Hanaankii dawladnimo ee Itobiya oo Faraha kabaxay.

Waxaa Guud ahaanba meesha kabaxay nidaamkii dawladnimo iyo doorkii xukuumada dhexe ee Federalka, deegaanadu waxay isu diyaarinayaan siduu midwaliba danihiisa iyo maslaxadiisa udifaacan lahaa.

Guud ahaan waxaa kala go’an deegaanada Axmaarada iyo Tigreega oo kujira xaalad dagaal oo mid waliba midka kale dab kadhex aloosayo, waxaana jira dhaqdhaqaaqo ciidan oo halis ah saacad kastana waxaa bilaaban kara dagaal Labada mamul Qomiyadeed dhex mara.

Oromada waxaa xaalad adagi kala dhaxayso Qomiyadaha Binushangulka, Canfarta, Soomaalida iyo deegaanka Hararida oo guud ahaanba daaqada kasiibaxaya, maadaama culays badan ay kuhayaan xoogaga Oromada ah ee kuhareeraysan.

Qoomiyada Axmaarada ayaa guud ahaanba laga nadiifiyay deegaanada ,Binushangul, Oromo, Canfarta, Ganbelaha iyo intabadan deegaanada Tigreega.

Deegaanada Axmaarada, Gambela iyo Binshangulka ayaa noqday wadooyin Hubku soo maro waxaana Tusaale inoogu filan in maalinkasta laqabto Hub celcelis ahaan gaadhaya 1,000 oo Qori iyo 10, 000 kun oo Rasaas ah, bal hada Qiyaas hub intee le,eg oon laqabanin ayaa soo galaya dalka kudarsa oo hubka laqabto intiisa badan waxaa lagu qabtaa gudaha iyo agagaarka caasimada dalka ee AA.

Waxaa socda Hub Aruursi xawli kusocda oo waliba xad dhaafa deegaanaduna waxay kor uqaadeen adkaynta iyo kordhinta tirada ciidamada gaarka ah ee ay leeyihiin, marka laga reebo deegaan keena oo isagu Laxdaba moog islamarkaana ah deegaanka maanta ugu amaansan uguna fursada fiican!.

Dhaqaalaha Itobiya ayaa maraya meeshii abid ugu liidatay waxaa taagan guud ahaanba mashaariicdii waa waynayd,
Dhanka kale waxay xaalad qalafsani kajirtaa deegaanka Oromada oo uu kasocdo dagaal saxaafada laga qarinayo oo udhexeeya dawlada iyo ciidamo taabacsan OLF oo gacanta kuhaya welaga iyo intabadan arse.

Iskusoo wada duuboo waxa socda Galawgaa jiifka ku’arka balse su’aashu waxay tahay inaga maxaa inoo qorshaysan mase ku baraarug sanahay xaalada jirta shacab iyo xukuumadba?

Abdirahman Ismael🖋


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Jabuuti oo safaaradii ugu wayanayd magalada Muqdisho ka Furatay.
- Mar 18, 2019
Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo safaaradii ugu waynayd ee dawlada Jabuuti ay dibada kuyeelato ...
Ree Garbo oo wacdaro u muujiyay madaxda ONLF+ sawiro
- Mar 18, 2019
Wafdiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ...
Shirkii joogtada ahaa ee ururka OYSU Ifo oo maanta qabsoomay
- Mar 17, 2019
Waxaa maanta oo ahyd maalin sabti ah taariikhduna kubeegantahay 17-03-2019 si quruxbadan uqabsoomay shirkii ...
Ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi baa mise waa ciidan deegaan? sawiro.
- Mar 17, 2019
Gobolka Doollo waxaa kusugan Taliyaha ciidanka Liyuu Police-ka Maxamed Xaaji iyo Laba kamida Lataliyeyaasha ...
Daawo:Jigjiga oo Kumanaan Itobiyan ah casho sharaf loogu sameeyay.
- Mar 17, 2019
Kumanaan dada oo Itobiya ka kala yimid oo Jigjiga u Joogay daawashada Tartanka ciyaaraha ...