Awood sheegashada Oromada oo saamaysay madaxwynaha mamulka Benishagulka.

Kadib dagaalo dhiig badani kudaatay oo kabilawday 4-kamida saraakiisha Amniga mamulka Benishangul Gumuz oo maleeshiya Oromo ah kudileen xadka Labada mamul kala Qaybiya, ayaa saamaysay xilka Ashadli Hassen oo ah madaxwaynaha mamulka Benishangul Gumuz.

Sida ay sheegayso xog aanu helay madaxwayne Ashadli ayaa looga Yeedhay magalada Addis ababa waxaana kadib u Yeedhista madaxwaynaha shir u Fadhiisanaya Gudiga Fulinta mamulka, kuwaasi oo lagu wado inay kudhawaaqaan xil kaqaadista madaxwaynaha.

Maleeshiyaadka Oromada iyo Benishangulka ayaa in dhowaale kudirirayay deegaamada dhaca xadka Labadaasi mamul, waxaana khasaare Lixaad leh lagaadhsiiyay maleeshiyada mamulka Oromada oo dhowaan laga dilay maleeshiyadii ugu badnayd taasi oo ilaa Addis ababa Hal mar Qayladu is Gaadhay.

Sida xogta aanu helay sheegayso madaxwaynaha mamulka Oromada Lema Megersa oo haatan ah shakhsiga Labaad ee ugu Awooda badan Itobiya, ayaa ku Amray Hay’adaha Amaanka Heer Federal in xilka laga Qaado madaxwayne Ashadli Hassen oo uu ku Eedeeyay inuu masuul kayahay dilka Askarta Oromada.

Lema Megersa oo kamida Adeegayaashii Kooxda TPLF xasuuqyo kala duwana u Gaystay dadka Somaalida ah iyo Qomiyadiisa Oromada, ayaa Helay Fursad Dahabi ah oo uu kusii Joogo xukunka kadib markii uu Taageeray Kacdoonkii bulshada, waxaana Haatan cid kaste oo ay is Qabtaan uu u adeegsanayaa Awooda xukuumada dhexe.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Maanta iyo Itobiya: Shacabka Tigreega oo Hubka loo Qaybiyay.
- Feb 17, 2019
Qowmiyada tigrayga ayaa kujirta diyaargarowgii ugu danbeeyay waxaana Dhamaan shacabka tigrayga loo qaybiyay hubka ...
Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...