Bal u Fiirso Farqiga u dhexeeya 2-da Garoon ee Jigjiga iyo Maqale!.

Isbarbar dhig fagaaraha iskusoobaxa bulshada ee JIGJIGA iyo midka Maqala, hadaad cadhoon waydo dayuusnima heer kugu filan ah waad isku hubtaa!.

Shacabka maqala wuxuu isugu yimid studium noociisu ay ka dhisanyihiin dalalka horumaray, midka jigjigana noociisu waa kuwa ay haayada mucaawinada iyo deeqbixiyayaashu u dhisaan qaxootida Aasiya ee biyaha, dhul gariirka iyo colaaduhu qixiyaan !

Lacagta la sheegay in lagu dhisay jigjiga studium waxay ku sedex jibaarmi mida lagu dhisay istaadhiyaam ka Makale ! Ufiirso kala quruxsanidooda, ufiirso kala dad-qaadkooda, ufiirso kala hanaan-dhismo wanaagooda,
Imisa sano ayuu ina anfici doona midka jigjiga? 5 sano, 10sano 20sano,50, ? Intaa kama badnaankaro.

Midka ay shalay tigraygu isugusoo baxeen kun sano oo dambe kudhawaad ayaa loogu talagalay inuu sidaa umuuqdo bulshaduna u isticmaasho ……

Xasuuqii socday sanadaha badan iyo boobki hantida Dalkeena baada iyo gibirka lagu daldashay waxaaba kasiidaran bahdilaada garashada foorarinaysa ee dhacday.

Haba nagumaystaane maxay dhulka uun dhismo taya waarta leh ooga yagleeliwaayeen sida gumaysiyadi ree Yurub ? Noocyaha badan ee hafaryada , qadafka iyo quudhsiga ah waxaa na xusuusin xanaaq hor leh na nagu beeri markaan aragno hantideeni oo dhulkale lagu hormariyay dad kalana ay oogu raaxaysanayaan si aad uga fog waxa ina deeqi la’a ee ay meela kooban innooga dhideeyeen !

Bye: Nasir Ibrahim


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Jabuuti oo safaaradii ugu wayanayd magalada Muqdisho ka Furatay.
- Mar 18, 2019
Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo safaaradii ugu waynayd ee dawlada Jabuuti ay dibada kuyeelato ...
Ree Garbo oo wacdaro u muujiyay madaxda ONLF+ sawiro
- Mar 18, 2019
Wafdiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ...
Shirkii joogtada ahaa ee ururka OYSU Ifo oo maanta qabsoomay
- Mar 17, 2019
Waxaa maanta oo ahyd maalin sabti ah taariikhduna kubeegantahay 17-03-2019 si quruxbadan uqabsoomay shirkii ...
Ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi baa mise waa ciidan deegaan? sawiro.
- Mar 17, 2019
Gobolka Doollo waxaa kusugan Taliyaha ciidanka Liyuu Police-ka Maxamed Xaaji iyo Laba kamida Lataliyeyaasha ...
Daawo:Jigjiga oo Kumanaan Itobiyan ah casho sharaf loogu sameeyay.
- Mar 17, 2019
Kumanaan dada oo Itobiya ka kala yimid oo Jigjiga u Joogay daawashada Tartanka ciyaaraha ...