Addis ababa oo Hubkii ugu badnaa lagu Qabtay.

Badhtanka magalada Addis ababa ee xarunta dalka Itobiya waxaa Galinkii dambe ee shalay lagu Qabtay Gaadiid Nooca xamuulka Qaada ah (Booyad) oo Hubka culus iyo Rasaas aad u Tira badan lagu soo Raray.

Hubkan oo Hay’adaha Amaanku si kooban uga Hadleen ayay sheegeen inuu kasoo Galay dalka dibadiisa waxayna ka Gaab-sadeen inay Faah Faahin kabixiyaan kuwa ay yihiin dadka Hubkani soo Galiyay iyo sababta kadambaysa.

Arinta Yaabka kudhalisay dadka Itobiyank ah ayaa ah in Hubka xadigaas leh ee kasoo Galay dalka dibadiisa uu soo dhaafo in kabadan 100- Kaylaa ama is baaro oo ay Joogaan ciidamada Amaanka.

Guud ahaan dalka Itobiya Gaar ahaan Gobolada Axmarada, Oromada, Gambelaha Beni-shangulka iyo magalada Addis ababa, waxaa 4-tii bilood ee ugu dambaysay si Joogta ah loogu Qabanayay Hub kala duwan iyo Rasaas tira kuwaasi oo aanay jirin cid ilaa iyo Hada sharciga loo Horkeenay.

Kadib Qashadii Hubka iyo Rasaasta ee maalinimadii shalay ahayd ayaa waxaa lagu dhawaaqay sharci lagu Ladirirayo Hubka sida sharcidarada ah dalkaasi ku Galaya oo u muuqda mid Faraha kabaxay, waxaana sharcigaasi lahorgayn doonaa Fadhiga ugu Horeeya ee Barlamaanka Itobiya si ay u meel mariyaan.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Shacabka Guud ahaan Gobolka Sitti oo Furka Tuuray Tola’ay Somaaliyey.
- Jan 17, 2019
Dhamaan magaloyinka kala duwan ee Gobolka Sitti oo ay ugu Horayso magalada Diridhaba ilaa ...
Federalka Itobiya miyaa Oromiya ah mise Oromada ayaa Federalka Itobiya ah?.
- Jan 17, 2019
Shir kii Gudida fulinta EPRDF ayaa maalinimadii shalay ahayd ka Furmay caasimada Ethiopia ee ...
Daawo:Yaabka Nin kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo Kaligii isku Qarxay.
- Jan 17, 2019
Mid kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo malaha loogu Talagalay marka Qaraxa 1-aad dhaco ...
Shekh Ibrahim dheere oo mar kale dibad Joog noqday!.
- Jan 17, 2019
Sheekh Ibrahim Xusen (Ibrahin dheere) oo ah siyaasi Galaangal badan kuna caan baxay Lajaan ...
Daawo:Milateriga Itobiya waxay si Toosa ugu Hiilinayaan Canfarta.
- Jan 17, 2019
Dagaalka mamulka Canfartu kusoo Qaaday shacabka Somaaliyeed ee kudhaqan deegaamadii sida sharcidarada ah loogu ...