Sargaal Sare oo ONLF ka tirsan oo Maanta Jigjiga siwayn loogu soo dhaweeyay

Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan soogaadhay halgame Maxamuud Dayib Cabdulaahi oo kamid ah Golaha Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya JWXO.

Halgame Dayib oo mudo badan kunoolaa wadanka Sudan ayaa markuu Jigjiga soo gaadhay sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay imaatinka uu yimid dhulkiisii hooyo oo mudo loodiiday in uu cagaha soo dhigo. Balse uu Allaah SW ugu mahadinayo in uu soogaadhay wadankiisii oo nabad ah.

Waxaa sidiiran usoo dhaweeyay halgame Dayib Qaar kamid ah bahda Warfaafinta JWXO oo uu hogaaminayo kuxigeenka Hogaanka Warfaafinta JWXO Mudane Maxamed Ibraahim Mursal, kuwaas oo si farxad leh usoo dhaweeyay.

Halgame Maxamuud Dayib Cabdulaahi ayaa udambeeyay kumanaan kamid ah madaxda iyo Kaadirka JWXO oo maalinkasta soogaadha dhulkoodii hooyo iyagoo doonaya in ay dadkooda laqaybsadaan farxada iyo wanaaga uu Allaah SW keenay.

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Waa balan inaan meel saarno Qab-qablayaasha Barlamaanka sheeganaya.
- Dec 15, 2018
Ra'iisal wasare Khayre ayaa Khudbad uu xalay u Jeediyay Jaaliyada Somaaliyeed ee dalka Qatar ...
Warbaahinta Itobiya oo dagaalka Moyale Oromada kula safatay.
- Dec 15, 2018
Warbaahinta Rasmiga ah ee dawlada Itobiya ee EBC iyo Tan mamulka Oromada ee OBN ...
Daawo:Muqaal Qurux badan Jidka dheer ee u dhexeeya Qabridahar iyo Dhagaxbur.
- Dec 15, 2018
Wadanka Ogadenia waxaa uu Leeyahay dhul Rabi ugu deeqay Qurux dabiici ah oo meelaha ...
Iyagii bay is moodday !” sheekadii xiisaha badnayd” Qaybtii 2-aad.
- Dec 15, 2018
Sheekadu waa dhoof iyo isdhiib, guri iyo lacag bilaash ah oo la helayo. Hadal ...
Daawo:Oromada oo magalada Hargaysa ku dabaaldagaysa.
- Dec 15, 2018
Shacabka Oromada ee kunool magaalada Hargaysa ee xarunta mamulka Somaliland ayaa Qabsaday xaflad ay ...