Sir culus:Qayb kamida Lacagihii uu Ogadenia ka Lunsaday Janaraal Abraham Wolde.

Xog rasmi ah oo si Hordhac ah uga soo baxday baadhitaan kusocday Taliyihii Hore ee ciidamada Gumaysiga Itobiya ee Ogadenia Fadhiyay General Abraham Woldemariam, ayaa lagu soo bandhigay Qayb kamida Lacagihii xad dhaafka ahaa ee boobay.

Sida xogta aan kuhelayno Janaraal Abraham Wolde oo Janaraal Quarter looyaqaano ayaa lunsaday malaayiin lacag ah mudadii uu ahaa madaxwaynaha iyo taliyaha dhabta ah ee Ogadenia, waxaana lasheegayaa in lahelay cadaynta qaar kamid ah lacagahaas.

Baadhitaan qoto dheer oo lagu sameeyay General Abrajam Wolde ayaa lagu ogaaday in mid kamid ah gabdhihiisa oo lagu magacaabo Bilen Abraham uu kuqoray ama udiray 47 Milyun oo birr, halka gabadhiisa kale ee lagu magacaabo Nobel Abraham uu kuqoray 1,953 Malyuun oo birr.

Sidoo kale baadhitaankan ayaa lagu ogaaday in qaar kamid ah lacagahan laga soo diray wasaarada ganacsiga iyo gaadiidka ee Kilalka, halkaas oo sida lasheegay uu xidhiidh dhaw lalahaa Janaraalku.

General Abraham Wolde ayaa mudo dheer ahaa shakhsiga ugu awooda badan guud ahaan wadanka Ogadenia, waxaana larumaysan yahay in uu ahaa shakhsiga ugu musuq maasuqa badan kaas oo malaayiin lacag ah lunsaday.

Kadib isbadalkii siyaasadeed ee kadhacay wadanka Itoobiya ayaa suuragaliyay in lala xisaabtamo boqolaal sargaal oo musuq xoogan lagu helay, waxaana larajaynayaa in cadaalada ay hor imaan doonaan shakhsiyaadkii sida gaarka ah umiiran jiray dhiiga shacabka Soomaalida Ogadenia.

ONA.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Maydadka dadkii lagu xasuuqay magalada Moyale ee wadanka Ogadenia.
- Nov 14, 2018
Maleeshiyada Hubaysan ee Qomiyada Oromada oo maalmihii lasoo dhaafay weeraro Joogta ah kuhayay daanta ...
Deg Deg: General Kinfe Dagnew & General Tekleberham Walde Arage oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Nov 13, 2018
Wararka haatan nasoo gaadhay ayaa waxay sheegayaan in xadka wadanka Itoobiya iyo Sudan laga ...
Deg Deg Daawo:Mustafa Cagjar oo Liyuu Police Hor leh Geeyay Degmada Dhanaan
- Nov 13, 2018
Madaxwaynha Deegaanka Mustafa Muxumad Cagjar ayaa wxa uu ciidamo hor leh u diray Degmada ...
Daawo:Madaxwaynah Deegaanka Mustafa Cagjar oo isugu yeedhay Hay,adaha ka howl gala Gobolka.
- Nov 13, 2018
Daawo:Madaxwaynah Deegaanka Mustafa Cagjar oo isugu yeedhay Hay,adaha ka howl gala Gobolka.  
Daawo:Dhiilo colaadeed oo kataagan degmada Dhanaan ee Gobolka Shabeele.
- Nov 13, 2018
Qaybaha kala duwan ee bulshada magalada Dhanaan ayaa isugu soo baxay mudaharaad balaadhan oo ...