TAARIIKH NOLOLEEDKII HALGAMAA ABWAAN HEELAALE OO KOOBAN

Axmed sheekh cali cabdi (heelaale) wuxuu ku dhashay buuralayda caanka ah ee qarrijuqood, gobolka nogob ee -Ogadenia sanadku markuu ahaa 1964, Aabihii wuxuu ahaa shekh wadaad ah oo hadana ganacsan jiray, Aabihii wuxu aad ugula dadaali jiray barashada diinta quraanka kariimka oo xataa markii macallin la waayo isagaa u akhrin jiray, sidoo kale wuxuu udiidi jiray rerkisa kaqaybqaadashada ciyarihi reer baadiyuhu tuman-jireen sida dhaantada$ waxyaabihii kalee la midka ahaa.

Abwaan heelaale maansadiisii ugu horresay wuxuu tiriyay 1972 isagoo markaa jiray sideed sano oo kali ah, meesha lagu magacaabo jiray cumuraha, gabayadisi wadani ee ugu horeeyay wuxuu tiriyay 1977 habeenkii magaalada jijiga la wareegeen ciidamadii soomaalida ahaa e77 waxa uuna sheegay AUN heelaale habeenkaas warku markuu soo dhacay in uu gabay dheer bilaabay unana seexanin habeenkii iyo labadii habeen ee ka danbaysayba, bulshadii cidduna markay maqleen gabaygiisii baa laysugu wada yimaaday, sadex habeen oo isku xigta ayayna seexanin heelaale iyo intii gabayada wadaniga
U u tirinayay, AUN Heelaale 77kii kadib wuxuu u soo qaxay soomaalia wuxuuna suugaantiisii sadexaad bilaabay 1983, waxa uu joogay luuq ganaane xeryihii qaxootigii 77dii ku soo qaxay, heelaale halkaa wuxuu sheegay inuu ka tiriyay gabay aad u dheeraa oo dhinacyo badan lahaa uuna sheegay isagu inu dhanaa ila 350 meeris, aanana filaynin isagoo duuban in la heli karo.

Bilawgii halgankii onlf tu hogaminaysayba AUN heelaale wuxuu kamid noqday jabhada onlf waxaana lagu xusuustaa gabayadiisii tirtirsiga iyo guubaabada xanbaarsana ee uu bulshada ku dhiirigalin-jiray, sida “Gumaysi-diid”, “jeleled”

“Koora-dhabar saar”, “toban-wajiile $ tacajubki
Inaan gabaya shegaa markay ila gudboonaato.
Ama u goankaygu yahay inan wax guubabsho.
Guga iyo xilliga geedigaa ah ee isdaba gooshi.
Guud ahaanba taariikhahaan mel isu gayne.
AUN Abwaan heelaale wuxuu taariikhd 26 – 3 – 1440, oo ku beegan 2- 12 – 2018 ku geeryooday magaalada muqdisho

Naxariistii janno ilaahay ha siiyo, danbigiisina haw dhaafo, eheladiisii khaaska u ahaydna samir fiican ha kasiiyo, iyagana ilaahay ha barakeeyo, guud ahaan ummaduu ka baxayna badal waanaagsan allah ha siiyo……….!
wixii khalada ah halaga saxo( *Abwaan ololcad* )


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...