Xaalada Itobiya waxay maraysaa meel xasaasi ah.

Tan iyo bilawgii isbadalka siyaasadeed ee ka curtay dalka Itoobiya waxaa soo badanaya colaadaha jinsiga iyo xaafadaha kusalaysan iyo kala danbayn la,aanta, waxaan cidna kaqarsoonayn dhibaatada laga dhaxlo nidaam la,aanta iyo isku dhexyaaca waxaana tusaale inoogu filan waxa kasocda deegaanada Axmarada, Oromada iyo Binushangulka,

Madaxwaynaha deegaanka Axmaarada ayaa sheegay in guudahaanba deegaanku uu kujiro xaalad amni xumo oo ay joogsadeen isusocodkii dadwaynuhu gacantana kasiibaxayo nidaamkii iyo kaladanbayntii isagoo carabka kudhuftay saamaynta hubka sharcidarada ah oo deegaanka axmaaradu saylad unoqday,

Dhinaca kale waxaa guudahaanba xidhan isu socodka deegaanada Tigreega iyo axmaarada oo waxaana jirta saansaan colaadeed oo toos ah,.

Jowhar oo ah shaqsi aad ugu dhawaa xujuumada PM abiy ayaa sida fiinta uga qayliyay xaalada dalku kujro isagoo tilmaamay in isbadal iskadaaye jiritaanka dalku khatar kusuganyahay jowhar ayaa cadeeyay in dagaalada kasocda xuduuda oromada iyo binshangulku ay yihiin kuwo sitoosa ugu dhexeeya maamulada labada deegaan waxa dirirayaana ay yihiin ciidamadii labada deegaan.

Wuxuu intaa kudaray in xukuumada PM abiy aysan lahayn wax hadaf siyaasadeed ah iyo qorshe muuqda taasina sabab utahay waxwalba oo dhacaya, wuxuu intaa kudaray in saylada hubka sharcidarada ah ay sabab utahay maadaama ay shacabku dareemayaan amnidaro.

Jowhar ayaa sheegay in aysan jirin wax xidhiidha oo lasheegikaro oo kadhexeeya deegaanada iyo dawlada dhexe isagoo intaa raaciyay in deegaanka tigreegu uu samaystay dawlad gooni ah danina aysan kahaynin waxa Addis Ababa kasocda waasiduu yidhiye,

Iskusoo wada duuboo guudahaan xaalada dalka kajirta markaad qiimayso waxaa kuucadaanaysa in deegaankeenu yahay kan ugu amnisan uguna fursada fiican waa hadii aynu kubaraarugnee, hadaba siaan uga badbaadno qulqulatooyinka halaaga ah ee socda waxaa lagama maarmaan ah inaan ilaalino midnimada dhexdeena ah isuna tanaasulo kana shaqayno kalsoonida gudaheena ah.

Dhanka kale waxaa lagama maarmaan ah inaan ilaashano nabada aan maanta haysano oo aynaan xukuumad kaliya kuhalaynin una midawno cadawkasta oo nabadeena khatar galinkara xalna uraadino xurgufaha yaryar ee dhexdeena ah.

Abdirahman Ismael🖋


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Federalka Itobiya miyaa Oromiya ah mise Oromada ayaa Federalka Itobiya ah?.
- Jan 17, 2019
Shir kii Gudida fulinta EPRDF ayaa maalinimadii shalay ahayd ka Furmay caasimada Ethiopia ee ...
Daawo:Yaabka Nin kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo Kaligii isku Qarxay.
- Jan 17, 2019
Mid kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo malaha loogu Talagalay marka Qaraxa 1-aad dhaco ...
Shekh Ibrahim dheere oo mar kale dibad Joog noqday!.
- Jan 17, 2019
Sheekh Ibrahim Xusen (Ibrahin dheere) oo ah siyaasi Galaangal badan kuna caan baxay Lajaan ...
Daawo:Milateriga Itobiya waxay si Toosa ugu Hiilinayaan Canfarta.
- Jan 17, 2019
Dagaalka mamulka Canfartu kusoo Qaaday shacabka Somaaliyeed ee kudhaqan deegaamadii sida sharcidarada ah loogu ...
Magacyada Allaha u Naxariistee shacabkii maleeshiyada Canfartu xasuuqday.
- Jan 17, 2019
Maleeshiyada mamulka Canfarta oo Gacan buuxda kahelaya ciidamada milateriga Itobiya ayaa weerar Joogta ah ...