Bal u Fiirso is badalka Ayaamaha.

Sanadkan bilowgiisii magaca Onlf wuxuu Jigjiga ku galaafan karay noloshaada iyo midda ehelkaaga oo dhan !, maantana Hotel la seexdo ma jiro iyaguu u wada diyaarsan yahay, magaaladii baa sugaysa madaxweynihii baana doonay inuu soo dhaweeyo.

Sanadkan bilowgiisii waxaa dhawaaqa rasaasta noogu duubi jiray taleefanada saraakiisha Liyu-ga. Waxay odhan jireen shaydaan aan necebnahay baad tahay , Maantana iyagaa togga wajaale iigu yimid iguna soo dhaweeyey intaan soo soconayna kafan , qosol iyo anaa shaaha bixin bay noo ahayd.subxaanal Malik!

Sanadkan bilowgiisii masaajidda jigjiga ( qaarkood) ragga jooga, dagaal baa naga dhexeeyey, shalayna way igu soo dhaweeyeen, waxaanan ka jeediyay muxaadaro. Subxaanal malik!

Eebe quraanka wuxuu ku leeyahay ” Sidaasaan maalmaha ugu kala baddalnaa dadka”.

Haddayno isla oggolaano inuu isbeddelkani yahay nicmo eebe, ogow nicmada eebe wuu la noqdaa haddii laga abaal celin waayo. Eebe wuxuu leeyahay ” Haddaad nicmada ka abaalcelisaan, waa la idiin kordhin, haddaad abaal daraysaana cadaabka eebe ( gumaysigu) waa mid daran.

Waxaan waajib nagu ah inuu hadalkeenu yaraado, midnimo la raadceeyo, masaakiinta dhabarka la saarto, masuuliyadda eebe hortii na sugaysa ka fikirno,camalka dalka iyo dadku nooga baahan yihiina aan ku foofno.

Ilaahoow nicmadan noo kordhi, ilaahoow wanaagga nagu foofi.

Bye: Shekh Horsed Noah


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Waa balan inaan meel saarno Qab-qablayaasha Barlamaanka sheeganaya.
- Dec 15, 2018
Ra'iisal wasare Khayre ayaa Khudbad uu xalay u Jeediyay Jaaliyada Somaaliyeed ee dalka Qatar ...
Warbaahinta Itobiya oo dagaalka Moyale Oromada kula safatay.
- Dec 15, 2018
Warbaahinta Rasmiga ah ee dawlada Itobiya ee EBC iyo Tan mamulka Oromada ee OBN ...
Daawo:Muqaal Qurux badan Jidka dheer ee u dhexeeya Qabridahar iyo Dhagaxbur.
- Dec 15, 2018
Wadanka Ogadenia waxaa uu Leeyahay dhul Rabi ugu deeqay Qurux dabiici ah oo meelaha ...
Iyagii bay is moodday !” sheekadii xiisaha badnayd” Qaybtii 2-aad.
- Dec 15, 2018
Sheekadu waa dhoof iyo isdhiib, guri iyo lacag bilaash ah oo la helayo. Hadal ...
Daawo:Oromada oo magalada Hargaysa ku dabaaldagaysa.
- Dec 15, 2018
Shacabka Oromada ee kunool magaalada Hargaysa ee xarunta mamulka Somaliland ayaa Qabsaday xaflad ay ...