Sababta Cabdi iley Maxkamada Gaarka ah loo Gaynayo maanta.

Madaxwaynihii Hore ee dawlada degaanka Somaalida Cabdi Maxamud Cumar ayaa maanta la Horgaynayaa maxkamad Gaara oo dhagaysanaysa Eedaymaha loo Haysto.

Dhagaysiga Kiiska Cabdi oo maalinimadii shalay ahayd ku beegnaa ayay maxkamadii Horay Kiiskiisa u Gacanta ugu Haysay Amartay in xabsiga lagu sii Hayo sifo aan Lacadayn, taasi oo shaki Galinaysa madax-banaanida maxkamada iyo Helitaanka Hanaan cadaaladeed oo lagu Kalsoonaan karo.

Hadaba Xidhiidho kala duwan oo Warbaahinta madaxa banaan ee Ogaden24 ay lasamaysay ilo kala duwan oo Qaar-kood Goob Joog u ahaayeen dib u celintii Cabdi iley dib loogu celiyay xabsiga, ayaa cadeeyay in maanta Kiiska Cabdi lagu dhagaysan doono maxkamad Gaara oo aan ilaa iyo Hada Lacadayn.

Sida Xogtu sheegayso waxaa maxkamadan Gaarka ah lagu wadaa in lahorkeeno shakhsiyaad ku markhaati furi doono Cabdi iley, kuwaasi oo magalada Jigjiga si yaabo kala duwan looga Qaaday 3-dii maalmood ee ugu dambaysay hadana kusugan Goobo Gaara oo magalada Addis ababa ah.

Dhagaysiga Eedaymaha Cabdi iley ee maanta ayaa waxaa kaqayb Galaya Xeer ilaalinta iyo wasaarada cadaalada xubno kasocda, taasi oo u muuqata in dhagaysiga maantu uu Yahay mid dano Gaara oo siyaasadeed laga leeyahay.

Waxaa Jiro xog sheegaysa in kadib dhagaysiga Kiiska maanta ee Markhaatiyaasha Wataa dib loo dhigi doono dhagaysiga xiga mudo 14-cisha ah, iyada oo kadib mudadaasi Labada Todobaad ahna dib loogu celin doono madaxwaynihii Hore ee DDS maxkamada sare ee Itobiya oo ah Tii Horay Gal-dacwadeedkiisa Gacanta ugu Haysay ahna mida xaqa u leh inay Kiiska ka Go’aan Gaadho.

Si kastaba Ha ahaatee waxay noqonaysaa markii 4-aad ee madaxii Hore ee mamulka la Horkeeno maxkamad balse maxkamadaynta maanta ayaa ah mid siwayn ugu duwan dhagaysiga 4-tii maalmood ee Hore.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Maydadka dadkii lagu xasuuqay magalada Moyale ee wadanka Ogadenia.
- Nov 14, 2018
Maleeshiyada Hubaysan ee Qomiyada Oromada oo maalmihii lasoo dhaafay weeraro Joogta ah kuhayay daanta ...
Deg Deg: General Kinfe Dagnew & General Tekleberham Walde Arage oo Xabsiga Loo Taxaabay.
- Nov 13, 2018
Wararka haatan nasoo gaadhay ayaa waxay sheegayaan in xadka wadanka Itoobiya iyo Sudan laga ...
Deg Deg Daawo:Mustafa Cagjar oo Liyuu Police Hor leh Geeyay Degmada Dhanaan
- Nov 13, 2018
Madaxwaynha Deegaanka Mustafa Muxumad Cagjar ayaa wxa uu ciidamo hor leh u diray Degmada ...
Daawo:Madaxwaynah Deegaanka Mustafa Cagjar oo isugu yeedhay Hay,adaha ka howl gala Gobolka.
- Nov 13, 2018
Daawo:Madaxwaynah Deegaanka Mustafa Cagjar oo isugu yeedhay Hay,adaha ka howl gala Gobolka.  
Daawo:Dhiilo colaadeed oo kataagan degmada Dhanaan ee Gobolka Shabeele.
- Nov 13, 2018
Qaybaha kala duwan ee bulshada magalada Dhanaan ayaa isugu soo baxay mudaharaad balaadhan oo ...