Deg deg:Ilhan Omar oo ku Guulaysatay Kursiga Minnesota ee Aqalka Congress.

Waxaa Goor dhow soo dhamaaday Tirinta codadka dorashada dhexe ee Golayaasha Congress-ka Maraykanka oo Somaalidii ugu badnayd ay doorkan Tartanka dorashada ka Qayb Qaadanayeen.

Warka xiisaha leh ayaa ah in marwo Ilhan Omar oo ah Gabadh Somaaliyed oo mudo kusoo Jirtay siyaasada Maraykanka, inay Taariikhda markii ugu Horaysay Record aan Horteed ladhigin dhigtay waxayna Noqotay Gabadhii u Horaysay ee Color ah ee Gobolka Minnesota u matasha Aqalka Congress.

Ilhaan Cumar ayaa musharaxadii kula Tartamaysay Kursiga Aqalka Congress-ka waxaa ay Heshay 34, 286 cod oo u dhiganta 19%, Halka Ilhaana ay kaheshay 141, 188-cod oo u dhiganta wax kabadan 80% codadkii ladhiibtay.

Guusha Ilhan ayaa waxaa si wayn usoo dhoweeyay dadka Colorka ah ee kudhaqan daafaha dalka Maraykanka kuwaasi oo haatan ay u bidhaantay Rajo ah inay Gaadhi karaan Halka ay Ilhan Gaadhay oo ah inay ku fadhiisato mid kamida Kuraasta looga Arimiyo dalka sheegta inuu dunida ugu itaal roon yahay.

Somaalida kudhaqan Gobolka Minnesota Gaar ahaan magalada Minneapolis ayaa bilawday dabaal dag balaadhan oo ay kusoo dhowaynayaan Guusha ay Gaadhay marwo Ilhan oo ay dadaal u Galeen sidii ay uga mid noqon lahayd Aqalka Congress-ka.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Federalka Itobiya miyaa Oromiya ah mise Oromada ayaa Federalka Itobiya ah?.
- Jan 17, 2019
Shir kii Gudida fulinta EPRDF ayaa maalinimadii shalay ahayd ka Furmay caasimada Ethiopia ee ...
Daawo:Yaabka Nin kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo Kaligii isku Qarxay.
- Jan 17, 2019
Mid kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo malaha loogu Talagalay marka Qaraxa 1-aad dhaco ...
Shekh Ibrahim dheere oo mar kale dibad Joog noqday!.
- Jan 17, 2019
Sheekh Ibrahim Xusen (Ibrahin dheere) oo ah siyaasi Galaangal badan kuna caan baxay Lajaan ...
Daawo:Milateriga Itobiya waxay si Toosa ugu Hiilinayaan Canfarta.
- Jan 17, 2019
Dagaalka mamulka Canfartu kusoo Qaaday shacabka Somaaliyeed ee kudhaqan deegaamadii sida sharcidarada ah loogu ...
Magacyada Allaha u Naxariistee shacabkii maleeshiyada Canfartu xasuuqday.
- Jan 17, 2019
Maleeshiyada mamulka Canfarta oo Gacan buuxda kahelaya ciidamada milateriga Itobiya ayaa weerar Joogta ah ...