Jigjiga iyo Hawlaha Somaalida Masiixiyiinta ah.

Sida ay kusoo waramayaan ilo wareed lagu kalsoon-yahay waxaa magaalada Jigjiga ee xarunta u ah maamulka Soomaali Galbeed ku sugan Koox Soomaali-masiixiyiin ah.

Kooxdan ayaa waxay galaan aagga ama gudaha Kiniisadda Miikaa’iil (ምካአእል) ee ku taalla Qabalaha eber-lix (06)ee magaalada Jigjiga.

Waxayna ka kooban-yihiin ugu yaraan 15 qof (rag iyo dumar). Waxay leeyihiin qaab-dhismeed. Waxaa guddoomiye u ah nin reer Gaashaamo ah, waxaana xoghaye u ah gabadh reer Raaso ah.

Waxay haystaan taleefanno gaar ah, tusaale ahaan haddii ay kusoo wacaan adigoo Jigjiga la jooga, wuxuu namberkoodu kugu soo galayaa fure dibadeed. waxay xidhiidh dhaw lala haayeen Cabdi iley oo xagga amniga iyo dhaqaalaha ka caawin jiray.

Ninka guddoomiyahooda ah Cabdicasiis wuxuu maalmihii rabshaduhu ka socdeen magaalada Jigjiga ku noolaa guri ku yaalla qabalaha eber-todoba (07) oo ay leedahay Diib Colow oo ah hooyada dhashay Cabdi iley, isagoo lasiiyey dharka ciidanka Liyuuga si uu ugu labisto, khatarna uga bad-baado.

Ilo wareed kale, waxay sheegayaan inay kooxdani xidhiidh la leeyihiin hay’adaha amniga iyo madax heer Federal ah, waana koox u abaabulan inay Jigjiga iyo gobalka Soomaaligalbeed ku faafiyaan masiixiyadda.

Kooxdan waxaa u qorshaysan inay maamulka cusub ee soomaaligalbeed la xidhiidheen iyagoo sheeganaya inay yihiin Masiixiiyiiin laga tiro badan yahay oo u baahan in xuquuqdooda la dhawro.

Dadka xaafadda eber-lix (06), gaar ahaan kuwa la dariska ah Kiniisadda Mikaa’iil waxaan ka codsanayaa inay iisoo diraan wixii macluumaad ah ee ay kooxdan ka hayaan.

Wax-garadka iyo culimadada magaaladana waxaan ugu baaqayaa inay arrintaas u kuurgalaan.

Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa maamulka cusub ee Mustafa Omer inay arrintaas isha ku hayaan, jawaabna sii diyaarsadaan kooxdan shar-wadayaasha ah oon filayo inay maamulka lasoo xidhiidhi-doonaan.

Bye:Ismaciil Cali Ismaciil


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Federalka Itobiya miyaa Oromiya ah mise Oromada ayaa Federalka Itobiya ah?.
- Jan 17, 2019
Shir kii Gudida fulinta EPRDF ayaa maalinimadii shalay ahayd ka Furmay caasimada Ethiopia ee ...
Daawo:Yaabka Nin kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo Kaligii isku Qarxay.
- Jan 17, 2019
Mid kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo malaha loogu Talagalay marka Qaraxa 1-aad dhaco ...
Shekh Ibrahim dheere oo mar kale dibad Joog noqday!.
- Jan 17, 2019
Sheekh Ibrahim Xusen (Ibrahin dheere) oo ah siyaasi Galaangal badan kuna caan baxay Lajaan ...
Daawo:Milateriga Itobiya waxay si Toosa ugu Hiilinayaan Canfarta.
- Jan 17, 2019
Dagaalka mamulka Canfartu kusoo Qaaday shacabka Somaaliyeed ee kudhaqan deegaamadii sida sharcidarada ah loogu ...
Magacyada Allaha u Naxariistee shacabkii maleeshiyada Canfartu xasuuqday.
- Jan 17, 2019
Maleeshiyada mamulka Canfarta oo Gacan buuxda kahelaya ciidamada milateriga Itobiya ayaa weerar Joogta ah ...