Sir culus: Qorshaha Qarsoon ee Oromadu kaleedahay Diridhaba & Moyale.

Magaaloyinka Mooyaale iyo Dhire-dhaba waa Laba magaalo oo Halbawle ah waxaana Jira Qorshe dawlada dhexe ee Itobiya ay kudoonayso inay noqdaan 2- xarumood oo Ganacsiga Geeska Africa saldhig u ah.

Sida Rajadu tahayna Itobiya waxay Filaysaa in Labadan magaalo uu kasoo xaroodo dakhaliga dalka ugu balaadhan, maadaama Labada magaalo kuyaalaan goobo mihiim ah una dhaw dakadaha Jibuuti iyo Kenya.

Oromada oo ariinka aad u fahansan aya ku tala jirta in ay magalooyinka awood iyo samayn balaadhan ku yeshaan mustaqbalkana ay miiska soo dhigaan la haanshaha Moyaale iyo Dhire dhabe.

Waa yaab, Oromo 1993 ka hor dhire dhabe si rasmi ah ma u daganayeen?, xil dawladeed ma kasoo qabteen? “Ciisa iyo Gurgura Awraaja” maxaa loogu bixiyay? Maxaa keenay Oromo in ay Dhire dhabe shegato? 1993 Dhire dhabe maxa looga noqday in aay ahaato magaalo madaxda DDS.

Xafiisyada Gobalka Sitti maxaa dhire dhawa looga raray? Lkn maxaa keenay qorshaha cusub ee xafiisyada Gobalka Bari ee Oromada in laga soo qaado Harar dhawaana lasoo dajiyo Dhire dhabe??? Barkacayaasha Oromada maxa loo dajiyay Dhire dhabe?

Siyaasiga, aqonyaanka iyo duqayda Oromada way ogyihiin wanyna isku raacsan yihiin lkn markasta soomalida waji siyasadaysan oo loogu magac daro “waa laisku keen dirayaa” aya lagu qanciyaa.

Tusaale ahaan Jawhar Mohammed mapkii degaanka Oromada ee u shaaciyay waxa ku jira laadan magaalo. Dawlada degaanka Oromadu iyo aqoonyahan koodu waxay wadan qorshe in nidaamka sharci ee dhire dhabe dib loo eego.

Dastuurka Itoobiya aya kaliya aqoonsan degaanada iyo magaalo madaxda dalka ee Addis Ababa. Dhire dhabe aya lagu asaasay sharci ja-jab logu magac daray “Charter” kadib markii dawladii TPLF ku abuurtay Oromada sanadkii 1992 “ku qabso ku qadii maysid”.

Qorshaha cusub waxa laga rabaa in laga shaqeeyo magalada sidii loogu dari laha degaanka Oromada ama nidaam dorasho “referendum” ha loomaro ama in lagu xoreeyo nidaam kale oo siyaasadeed.

Qorshe qarsoon oo waxa socda in Dhire Dhabe la dajinaayo shacabkii Oromada aha ee kasoo barakacay degaanka soomalida. Barakacayaashan oo aad uga dhax muuqda dhire dhabe ayd mooda in lagula taliyay sidii ay u aar goosan lahayeen una barakicin lahayeen shacabka soomalida.

Dilka iyo boobka shacabka soomaliyeed lagu wado waa qorshe dheer oo lagu barakiciinaayo laguna bah dilaayo si ay uga fogadaan shegashada labada magaalo.

Dilka qorshaysan ee gaadmada ah waxa ka mid ah gubitaanka guryaha, goobaha ganacsiga iyo shacabka “Forcefull displacements”. Tirada dhimashada iyo hanti burburka Soomalida aya aad usii kordhaaya laga bilaabo inta ay Oromadu la waregeen hogaaminta sare ee dalka.

Madaxda Soomalida oo masuuliinta Oromada jeebka ugu jirta aya ilduufsan danaha siyaasadeed ee magalooyinkan aadna uga gaabiiya canbaraaynta dilka iyo dhaca Somalida lagu hayo. Waxaad mooda siyaasiinta soomalida in lagu qufulay ” dagaalka qacan sedaxaad aya ku jirta”.

Waa nasiib daro in ariinka markata cudur daar looga dhigo dhimashada soomalida, xaladaas oo abuurtay in naftii iyo maalkii soomalidu qiimo beesho.

Shacabka magalooyinkani wax garab ah kama hayaan siyaasiinta somaalida ee jeebka ugu jira Oromada lkn Oromadu hoosta ayay ka xidhiidhsan yihin. Arinka aya keeni kara mustaqbalka dhaw in ay shacabka somaalidu ku awood beesho kana barakacaan magalooyinkan.

Dhanka kale Booliska iyo ciidanka qaranka ee nabad sugiida magalooyinkan aya inta badan kasoo jeeda qomiyadaha Oromada dhib badana ku haya dhaliinta Soomaliyeed.

Markasta waxa dagaal gaadmo ah soo qaada Oromada, dhibaato balaadhana gaysata. Kadib waxay si dag dag ah u wargaliyaan ciidamada ayaga ka soo jeeda in Soomalidu soo weerartay. Kadib cidamada aya ugaadhsan dhalinta Somaliyeed. Waxaa lagu warbixin in ay soomalidu weeraarka soo qaaday. Siyaasiga somaliyeed na warbixiinta ayu aamini.

Waa nasiib daro in nabada xaga soomalida kaliya laga raadiyo. Oromaduna dilka, dhaca iyo barakicinta soomalida ka shaqaayso.

Soomalidu ayada isku mashquulsan. Ma fahansana siyaasada cusub ee Itoobiya. Sirta qarsoon ee Oromadu ka leedahay soomalida uma kala cada. Danta ugu jiirta xulufaysiga siyaasadeed ee Oromoda uma cado. Aad uma oga “geo-politics” Mooyaale iyo Dhire dhabe. Dilka iyo dhaca shacabka soomaliyeed waxa u la noqday dhacdooyin caadi ah.

Waxaan ku talin laha in dhmaan shacabka soomaliyeed iyo dawladu fiiro iyo garab gar ah siiso shacbka iyo labda magaalo. In siyaasada, dhaqaalaha iyo xidhiidhka shacabka soomaliyeed ee dagan laba magaalo la xoojiyo. In ganacsatada soomalida lagu dhiri galiiyo in ay maal gashadaan laban magaalo.

In hogaaminta somalida ee dhire dhabe dib loo habeeyo. In XDSHS u dib u habeeyo siyaasada ku wajahan labadan magaalo, si madax banaan uga hadlo dhibatooyinka jira. In soomalida laga qayb galiiyo ciidanka iyo Booliska. In dib loo eego xidhiidhka iyo xulufaysiga xisbiga hogaamiya degaanka Oromada.

In badan ayaan dagaal wanaag ka door bidnay Hadana “Oromo iyo Somali waa laysku diryaa way dhaaftay”.

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Waa balan inaan meel saarno Qab-qablayaasha Barlamaanka sheeganaya.
- Dec 15, 2018
Ra'iisal wasare Khayre ayaa Khudbad uu xalay u Jeediyay Jaaliyada Somaaliyeed ee dalka Qatar ...
Warbaahinta Itobiya oo dagaalka Moyale Oromada kula safatay.
- Dec 15, 2018
Warbaahinta Rasmiga ah ee dawlada Itobiya ee EBC iyo Tan mamulka Oromada ee OBN ...
Daawo:Muqaal Qurux badan Jidka dheer ee u dhexeeya Qabridahar iyo Dhagaxbur.
- Dec 15, 2018
Wadanka Ogadenia waxaa uu Leeyahay dhul Rabi ugu deeqay Qurux dabiici ah oo meelaha ...
Iyagii bay is moodday !” sheekadii xiisaha badnayd” Qaybtii 2-aad.
- Dec 15, 2018
Sheekadu waa dhoof iyo isdhiib, guri iyo lacag bilaash ah oo la helayo. Hadal ...
Daawo:Oromada oo magalada Hargaysa ku dabaaldagaysa.
- Dec 15, 2018
Shacabka Oromada ee kunool magaalada Hargaysa ee xarunta mamulka Somaliland ayaa Qabsaday xaflad ay ...