ONLF. ISBADALKA GUDAHA KA SOCDA WUXUU UBAAHAN YAHAY FOOJIGNAAN IYO QIIMEYNTA SHAQADA IYO SHAQSIYAADKA.

Waxan soo dhaweynayaa qiimeynta lugu sameeyay shaqada iyo shaqsiyaadka howsha guud loo igmaday. Waxaan xog hoose ku heynay inney jiraan kooxo aamusan iyo kooxo fursadaha miiska saaran ilgaar ah ku eegayay iyagoo huwan shaatiga dowlada iyo shatiga ONLF. Bishii November horaanteedi shirar hoose ayaa lugu yeeshay adis Ababa iyo jig jiga waxana kolba kulmayay kooxo soo ahaan jiray ONLF iyo kooxo lugu soo dhex tuuray gudiyada howsha qaran loo xilsaaray ee faafinta hadafka ONLF iyo waliba furitaanka xafiska ONLF ee gobolada somalida ogadenia.

Hadii laamaha sirdoonka ee ururka ONLF aysan ku jarrin heegan iyo dhowrsanan joogta ah waxaa hubaal ah inn shaqada ururka lugu sameyn doono xani baad iyo was waas loogu talagalay furfurka xubnaha ururka. Madaxweyne mustafa omar shaqsiyan wuxuu doonayo iyo wuxuu mustaqbalka la soo bixi doono waynu wada suggi laakin ilaa iyo hada ficilada ka soo baxay way fiican yihin hase ahaatee waxaa jirra shaqsiyaad ku dhow madaxweyne mustafa omar, isla markaana madaxtooyada awood ku leh ahna kuwa doonaya inney sameeyaan was wasaas iyo isbaarooyin hoos loogu dhigayo abaabulka iyo hanashada shacabka somalida ogadenia ee doonaya ONLF inney arrkaan oo xukunka deegaanka la wareegtay.

Waxan soo dhaweynayaa isbadalka lugu sameeyay shaqada gudaha ka socota iyo waliba isbadalka gudiyada howsha guud fulin doona. Waxan rajeyn xubnaha kaadirka ONLF iney ku dhex milmin kooxaha fursadaha doon doonaya ee xaga danbe laga soo abaabulayo iyagoo huwan shaatiga wadaniyada. Lama joogo xiligii shaqsi waliba la aamini lahaa hase ahaatee waxaa la joogaa xiligii aynu foojignaan, heegan, soo jeed iyo dhowrsananan lugu fulin lahaa shaqada baaxada culus ee ONLF miiska usaaran.

Waxan sugnaaba waa fulinta shaqada iyo howl-wadeenka cusub waxay soo kordhin doonaan bishan aynu ku jirno

By Mujahid sheikh Ibrahim


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...