Doorkeed ku Leedahay Adigu dulmigaad ka cabanayso?.

Erayga “isir beegsi” boos ku malaha Luuqada aan adeegsanayno marka aan Tabasho inaga dhaxdeena ah muujinayno.

Cadawga shisheeye een waxba inoo hambaynaynin dad iyo duunyaba ayaan odhankaraa wuu ina isir tirtirayaa
Waxaa jiri karta cadaalad darro aan inagu isku hayno siyaaba kala duwanna way ku iman kartaa.

Marxalada aan kujiro ama heerka nololeed een bulsha ahaan maanta marayno caqabado badan oon kow iyo labo toona ahayn ayaa hareer socon kara .

Manihin dad ilbaxay oo dawladnimada fahmi kara, manihin dad leh sharciyo iyo xeerar kala haga, manihin dad iyagoon dan gaar ah kala lahayn aad isku xurmaynaya ama ixtiraamki aadamiga ahaa xusuusanaya,

Manihin dad xukuman oo horjooge loo Jahaysan-yahay hadalkiisa uu noloshooda si maslaxa ah u hagayo kana dambeeya, manihin dad ka gacan banaan faragalin ila shisheeye oo kala duwan kakala imanaya.

Manihin dad ruux walba uu ku hawlgalayo wanaaga caamka ah ee muwaadinkasta meeshiisa ku anfici lahaa,……

Xadaaradeenu waxay maraysaa meel ay qasab tahay inaynu ka gudbo taariikhdana hadhaw lagaga sheekeeyo.

                                                       Hadaba doorkeed kuleedahay?.

Ma hebel baa ree hebel isir beegsanayaad qori ood ku dhawaaqi mise sababta dareenkaa keentay baad fahankeeda wakhti galin si aad u hormariso wacyiga dadwaynaha adna aad eeqada iyo cuqdada sokeeye uga badbaado?.

Ka ku isir beegsan ba hadaad isla adiga tahay sideed naftaada ulaheshiisiisaa isla naftaada?

Waxaan ubaahanahay inuu qof waliba qalin iyo buug qaato tabashada iyo sababta keentayna kow, labo iyo sedex ka fahmo midaasi waxay inagu caawinaysaa wadiiqaha saxda u ah xaquuq iyo ladnaan helisteena.

Bye: Nasir Ibrahim


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Maydadka dadkii lagu xasuuqay magalada Moyale ee wadanka Ogadenia.
- Nov 14, 2018
Maleeshiyada Hubaysan ee Qomiyada Oromada oo maalmihii lasoo dhaafay weeraro Joogta ah kuhayay daanta ...
Deg Deg: General Kinfe Dagnew & General Tekleberham Walde Arage oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Nov 13, 2018
Wararka haatan nasoo gaadhay ayaa waxay sheegayaan in xadka wadanka Itoobiya iyo Sudan laga ...
Deg Deg Daawo:Mustafa Cagjar oo Liyuu Police Hor leh Geeyay Degmada Dhanaan
- Nov 13, 2018
Madaxwaynha Deegaanka Mustafa Muxumad Cagjar ayaa wxa uu ciidamo hor leh u diray Degmada ...
Daawo:Madaxwaynah Deegaanka Mustafa Cagjar oo isugu yeedhay Hay,adaha ka howl gala Gobolka.
- Nov 13, 2018
Daawo:Madaxwaynah Deegaanka Mustafa Cagjar oo isugu yeedhay Hay,adaha ka howl gala Gobolka.  
Daawo:Dhiilo colaadeed oo kataagan degmada Dhanaan ee Gobolka Shabeele.
- Nov 13, 2018
Qaybaha kala duwan ee bulshada magalada Dhanaan ayaa isugu soo baxay mudaharaad balaadhan oo ...