Kulan Dhexmaray Madaxda ONLF iyo Dowlada Eritrea.

Kulan Dhexmaray Madaxda ONLF iyo Dowlada Eritrea

Maanta oo ay taariikhdu tahay 30 November 2018, waxaa magaalada Casmara ee caasimada dalka Eritrea ku kulmay madaxda ugu sarraysa Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) iyo madaxwaynaha waddanka Eritrea. Dhinaca JWXO waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan, waxaana ka mid ahaa Xoghayaha Guud ee JWXO mudane C/raxmaan Sh Mahdi iyo madax kale oo ka tirsan Guddiga Fulinta.

Kulankan waxaa lagu qaadaa-dhigay arrimo muhiim ah oo khuseeya gobolka Geeska Afrika, gaar ahaa arrimaha Ogaadeenya iyo kaalinta ay dowlada Eritrea ka ciyaari karto dhammaystirka heshiiskii dhawaan dhexmaray JWXO iyo dowlada Itoobiya. Dowlada Eritrea ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonto taageerada qadiyada Ogaadeenya, isla markaana ay ka shaqayn doonto sidii gobolka Geeska Afrika looga hirgelin lahaa cadaalad iyo nabad ku wada-noolaansho dhexmara dadyowga kala duwan ee Geeska ku dhaqan, ee Soomaalida Ogaadeenya ay ka mid yihiin.

JWXO waxay madaxwaynaha Eritre Isiyas Afwerki iyo shacabka Eritrea uga mahadacelisay taageeradii hiil iyo hooda ahaydee ay la garab taagnaayeen Jabhadda iyo shacabka Ogaadeenya.

Xubnaha Guddiga Fulinta ee JWXO waxay sidoo kale maanata la kulmeen madax kale oo tirsan dowlada Eritrea iyo xisbiga talada dakla haya, waxayna ka wadahadleen arrimo labada dhinac khuseeya iyo sii xoojinta xidhiidhka u dhexeeya JWXO iyo dowlada Eritrea.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...