Oromada oo wada Qorshe ay ku Tirtirayso mamulka Herarida kulana wareegayso Harar.

Magaalada Harar ee xarunta mamulka Hererida waxaa kataagan xiisad siyaasadeed oo ay mamulka Oromadu kudoonayaan inay Gabi ahaan magalada kagala wareegaan Qomiyada Hererida iyo mamulkooda.

Ololaha Qorshaysan ee Oromadu kudoonayso inay kula wareegto magalada Harar iyo mamulkeeda oo mudo dheer soo Jiitamayay, ayay iskudaya badan oo Horay ay u sameeyeen waxaa fashiliyay Hogaankii Kooxda TPLF waxaana haatan muuqata in Oromadu ka Faa’iidaysanayaan Fursad ay u arkaan inay Tahay Dahabi.

Oromada ayaa Aaminsan inay iyagu leeyihiin magalada Harar oo ay Hareeraheeda wax kadagan yihiin waxayna Tan iyo intii ay bilaabeen Kacdoonkii Guulaystay, ayay wadeen Qorshe isku xidhan oo ay kudoonayeen inay magaalada kula wareegaan ayna mamulka Oromadu dabada kariixayeen.

Arinta Oromada u sahlaysa Lawareegida magalada ayaa ah in ciidamada Police-ka iyo kuwa Liyuuga ee mamulka Hererida ba ay yihiin Oromo, maadaama Qomiyada Hereridu ay yihiin dad aad u tira yar aysana Qayb ka ahayn arimaha ciidamada ayay iskudayayaan Oromadu inay ka faa’iidaystaan Fursadaha ay Haystaan.

Mudaharaad Qorshaysan oo shalay ay sameeyeen ciidamada Police-ka iyo kuwa Liyuuga ayay kula wareegeen inta badan xarumihii mamulka, waxayna magalada dhex marayeen iyaga oo wata calamada Jabhada OLF iyo kan mamulka Oromada, taasi oo muujinaysa in Qorshaha Oromadu yahay sidii ay Gabi ahaan ula wareegi lahaayeen magalada Harar iyo mamulkeeda.

Xiisada soo Jiitamaysay ee Oromadu kudoonayso inay kula wareegto magaalada iyo mamulkii Hererida ayaanay dawlada dhexe kahadlin, waxaana muuqata in damaca dhul balaadhsiga kudhisan ee Oromada aysan jirin cid kabad baadaysa Hadaan Layska dhicin.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...