alle wuxuu la jiraa kuwa Samree”. Suuradda al -Baqarah:Aayada 153.

Waxay Aayadan kore inoo sheegaysaa in Allah (SWT) la safan yahay kuwo ku samra dhibaatooyinka aduunka, una rumeeyo rajadooda. Sidoo kale xikmad Abwaan Soomaaliyeed na waa tay ahayd, isagoo ka duulaya Aayadaa kor ku xusan, “Qof Samraa Sadkii Wuu Helaa, Sababna Loo Waaye”
Ilaahay ha inaga dhigo kuwo ku Samra duruufaha nolosha.

KU CIBRO-QAADASHADEENA

In la ogaado ama la barto marka laga yimaado, taariikhda waxaa loo kaydiyaa in umaduhu ku Cibro-Qaataan si’ay cashir uga dhaxlaan anfaca bari, Saadambe, Saakuun, iyo inta la nool yahayba.
Hadaba, Dulmanayaasha Xabsigii Ciqaabta soo maray, waxaynu ka dhaxlaynaa ama inoo ah Ku Cibro-Qaadasho iyo Tusaale.

1. In qofka muslimka ahi, si kasta oo uu dhibaato, iyo rafaad ula darso, iyo waxkastoo ka baxsan awoodiisa yar ee daciifka ah, uu Samirku u yahay sad.
2. In aan Rajada Allah aan laga quusan, iyo ku Dhaganaanshaha Xadhigiisa.
3. In isbadbadalka nolosha aduunku tahay, hadhka labadiisa galin, oo ay marna kaa janjeedo marna kuu jahaysantahay, muhiimna ay tahay inaad ku Shukrido ama ku Samirto.

Lasoco Qaybaha dambe
@M. Yoocaale


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Jabuuti oo safaaradii ugu wayanayd magalada Muqdisho ka Furatay.
- Mar 18, 2019
Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo safaaradii ugu waynayd ee dawlada Jabuuti ay dibada kuyeelato ...
Ree Garbo oo wacdaro u muujiyay madaxda ONLF+ sawiro
- Mar 18, 2019
Wafdiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ...
Shirkii joogtada ahaa ee ururka OYSU Ifo oo maanta qabsoomay
- Mar 17, 2019
Waxaa maanta oo ahyd maalin sabti ah taariikhduna kubeegantahay 17-03-2019 si quruxbadan uqabsoomay shirkii ...
Ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi baa mise waa ciidan deegaan? sawiro.
- Mar 17, 2019
Gobolka Doollo waxaa kusugan Taliyaha ciidanka Liyuu Police-ka Maxamed Xaaji iyo Laba kamida Lataliyeyaasha ...
Daawo:Jigjiga oo Kumanaan Itobiyan ah casho sharaf loogu sameeyay.
- Mar 17, 2019
Kumanaan dada oo Itobiya ka kala yimid oo Jigjiga u Joogay daawashada Tartanka ciyaaraha ...