Madaxda Eritrea Somalia iyo Itobiya oo maanta Kulmaya.

Magalada Bahar-dar ee xarunta mamulka Axmarada ayaa siwayn looga dareemayaa saaka soo dhowaynta madaxda dalalka Eritrea iyo Somaaliya.

Gobolka Axmarada waxaa maalinimadii shalay ahayd Gaadhay Ra’iisal wasaraha mamulka Addis ababa iyo Horin wasiira ah, kuwaasi oo ku Horeeyay magalada Gonder oo shirar kala duwan uu kula Yeeshay Odayaasha Xabashida Activistiyaasha Axmarada iyo siyaasiyiinta deegaankaasi.

Abiy oo Gadh wadeen ka ah is badalada Geeska Africa kasocda ayaa Qorshaynaya inuu mar kale muujiyo sida ay uga Go’an tahay is dhexgalka bulshada Bariga Africa, gaar ahaan kuwa Geeska Africa oo colaad Gaamurtaye muda dheer kasoo dhaxaysay.

Sida Qorshuhu yahya waxaa kulanka 3-dani masuul diirada lagu saarayaa is dhexgalka bulshada iyo Fududaynta isu socodka dadyawga 3-da dal, iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Fulinta Mashaariicaha dhinaca Horumarinta, Xoojinta Ganacsiga iyo wax wada Qabsiga iyo sii xoojinta xidhiidhka 3-dani dal sida Gaarka ah uga dhexeeya.

Kadib Kulanka 3- Geesoodka ah ayaa lagu wadaa in Abiy Ahmed uu Horqaado madaxda martida si uu usoo daawadsiiyo Qaar kamida mashaariicaha dhinaca Horumarinta oo intooda badan ay maalgashadeen shirkado shisheeye iyo maal Qabeena Itobiyana, kuwaasi oo Kaalin mug leh kaqaata Kobaca dhaqaale ee dalka Itobiya.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Maydadka dadkii lagu xasuuqay magalada Moyale ee wadanka Ogadenia.
- Nov 14, 2018
Maleeshiyada Hubaysan ee Qomiyada Oromada oo maalmihii lasoo dhaafay weeraro Joogta ah kuhayay daanta ...
Deg Deg: General Kinfe Dagnew & General Tekleberham Walde Arage oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Nov 13, 2018
Wararka haatan nasoo gaadhay ayaa waxay sheegayaan in xadka wadanka Itoobiya iyo Sudan laga ...
Deg Deg Daawo:Mustafa Cagjar oo Liyuu Police Hor leh Geeyay Degmada Dhanaan
- Nov 13, 2018
Madaxwaynha Deegaanka Mustafa Muxumad Cagjar ayaa wxa uu ciidamo hor leh u diray Degmada ...
Daawo:Madaxwaynah Deegaanka Mustafa Cagjar oo isugu yeedhay Hay,adaha ka howl gala Gobolka.
- Nov 13, 2018
Daawo:Madaxwaynah Deegaanka Mustafa Cagjar oo isugu yeedhay Hay,adaha ka howl gala Gobolka.  
Daawo:Dhiilo colaadeed oo kataagan degmada Dhanaan ee Gobolka Shabeele.
- Nov 13, 2018
Qaybaha kala duwan ee bulshada magalada Dhanaan ayaa isugu soo baxay mudaharaad balaadhan oo ...