Puntland iyo Somaliland oo marna ma Aqbalayaan Joojinta dhiiga Walaalaha Dhulbahante.

Xal u Helida colaada u dhaxaysa Labada Jifo ee Walalaha ah ee beelwaynta Dhulbahante waxay soo Jiitmaysay mudo dheer, waxaa se sanadihii dambe siyaasadeeyay mamulada Hargaysa iyo Garowe oo maslaxad siyaasiya u arka Hurinta colaada Labadan Qoys.

Marka dib loo raaco Taariikhda colaada Bahararsame iyo Qayaad waxay soo Jiitamaysay ilaa 2004- balse marna waxa maanta dhacay iyo Heerka ay Gaadhay ma aysan Gaadhin, taasina waa cadaynta ugu Yar ee muujinaysa, saamaynta ay Labada mamul kuleeyihiin Hurinta colaada oo Labada Qoys ay isu adeegsadeen Noocyada kala duwan ee Hubka culus ee Tiknikada loo Yaqaano.

Nasiib darada ku dhacday gobolada sool sanaag iyo cayn tan iyo burburki dawladi dhexe ee Somalia waxay keentay in gobolada dadka ku nool ay nasiib u yeeshen siyaasi biidhi qaate ah iyo laba maamul oo midna dantooda wadin inay ku hardaman,

Gobolada sool, sanaag iyo cayn, 25 tii sane ee ugu danbaysay waxay noqdeen dhufays ciidan iyo goob dagaal taas ooy ku hardamayan puntland iyo somaliland dheefta kaliya ee labada maamul Keenan goboladan waa dhiig daata nin qarkii dhulbahante oo xabaal gala, qax iyo barakac iyo hubka oo lagu tijaabiyo

Ugu danbayn labada maamul ee somaliland iyo puntland dhibkii ay ku hayeen gobolada waxay keentay in dhulbahante dhex diisa utumihii yaryara ee dadka ree badiyaha dhex yaalay basiin lagu sii daro, dhiiga maanta qulqulayana waa mida keentay.

Inay xal ka qayb ka noqdaan iska daaye hada dadka xalka ka dhex wada dadka walaalha Ayaa la sii qashqashayaa, dagalki dhuumay ee dadka 70 ku dhaw ku nafwayay boqolaal kuna ku dhawacmen labada maamul ee mesha ku hardami midna Uma soo dirin dhiig joojin
Hogaanka dhaqan ka ee labada maamul midna ma imaan in dhiiga daadan la joojiyo

Dhulbahante waxa ku dhacay waa waxan somali inteeda kale ku dhicin cadaw goodi waalaga indha saabay iyaga ayaana dhiigoda lays tusay ilahay Bogooda burcad haysu mariyo.

Dawlada Somali state ee uu gadhwadeen ka kayahay Mustafa Omer iyo hogaanka dhaqan ka deeganka somalida oo uu hogaaminayo garaad kulmiye sida dadnimada iyo damiirka nool ah ee ay uga jawaaben in colaada joogsato, madaxwayne mustafe muxumed cumar iyo xukumadisu waxay u Direen gargar dhiig joojin ah oo loogu Tala galay 1500 oo qoys oo ah dadkii ku Bara kacay colaada

Hogaanka Dhaqanka ee uu hogaaminayo garaad kulmiye na waxay goa dhigteen badhtamaha dhulkii colaadu ka jirtay
Ilahay waxaa ka rajayn in colaada soo afjaro dhiiga daadana halkaa ku istaago dadkaa walalaha ahna dantooda gartaan, joojiyaana ubadkooda bilaa Sabab ta maalin walba ugu dhiman…

Ugu danbayn Cidii aan xalka qayb ka noqonayn
Haka dayso hagardaamada dadkaa walalaha

Bye: Khadar Abshir


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Federalka Itobiya miyaa Oromiya ah mise Oromada ayaa Federalka Itobiya ah?.
- Jan 17, 2019
Shir kii Gudida fulinta EPRDF ayaa maalinimadii shalay ahayd ka Furmay caasimada Ethiopia ee ...
Daawo:Yaabka Nin kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo Kaligii isku Qarxay.
- Jan 17, 2019
Mid kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo malaha loogu Talagalay marka Qaraxa 1-aad dhaco ...
Shekh Ibrahim dheere oo mar kale dibad Joog noqday!.
- Jan 17, 2019
Sheekh Ibrahim Xusen (Ibrahin dheere) oo ah siyaasi Galaangal badan kuna caan baxay Lajaan ...
Daawo:Milateriga Itobiya waxay si Toosa ugu Hiilinayaan Canfarta.
- Jan 17, 2019
Dagaalka mamulka Canfartu kusoo Qaaday shacabka Somaaliyeed ee kudhaqan deegaamadii sida sharcidarada ah loogu ...
Magacyada Allaha u Naxariistee shacabkii maleeshiyada Canfartu xasuuqday.
- Jan 17, 2019
Maleeshiyada mamulka Canfarta oo Gacan buuxda kahelaya ciidamada milateriga Itobiya ayaa weerar Joogta ah ...