Qisada dagaalkii Quusiye ee Taariikhda Galay ONLF vs Ethiopia” Qaybta 3-aad.

Waxaan maraynay ciidankii dagaalka wayn galay oo dhaawac badan soo gaadhay laakiin aanu jirin wax shihiiday markaas iyo dhawrkii naftii hure ee labaxay wiilkkii caloosha xabdu kaga taalay oo shihiiday, naftii-hurihiina ay dhaawac tireen waxa laayay halgamayaashana dabaqoodhi illaahay hawnaxariisto dhamaandood.

Balhadana aan dul istaagno ciidankii dhankaas iyo tixdheer aaday ciidankan waxaa la socday golehii dhexe ee qaybta ka hawlgalaayay iyo waliba halgamaa Abdinuur Sooyaan oo sidaan soosheegnay barkulankaas arimo shaqo noogu yimid iyo gabdho isugu jira ciidan iyo kuwo naftood hurayaasha safar u keenay.

Hadaba qoladan waxaa qabsaday dagaal adag amin casar ah iyagoo jooga sidaan sheegnay deegaanka tixdheer ee hodanka ku ah biyaha aan gudhin gu iyo jiilaaltoona istaraatiijigana ah dagaakaas waxaa ku shihiiday labo mujaahid iyo gabadh kamid ahayd gabdhihii safarka nookeenay naxariistii jano illaahay haka waraabiyo.

waxayna ahayd gabadhu xaaskii naftiihure Ciise-Ogaden aakhir N/hure Ciise-Ogaden waxaa lagu dhaxdilay xabsigii umadeena lagu dhameeyay waliba wuxuu ka mid ahaa dhalintii lasumeeyay dhamaantood illaahay naxariitii jano haka waraabiyo.

Mujaahidiinta waxaa halkaas lagaga furtay hal xabo oo Sollar ah iyagoo intaas khasaaruhu yahay waxaa gurmad ugu yimid ciidankii saaka kasoo baxay dagaalkii ee dhawaca badan watay waxayna cadowgii ka dhigeen haldhintay iyo haldhaan raacay illaahay ayaa mahad dhamaanteed iska leh.

Intaasu markay dhacday waxaa habeenadii laysugu yeedhay ciidankii waxaana la qiimeeyay xaalada waxaana la ogaaday in ciidankii cadowgu isasoo taraayo khasaaro badan markii meesha uu ku gaadhay waliba waxaa sitoos ah buurtii Yaballu hoosteeda u dagaysa Hilecapter meelkastana waxay daadisay ciidan cusub kii dagaalka galay iyo dhaawaca siday u muuqatay way qaadaysay.

Hadaba waxaa ciidankeenii lagu amray in inta habeenimo lakala hawlqaybsado dhaawacana meelo ku haboon lageeyo wiilahii iyo gabadhiina la aaso si uuna khasaaruhu intan uga badanin sidii ayaana layeelay ciidankii waxaa loosii kala daayay kooxkoox iyo unugunug.

laakiin khasaarihii sidaas kuma dhamaanin runtii waxaa dib ka shihiiday maadaamoo cadowgu meelkasta inuu istaago isku dadyay isuna qayshaday kadib markuu khasaaro balaadhan kasoogaadhay dagaalkan saraakiisha cadowguna ay report ku bixiyeen in waxay JWXO Ciidan haysay meeshan isugu keentay.

halgamaa Abdi Yuusuf oo ku magac dheeraa (Allehasahlo) oo meel ah iyo nugug waxyar dhiman oo uu watay halgmaa macalin Abdi kadib markuu cadowgu godoomiyay macalinkuna ku amray halgamayaashii inay kala jeesadeen ilaa midka u dambeeyaa shihiido sidaasbayna ku soo afjarmeen kadib markay iska horaysiiyeen cadow badan naxariitii jano illaahay haka waraabiyo dhamaantood.

Wakhtiga oo igu yar awgii sxbayaal ii raali ahaada maanta halkaas ayaan ku joojinaynaa qisadan qaybta 3aad waxaan sugnaa inshaa Allaah waa qaybtii 4aad iyo sidii uu hawlgalku ku dhamaaday iyo qoladii dhaawaca ahayd ee habeenkii ama galabtii ugu horaysay dagaalka ku dhaawacantay waxay muteen iyo meeshay ku dambeeyeen.

Waxaa kale oo xusid mudan in qisooyinkii hore su’aalo dhaxdooda layga waydiiyay iyagana waxaan ka awoodo marbaan isku dayi inaan ka jawaabo, Waad ku mahadsantihiin dadka by call iyo messagesba igula soo xidhiidhay igana codsaday inaan wadno qisooyinkan anigana waxaay ii tahay dhiiri galin waxaana dareemayaa inaad danaynaysaan.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Jabuuti oo safaaradii ugu wayanayd magalada Muqdisho ka Furatay.
- Mar 18, 2019
Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo safaaradii ugu waynayd ee dawlada Jabuuti ay dibada kuyeelato ...
Ree Garbo oo wacdaro u muujiyay madaxda ONLF+ sawiro
- Mar 18, 2019
Wafdiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ...
Shirkii joogtada ahaa ee ururka OYSU Ifo oo maanta qabsoomay
- Mar 17, 2019
Waxaa maanta oo ahyd maalin sabti ah taariikhduna kubeegantahay 17-03-2019 si quruxbadan uqabsoomay shirkii ...
Ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi baa mise waa ciidan deegaan? sawiro.
- Mar 17, 2019
Gobolka Doollo waxaa kusugan Taliyaha ciidanka Liyuu Police-ka Maxamed Xaaji iyo Laba kamida Lataliyeyaasha ...
Daawo:Jigjiga oo Kumanaan Itobiyan ah casho sharaf loogu sameeyay.
- Mar 17, 2019
Kumanaan dada oo Itobiya ka kala yimid oo Jigjiga u Joogay daawashada Tartanka ciyaaraha ...