Mustaqbalka doorashada Konfur Galbed oo mugdi Galay.

Maadaama dhowr jeer oo isdaba joog ah dib loo dhigay doorashada, waxay dad badan aaminsanyihiin in wali aysan jirin isku halleyn muujineysa in doorashada ay sidii loogu talagalay u qabsoomeyso.

Maxamed Cali barre, oo ah aqoonyahan ka tirsan Madasha Maanshiil ayaa BBC-da u sheegay in wali ay jirto hubanti la’aan ku dahaaran xilliga rasmiga ah ee ay doorashada dhaceyso.

“Xitaa 19-ka bishan oo ah wakhtiga la qabtay lama hubo in ay ku dhici doonto doorashada, sababtoo ah ma aha wakhti ku filan diyaar garowga laga hadlayay. Arrinta kale ee jirtana waa in doorashadan ay u baahantahay korjoogeyaal ajaanib ah oo ka socda beesha caalamka.

Sidaan wada ognahayna shakhsiyaadkaas waxay u badantahay iney ka hor 25-ka bisha aadaan fasaxa diinta masiixiyiinta, ayna suurtoobi weydo iney la socdaan hannaanka doorashada, lagana yaabo iney dalbadaan in dib loo sii dhigo”. Waxaa sidaasi yiri Maxamed Cali barre.

“Arrinta kale ee dib u dhac kale horseedi karta waa in ay sii jiraan sababaha haddaba keenay oo ah kuwo salka ku haya arrimo siyaasadeed”.

Lahaanshaha sawirkaSBCImage captionQaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada

Dhinaca kale, Maxamed Cali ayaa waxa uu sheegay in jah wareerka siyaasadeed ee gobolkaas ka jirta ay u muuqato in la xiriiriyay khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

“Waxaa iska cad in dowladda dhexe ay dooneyso sidii ay u xaqiijin lahayd in doorashada uu ku guuleysto musharraxa ay iyagu raalliga ka yihiin, si ay ugu suurta gasho iney wiiqaan awoodda maamul goboleedyada. Doorashadan waxay dowladda federaalka u tahay tijaabo haddii ay ka miro dhaliyaanna waxay u noqoneysaa guul waarta”.

Xalka kaliya ee ay dantu ku jirto ayuu sheegay in ay tahay isu tanaasul iyo in la eego danta guud ee shacabka, si aysan xaaladdan uga faa’iideysanin kooxaha dagaalka kula jira dowladda.

In kastoo mas’uuliyiinta dowladda dhexe marar kala duwan lagu eedeeyay fara galinta doorashada Koonfur Galbeed, haddana ma jiraan caddeymo muujinaya arrintaas ama qirasho dhanka dowladda

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...