Xaqul Shaah ama Laaluush Yar ayay shaqadeedii kuwayday xabsina u Gashay!.

Dalkan itoobiya ayaa la ildaran khasaaraha dhaqaale ee kaga imanaya badiicada bilaa canshuurta lagu soogalinayo wadanka koontarabaan ahaanta iyo calagaha sida sharcidarada ah lagaga saarayo wadanka.

Daraad ayay gabadhi/naag udhiibatay boorso miinaysan (balaayo kabuuxdo) qof kamida shaqaalaha diyaaradaha ee Ethiopian airline si uu ugu dhaafiyo baadhitaanka maadaama oon iyaga labaadhin.

Naagtan ayaa usii baxaysay dalka shiinaha, markay udhiibaysay boorsada qofka shaqaalaha diyaaradaha ah ayaa waxaa arkayay qofkale oo kamida shaqaalaha diyaaradaha wuxuuna usheegay qoladii jibriga/gumruuga sidiibayna si wadajir ah ugubaadheen boorsadii waxaana laga helay; (6,000,170 Pound, 33,115 euro, 1,264,975 ETB).

Lacagtii, boorsadii iyo qofkii shaqaalaha diyaaradaha ahaa waala isla xidhay, saacado kadib waxaa la’ogaaday inay naagtii lahayd boorsada ay 3 saac kahor kaduushay bole international airport waxaana lagu ogaaday tag gii tigidhkeeda ee kudhaganaa boorsada.

Xogtaas markii la helay aya lalaxidhiidhay diyaaradii oo 3 saac hawada kusii jirtay waxaana lagu amray inay soolaabato dibna usoo cagadhigato garoonkii ay kaduushay wayna soolaabay sidaasaana gacanta loogudhigay qoftii hantida inataas le’eg dalka kasiibixin rabtay ee waliba galaafatay/halaysay mustaqbalkii qofkaa shaqaalaha ahaa oo lagayaabo inuu maanta qudha khaldamay xaqu-shaah yarna xabsi ugalay.

Ugudambayn waxaan halkan kabarankaraa labo arimood; xasaanad lagusiiyay ood sixun u isticmaasho ciqaabta aad ku mutaysan karto iyo xaqu-shaah yar (musuq, tuuganimo iyo khayaamo qaran) inaadan ku bur-burinin kuna halaynin mustaqbalkaaga iyo kii qoyskaagaba.

By: Shafici Dahir Muse


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Shirkii billaha ahaa ee ururka OYSU IFO oo maanta qabsoomay
- Feb 17, 2019
Maanta aah maalin Axad ah taariikhduna kubeegantahay 17/02/19 waxaa si heersare ah uqabsoomay shirkii ...
Deg deg :Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay Hadalkii kenya ka sooyeeray.
- Feb 17, 2019
WAR-SAXAAFADEED Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa war-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Kenya 16kii Febraayo ...
Daawo:War cusub Kenya oo Somaaliya dagaal ugu Hanjabtay.
- Feb 17, 2019
Dawlada Kenya ayaa Wacad kumartay inay difaacanayso sharafta dhuleed iyo Haybada Qaranimadeeda oo sida ...
Daawo:Muqaal aad u Qurux badan iyo warbixin Gaara xaflada Jigjiga kasocota.
- Feb 17, 2019
Xaflada xuska Todobaadka magalooyinka Itobiya ee magalada Jigjiga kasocota ayaa waxaa isugu yimid dad ...
Fasiraada dhabta ah waxa keenay xiisada dublamaasiyadeed ee Somaliya iyo Kenya.
- Feb 17, 2019
Dalalka Somaaliya iyo Kenya waxaa si Kadis ah uga dhex Qaraxday Xiisadda diblomaasiyadeed oo ...