Yaa kadambeeyay shaqaaqadii kadhacday Jaamacada Jigjiga.

Jaamacada magaalada Jigjiga waxaa shalay kadhacday Rabshad kabilaabatay Laba kamida Ardayda oo kasoo kala Jeeda Oromo iyo Somaali, waxaana Ardayga Oromka ahi uu kan Somaaliga ah ugu dhex Gacan Qaaday safkii Ardaydu u Taagnayd.

Kadib Gacan Qaadka ayaa waxaa bilawday wax u muuqday weerar Qorshaysan oo Koox kamida Ardayda kasoo jeeda Qomiyada Oromadu ay ku Ekeeyeen Ardayda Somaalida ah, taasi oo Gabi ahaan Gudaha Jaamacadu kadhigtay Goob dagaal ilaa markii dambe Hay’adaha Amaanka Heer deegaan iyo Heer Federal Awood ku muquuniyaan.

Hadaba si aan u Ogaano waxa sababay Rabshada ayaa waxaanu xidhiidh lasamaynay xubno kamida masuuliyiinta Hay’adaha Amniga oo baadhitaan kuhaya dhacdadaasi, waxayna Ogaden24 u xaqiijiyeen in arinku uusan ahayn mid kadhashay Gacan Qaadka Labada arday dhex-maray.

Masuulka oo ka Gaabsaday inaan magaciisa saxaafada u adeegsano ayaa sheegay in baadhitaanka socda uu muujinayo in masuuliyiinta Jaamacadu ay Qayb kayihiin Rabshadii shalay dhacday, balse ayna ahayn mid kadhalatay isku dhaca Labada Arday.

Waxaa uu masuulku intaa kudaray inay Jireen xogo Hore loo Hayay oo mamulka Jaamacadu kucuryaaminayeen Hawlaha Jaamacada, taasi oo u Jeedo siyaasadeed oo dana gaara xambaarsan laga leeyahay.

Xaalada Jaamacada ayaa dagan saaka waxaana kusugan ciidamada Amaanka waxaana socda shirar dib loogu soo celinayo Hanaankii caadiga ahaa ee waxbarashada Jaamacada, iyada oo masuuliyiinta waxbarashada Heer deegaana ay Qaadanayaan Kaalinta kaga aadan sixitaanka khaladaadka Jira.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Jabuuti oo safaaradii ugu wayanayd magalada Muqdisho ka Furatay.
- Mar 18, 2019
Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo safaaradii ugu waynayd ee dawlada Jabuuti ay dibada kuyeelato ...
Ree Garbo oo wacdaro u muujiyay madaxda ONLF+ sawiro
- Mar 18, 2019
Wafdiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ...
Shirkii joogtada ahaa ee ururka OYSU Ifo oo maanta qabsoomay
- Mar 17, 2019
Waxaa maanta oo ahyd maalin sabti ah taariikhduna kubeegantahay 17-03-2019 si quruxbadan uqabsoomay shirkii ...
Ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi baa mise waa ciidan deegaan? sawiro.
- Mar 17, 2019
Gobolka Doollo waxaa kusugan Taliyaha ciidanka Liyuu Police-ka Maxamed Xaaji iyo Laba kamida Lataliyeyaasha ...
Daawo:Jigjiga oo Kumanaan Itobiyan ah casho sharaf loogu sameeyay.
- Mar 17, 2019
Kumanaan dada oo Itobiya ka kala yimid oo Jigjiga u Joogay daawashada Tartanka ciyaaraha ...