Faquuqa iyo Eexda Hay’ada Maamusha Qaxotiga ee ARRA kuhayso dadka Somaalida.

Sidaan horay u sheegnay hay’adda ARRA waxay qaadanaysay shaqaale cusub oo looga baahday shanta xero Qaxooti ee Zone-ka Dollo-addo ee Gobalka LIIBAAN.

Sidaan sheegnayna waxay hay’addu ku kacday fal musuq-maasuq ah oo lagu xaqirayo dhalinyarada soomaaliyeed iyadoo u tartamayaasha shaqada kasoo xulatay Itoobiyanaka dhulka sare daga (Highlanders).

Waxaa kaloon sheegnay inay hay’addu ku xad-gudbtay nidaamkeedii shaqaalaysiinta oo ay imtixaanka qayb ahaan rabtay inay ku qaaddo magaalada Nagayle Boora ee Kilalka Oromiya. 

Waxaa kaloon sheegnay inuu guddoomiyaha degmada Boqolmaayo Maxamed Cali (Dhego-dhiish) la kulmay saraakisha hay’adda una gudbiyey dareenkooda ku aaddan sida khaldan ee wax loo maamulayo.

Haddaba waxaa (Dec 3, 2018) kulmay saraakiisha hay’adda ee Zoneka dollo-addo xarunteeda Malkaadiido, waxayna ka hadleen caqabada kala soo gudboonaatay shaqaalaynta cusub iyo sidii loo furdaamin lahaa arrintaas.

waxayna qaateen go’aan laba qodob ka kooban:

1. Waxay guddi saddex (3) xubnood ka kooban u magacaabeen qaybta macalimiinta khusaysa ee liiska u tartamayaashii Imtixaankooda muranku ka dhashay, waxayna xubnahan oo ah saddex wiil oo maamulayaal ka ah Iskuulada ay hay’addu maamusho ku yidhaahdeen isha soo mariya liiska u tartamayaasha macalimiinta, wax awood ahna lama siinin wiilasha oo ay wax kaga beddelaan sida xaalku hadda hayay.

2. Waxay go’aamiyeen inay ka laabtaan go’aankii ahaa in Magaalada Nagayle ee kilalka Oromiya lagu qaado Imtixaanka waxayna sheegeen in lagu qaadidoono Malkaadiido hase ahaatee mayna sheegin in dib-u-sixid lagu samayn-doono khaladka wayn ee jira.

Magacyada Saddex xubnood ee guddiga la magacaabay:

1. Mustafa Yaxye
2. Jaamac Carab
3. Maxamed Dheere.

Wiilashan waxaan ugu baaqayaa inay iska casilaan hawshan ayna waxba ka qaban karin ee la rabo in lagu duudsiyo dhalinyarada kale ee walaaladood ah.

FG: waxaan u mahadcelinayaa Walaalka qora bogga Midnimo Web Tv, oo qoraaladiisu damqeen hay’adda ARRA.

Bye: Ismaciil Cali 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...