ONLF, SUMCADA URURKA SIDII LOO WADDA ILAALIN LAHAA IYO FURSADAHA MIISKA SAARAN SIDII LOO QIIMEYN LAHAA.

Waxaa durba shaatiga la soo baxay kooxo kala halis badan kana mideysan fashilinta siyaasada ururka ee gudaha. Soo dhaweynta madaxda ONLF iyo xubnaha ururka waxaan ku arrkayay xubno waa hore ururka lagga saaray oo ka tagay dalalka dibada, soo dhaweynta waxaan kaloo arrkayay kooxo huwan shaatiga qabyaalada iyo eexda oo ka soo dhex muuqday madasha madaxda ONLF. Shacabka gudaha waxay qiimeyn doonaan isla markaana illgooni ah ku eegayaan habka iyo nidaamka ONLF ku maareyso marxalada kala guurka. Shacabka waxay sugayaan inney arrkaan dhaqan toosan iyo ururka ONLF oo leh asluub iyo sharaf lugu soo hirto maadaama shacabka u ooman yihin isbadal cadaalad ah. Hadaba, maxaa laga donayaa madaxda iyo howl-wadeenka ONLF ee maanta haya taladda iyo awooda siyaasada gudaha.

– Waa inn xubnaha ururka ONLF aysan ku milmiln dhaqamada foosha xun ee abdi ilay ku faafiyay deegaanka guud .
– Waa inn xubnaha ururka ONLF loo sameeyo card xubinimada iyo duruusta xubinka looga baahan yahay inuu ku sifoobo
– Waa inn sirdoonka ONLF uu ahaado heegan joogta ah isla markaana la soo dhex galin barnaamijyada ururka iyo shacabka, lagana dhowrsanaado ilaalinta sirta shaqada.
– Waa inn xubnaha ururka ee howsha fulinaya aysan la mid ahaanin kuwii horey usii joogay gudaha dalka hase ahaatee waa iney yihin xubno baraarugsan oo dhaqanka deegaanka fahan gaar ah u leh si loo ilaaliyo wada jirka iyo midnimada
– Waa inaan magaca iyo sumada ONLF uusan ahaanin shaatiga lugu dhaco mise lugu wax yeeleeyo shacabka dulman hase ahaatee waa inn la ogyahay xubnaha ururka ee shaqada loo igmaday la fulinaya maxaa yeelay waxaa durba soo baxayo shaqsiyaad waa hore ururka laga saaray oo magaca ONLF ku adeegsanayaa fulinta ficilada xumaanta.

Xiligan oo kale waxaa guusha sheegta dhamaan dadweynaha, waxana soo baxa jawaasis huwan wadaniyad marrin habaabin ah isla markaana ku hoos dahsoon fashilinta iyo faafinta warar ka baxsan xaqiiqda ururka ONLF. Kooxo wa hore laga saaray ururka lana baxay magacyo kala duwan ayaa ka mid ah, waxaa kaloo halis ah kooxdii abdi ilay oo xiligan donaya inney wada sheegtaan wadaniyin ururka ONLF ka soo mid ahaan jiray, waxaa kaloo jirra shaqsiyaad doonaya inney fursadaha miiska saaran u badalan collaad hurrin maadaama ay meesha ka baxday nidaamki dilaalka ee xubnaha ururka lugu beegsan jirray.

Waxaa waajib laamaha sirdoonka ONLF ee gudaha jooga inney ahaadaan heegan joogta ah, kana war hayaan wax waliba oo socda, waxaa kaloo laga maar maan ah xubnaha wadannki tagay ee shaqada ururka loo xilsaaray inney ku jiraan heegan iyo ilaalinta sharafta shuhudda halganka ee naftooda uhurray guusha maanta gudaha ogadenia lugu joogo. Shaqsi walba ha, aaminin hadii aad tahay xubin ONLF hase ahaatee dhowr sanaan iyo daganaan iyo ururnimo! !

By Mujahid sheikh Ibrahim


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Waa balan inaan meel saarno Qab-qablayaasha Barlamaanka sheeganaya.
- Dec 15, 2018
Ra'iisal wasare Khayre ayaa Khudbad uu xalay u Jeediyay Jaaliyada Somaaliyeed ee dalka Qatar ...
Warbaahinta Itobiya oo dagaalka Moyale Oromada kula safatay.
- Dec 15, 2018
Warbaahinta Rasmiga ah ee dawlada Itobiya ee EBC iyo Tan mamulka Oromada ee OBN ...
Daawo:Muqaal Qurux badan Jidka dheer ee u dhexeeya Qabridahar iyo Dhagaxbur.
- Dec 15, 2018
Wadanka Ogadenia waxaa uu Leeyahay dhul Rabi ugu deeqay Qurux dabiici ah oo meelaha ...
Iyagii bay is moodday !” sheekadii xiisaha badnayd” Qaybtii 2-aad.
- Dec 15, 2018
Sheekadu waa dhoof iyo isdhiib, guri iyo lacag bilaash ah oo la helayo. Hadal ...
Daawo:Oromada oo magalada Hargaysa ku dabaaldagaysa.
- Dec 15, 2018
Shacabka Oromada ee kunool magaalada Hargaysa ee xarunta mamulka Somaliland ayaa Qabsaday xaflad ay ...