War deg dega: Qorshe dhagareed Halisa oo Cabdi iley ka Fashilmay.

Qaar-kamida warbaahinta Itobiya ayaa baahiyay in Qorshe Halisa oo meelo muhiima Qaraxyo lagaga Fulinayo uu Kafashilmay madaxwaynihii Hore ee mamulka iyo Koox ay isku xidhan yihiin.

Warkan oo uu Goor dhowayd baahiyay Telefeshinka Afka Xabashida kuhadla ee ESAT ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonku ay Qabteen Warqad uu Cabdi ilay soo Qoray oo kusocotay Nin ay kusheegeen Abtigii oo lagu magacaabo Ahmed Mahad Colow (ilkacse).

Sida lagu sheegay warkani uu baahiyay Telefeshinka Xabashidu Warqada waxaa ku qoranaa in Laqarxiyo Goobo muhiima oo ay kamid yihiin, JigJiga university, Xarunta Quwada Korontada magalada Jigjiga,  iyo Xarunta Is-gaadhsiinta ama Telecommunication.

Warkani uu baahiyay ESAT ma aanu sheegin Goorta Warqada Laqabtay iyo cida Warqada lagu Qabtay Toona balse waxaa ay sheegeen in warkani ay kaheleen ilo xog Ogaala sida ay Hadalka u dhigeen.

Hadii Jiritaanka warkani uu noqdo sida loo sheegayo waxaa muuqanaysa in wali ay shaqaynayaan Kooxdii TPLF iyo kuwii ay isku xidhnaayeen oo wali kudhex milan Qaybo badan oo kamida Hay’adaha dawliga ah, waana Khatar Hor leh oo Abuuuri karto xasilooni daro iyo shaki meelo badan saamayn doona.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...