Qisada dagaalkii Quusiye ee Taariikhda Galay ONLF vs Ethiopia” Qaybta 1-aad.

Bismilaah waxaan isku dayaynaa inaan bilawno qiso cusub waxayna kusaab santahay dagaalkii labaxay quusiya oo dhacay 10/june/2005 goobtuna waa ceel-wayne inkastoo uu markii dambe dagaalki fiday meelo badana gaadhay.

Meeshu waa barkulan qaybta inteeda badan way isu timid waa goor galab ah cedceedu aad ayay u gaaban tahay waxaa khudbeeyay N/hurayaalkii maamulka ahaa.

waxaa isna markaa qaybta ku cusbaa oo shirkaas noogu yimid halgame Abdinuur Sooyaan oo isaguna goobta ka hadlay inkastoo su’aalo lawaydiiyay woxogaa jawigii shirka badaleen hadana xaaladu waxay ahayd caadi iyo arimo shaqo uun ku saabsan

Ciidanku wuxuu u fadhiyaa sadex horimood waxaa loofadhiyaa qaab iska soo horjeed ah waxaa isna goobta yaala N/hure dhaawac ah oo shalay uun dhaawacmay wuxuuna ahaa N/hure Tayfoodh xaaldiisu way roontahay Alxdullillaah.

Waxaa lakiciyay dhawr N/hure waxaana loodiray shaqo inay sooqabtaan ciidankii intiisii kalana waxaa lagu amray inay qolo waliba difaaceeda gasho laakiin waxaa markii hore dhaqaaqay wiilashii shaqada loodiray markay 10daqiiqo wax dhan sii maqan yihiin.

ciidankiina uu isu taagay inuu difaaciisa kala dago ayaa waxaa halmar aan aragnay rasaas tarayso ah oo dhankasta noo dhaaftay iyo wiilashii oo ordi oo leh waa Axmaaradii diyaar garooba diyaar garooba.

Ciidankii waxaa amar degdeg ah lasiiyay horintii dhankaas xabadu kasoodhacday xigtay inay dagaalka gasho labdii horimood ee kalana waxaa loosheegay inay gacmo noqdaan xabadii u horaysay ee dhacday cedceediina way dhacday waxay xabadu socotay qiyaas ahaan wax aan ka badnayn 1saac.

Waxaa markii u horaysayba gacanta halgamayaasha soogalay ninkii watay ciidanka isaga oo nool oo ku hadaalaya isgaadhsiinta ciidanka wuxuuna lahadlaayay ciidan kale oo aanba sidaas nooga fogayn.

wuxuu uga warbixin hayay dagaalka markii laqabtay isaga waxaa wali hadlaaayay saaxiibkiisii kale marka si ayana sheekadu u kala gu’in xogna u helno waxaa taarkii lawaraagay N/hure luuqda Axmaarka yiqiinay oo la odhan jiray Jamaal waana N/hurihii galabtaas ku dagaalamayay qoryihii BKmka ahaa midkood waxaa magaciisa oo buuxa sheegi doona halgamayaasha kale

Ninkan cadowga ahna wuxuu ku hawl galaa magaca jamaal laftiisu marka kii kale ayaa intaas leh Antee jamaal Antee jamaal N/hure jamaal ayaa la hadlay waxayna iswaydaarsadeen xogbadan wuxuuna ugu niyad qaboojiyay in ay soo dhawyihiin ciidankii kale ee hebelna isna waa soodhow yahay ee Ayzo ayuu yidhi isga oo moodaya inuu yahay saaxiibkii jamaalkii axmaarka ahaa.

Meeshaas halgamayaashu waxay ka heleen xog dhamaystiran oo waafi ah waxaa hadana isla markiiba gacata halgamayaasha soo galay qorigii ugu wanaagsanaa oo ah saneefar qoryaha kale iyaga ma tiro yara laakiin qorigani muhiimad gaar ah ayuu leeyahay qoladii nasiib leh umbaana hesha.

Runtii ma xasuusto hada tiradii cadowga ka dhimatay way badnay laakiin waxaan xasuustaa inaan intii soo hadhay midba meel lamaray laakiin uu hebeenku u hiilayay waxaa kale oo uu illaahay ku jirabay geedihii oo dharkii kala wada hadhay illaa ay maalinkasta iyaga oo qaaqaawan ay gabdhaha adhyaha la jooga shalmadaha ka guranayeen.

Khasaaraha soogaadhay halgamayaasha waxaa shihiiday illaahay naxariistii jano illaahay haka waraabiyo N/hure aad u yaraa hadana isiyaano ahaa oo la odhan jiray qorax
Waxaa dhaawac noqday 6 N/hure.

Dhaawaca wax aad u daran majirin laakiin waxaa woxogaa nagu adkaaday N/hure la odhan jiray gura-dheere oo aad u dhiigbaxayay ayaan ku yara rafaadnay Allxamdullillaah isna aakhir waan ku guulaysanay inaan dhiigii joojino laakiin waxaan cagahooda ku socon karin ilaa 3 mise 4 N/hure.

Marlabaad aan kusoo noqono taarkii jamaal iyo waxa xog kasoo korodhay horta aakhir ninkii uu fahmay inuuna qofka lahadlayaa ahayn saaxiibkii jamaal ee uu yahay jamaal kale oo jamaalkiisii cunay fiidba wuxuuna bilaabay cay iyo aflagaado shifto iwm

Wuxuuna raaciyay waa inoo aroortii halgamaa jamaalna wuxuu ku yidhi ama waagu ha baryo ama sidiisaa ha ahaado.

Bye: Bashir Gelle


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Maydadka dadkii lagu xasuuqay magalada Moyale ee wadanka Ogadenia.
- Nov 14, 2018
Maleeshiyada Hubaysan ee Qomiyada Oromada oo maalmihii lasoo dhaafay weeraro Joogta ah kuhayay daanta ...
Deg Deg: General Kinfe Dagnew & General Tekleberham Walde Arage oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Nov 13, 2018
Wararka haatan nasoo gaadhay ayaa waxay sheegayaan in xadka wadanka Itoobiya iyo Sudan laga ...
Deg Deg Daawo:Mustafa Cagjar oo Liyuu Police Hor leh Geeyay Degmada Dhanaan
- Nov 13, 2018
Madaxwaynha Deegaanka Mustafa Muxumad Cagjar ayaa wxa uu ciidamo hor leh u diray Degmada ...
Daawo:Madaxwaynah Deegaanka Mustafa Cagjar oo isugu yeedhay Hay,adaha ka howl gala Gobolka.
- Nov 13, 2018
Daawo:Madaxwaynah Deegaanka Mustafa Cagjar oo isugu yeedhay Hay,adaha ka howl gala Gobolka.  
Daawo:Dhiilo colaadeed oo kataagan degmada Dhanaan ee Gobolka Shabeele.
- Nov 13, 2018
Qaybaha kala duwan ee bulshada magalada Dhanaan ayaa isugu soo baxay mudaharaad balaadhan oo ...