Farmaajow maxaad u diiday damaashaadka Jigjiga ? Prof. Ahmed Warfa.
Haday dawlada Kenya Urur Goboleedka IGAD iyo dawlada Itobiya si wada Jir ah ugu Qayb Qaateen xal u Helida Mashaqadii ugu wayn uguna cimriga dheerayd ee Bariga iyo Geeska Africa mudada dheer kasoo Taagnayd ee Somali Galbed ama Ogaden in Somaaliya oo Naf iyo Maalba u Hurtay ay kamaqnaato maxaa Kalifay?.
Su’aashaas waxaa is waydiiyay oo Qoraal Kooban kaqoray Prof. Ahmed M. Warfa oo kamida Aqonyahanka Somaaliyed waxaana Profasorku uu Qormadiisa Gaaban u dhigay sidan Hoose.
01. Mudane Madaxweyne, Mudane Ra’iisal Wasaare, labada gole ee baarlamaanka, NISA, iwm, waxay arrintii Cabdikariim Shiikh Muuse “Qalbidhgax,” idinku noqotay tuke cambaar leh.
Mmarkii wax ka qabasha leheedna ka maagteen oo madaxa ciidaa ka ceshateen oo musbaarka sumcad xumada isku sii dheereyseen, welina taagan tahay, sida ay ilatahay.
02. Ceel Cadde iyo dhibaatadii ka dhacday waxay eheed cillad jirtey, welina taagan.
03. Waxa maanta guul aan dhammaystirnayn u soo hoyatey ONLF, damaashaad iyo rayn-rayna ka socotaa dunida dacalladeeda, mana muuqataan idinka.
04. Hadda iyo talo, waxa haddii aad tihiin dowladdii dhexe, idinla gudboon in aad ONLF hambalyeysaan, wafdi u dirtaan, calal aqalla war-murtiyeed ka soo saartaan guusha u soo hoyatey Soomaali dhammaan.
Jilib culuska Kenya oo ka soo jeeda Soomaaliya, uma kala harin ee maxaa idinku dhacay, mase waxan ka hadlaa wax aan la ila qabin.
Bye: Prof. Ahmed M. Warfa
<