Qaybo kamida magalada Jigjiga oo 7-aad bilaa Koronta ah.

Shacabka kudhaqan magalada Jigjiga ayaa dhibaato aan dhamaan kuqaba Adeegyada ay bixiyaan shirkadaha dawliga ah ee ay ugu Horeeyaan shirkada Isgaadhsiinta iyo Tan Xooga Koronta.

Shirkadahani oo Lacago xad dhaaf ah dadka kaqaada ayaan bixinin adeeg u dhigma Lacagaha xad dhaafka ah ee ay Aruursanayaan, mana Jirto cid ka Jawaabta cabashoyinka Joogtada ah ee Guud ahaan shirkadaha dawliga ah, ay dadka magalada Jigjiga iyo Guud ahaan shacabka deegaanka kaga dhawaaqayaan.

Dadka dagan xaafada 5-aad ee magalada Jigjiga ayaa mudo kabadan 7-aad bilaa Koronta ah taasi oo cidhiidhi Galisay Guud ahaan shacabka kudhaqan xaafadaasi, Qaar kamida muwaadiniinta kudhaqan xaafada 5-aad ayaa Ogaden24 u sheegay inay cabashadooda Gaadhsiiyeen mamulka magalada Jigjiga balse aan waxbalaga Qaban.

Axmed Cali oo kamida waxgaradka xaafada ayaa sheegay inay ilaa 5- mar tageen xarunta shirkada xooga Korontada ayna diideen inay Korontada xaafada u xidhaan, waxayna ku Andacoonayaan sida uu sheegay in Gaadhi Wakaalada Biyuhu leedahay uu Jiidhay ayna tahay in Kharashka xidhitaanka Wakaalada Biyuhu bixiso ama xaafadu iska aruuriso.

Hab dhaqanka noocana oo ah mid soo Jireena oo masuuliyiinta shirkadu ay xitaa xaafadaha magalada Lacaga baad ah kaga Qaataan, ayaysan Jirin cid kula xisaabtanta waxaana looga baahan yahay in masuuliyiinta Hay’adaha ay¬† khusayso ee xukuumada DDS ay Talaabo deg dega kaqaadaan shirkadan iyo shaqaalaheeda


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Waa balan inaan meel saarno Qab-qablayaasha Barlamaanka sheeganaya.
- Dec 15, 2018
Ra'iisal wasare Khayre ayaa Khudbad uu xalay u Jeediyay Jaaliyada Somaaliyeed ee dalka Qatar ...
Warbaahinta Itobiya oo dagaalka Moyale Oromada kula safatay.
- Dec 15, 2018
Warbaahinta Rasmiga ah ee dawlada Itobiya ee EBC iyo Tan mamulka Oromada ee OBN ...
Daawo:Muqaal Qurux badan Jidka dheer ee u dhexeeya Qabridahar iyo Dhagaxbur.
- Dec 15, 2018
Wadanka Ogadenia waxaa uu Leeyahay dhul Rabi ugu deeqay Qurux dabiici ah oo meelaha ...
Iyagii bay is moodday !” sheekadii xiisaha badnayd” Qaybtii 2-aad.
- Dec 15, 2018
Sheekadu waa dhoof iyo isdhiib, guri iyo lacag bilaash ah oo la helayo. Hadal ...
Daawo:Oromada oo magalada Hargaysa ku dabaaldagaysa.
- Dec 15, 2018
Shacabka Oromada ee kunool magaalada Hargaysa ee xarunta mamulka Somaliland ayaa Qabsaday xaflad ay ...