Qodobadii ka soobaxay Kulankii Abiy iyo Ururada Mucaaridka ah.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa shalay la kulmay madaxda 81 xisbi oo mucaarad ah kuwaas oo ka diiwaan gashay dalka Itoobiya, si uu ugala hadlo qorshe dib u habeyn loogu sameyn karo hanaanka doorashada dalkaas, sida uu sheegay xafiiska Abiy.

Abiy Ahmed ayaa ka dhabaynaya ballan-qaadkiisa ahaa in uu furo saaxada siyaasadda dalkaas, oo muddo ay haysteen isbaheysiga uu ka tirsan yahay ee talada dalka haya. Abiy Ahmed ayaa jaan rogay siyaasadda Itoobiya tan iyo markii uu xukunka la wareegay bishii April ee sanadkan aan ku jirro ee 2018.

Siyaasada fur furan ee Abiya ayaa horseeday in dalka lagu kusoo dhaweeyo xubnaha mucaaradka iyo Jabhada Gobanimadoonka ah ee dibada joogay oo ay kamid yihiin ONLF iyo OLF, waxaa kale oo xabsiyada laga sii daayey maxaabiis badan, islamarkaana madaxa guddiga doorashada dalka ayaa loo magacaabay gabadh mucaarad hore ahaan jirtay.

Kulankii shalay dhacay ayaa diiradda lagu saaray isbeddelada loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in doorashada soo socota ay noqoto mid xor iyo caddaalad ah, sida lagu sheegay qoraal uu xafiiskiisa soo dhigay twitter. Isbaheysiga Itoobiya xukuma ee EPRDF oo Abiy uu ka tirsan yahay isla markaana xulufo la ah reer galbeedka ayaa haystay awoodda dalkaas tan iyo sanaddii 1991-kii.

Kooxdan iyo xisbiyada ku xidhan ayaa ku fadhiya dhammaan kuraasta baarlamanka. Abiy ayaa toddobaadkii tegay waxa uu Birtukan Mideksa u magacaabay inay noqoto madaxa guddiga doorashada la qorsheeyey inay dhacdo 2020.

Birtukan Mideksa ayaa ka mid ah tobaneeyo xubno mucaarad ah oo la xiray kadib rabshadihii ka dhashay doorashadii 2005, markaasi oo isbaheysi mucaarad ah ay la loolameen isbaheysiga EPRDF, kadibna ka hor-yimaadeen guusha EPRDF.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Waa balan inaan meel saarno Qab-qablayaasha Barlamaanka sheeganaya.
- Dec 15, 2018
Ra'iisal wasare Khayre ayaa Khudbad uu xalay u Jeediyay Jaaliyada Somaaliyeed ee dalka Qatar ...
Warbaahinta Itobiya oo dagaalka Moyale Oromada kula safatay.
- Dec 15, 2018
Warbaahinta Rasmiga ah ee dawlada Itobiya ee EBC iyo Tan mamulka Oromada ee OBN ...
Daawo:Muqaal Qurux badan Jidka dheer ee u dhexeeya Qabridahar iyo Dhagaxbur.
- Dec 15, 2018
Wadanka Ogadenia waxaa uu Leeyahay dhul Rabi ugu deeqay Qurux dabiici ah oo meelaha ...
Iyagii bay is moodday !” sheekadii xiisaha badnayd” Qaybtii 2-aad.
- Dec 15, 2018
Sheekadu waa dhoof iyo isdhiib, guri iyo lacag bilaash ah oo la helayo. Hadal ...
Daawo:Oromada oo magalada Hargaysa ku dabaaldagaysa.
- Dec 15, 2018
Shacabka Oromada ee kunool magaalada Hargaysa ee xarunta mamulka Somaliland ayaa Qabsaday xaflad ay ...