Dagaalka Jabhada OLF iyo Itobiya oo noqday dagaal Kristan & muslim u dhexeeya.

Gobolada Galbeedka Oromia waxaa mudo Laba Todobaad ah kasocda dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada milateriga Itobiya iyo ciidanka Jabhada Oromada ee OLF.

Dagaalkan oo mamulka Oromadu uu kudhawaaqay xukuumada dhexe ee Addis ababana ku Taageertay ayaa noqon waayay sidii ay kuwadeen, waxayna Jabhada OLF Heshay Taageero lama Filaana oo waxgaradka, culimada, dhalinyarada, iyo Qaybaha bulshadu ku Garab istaageen.

Dagaalkan ay si fudud u Qaadeen mamulada kala sareeya ee ururka ODP-da ayaa Waji cusub Yeeshay waxayna dadka Oromada ah oo u badan muslim, dareemeen in Ururka OLF dagaalka lagu Qaaday Yahay mid salka kuhaya Nacayb diimeed maadaama ODP-da madaxdeeda iyo Taageerayaashedu Kristan yihiin.

Arinta uga sii dartay xaalada ayaa ah in saraakiil sare oo katirsanaa ciidamada Liyuu Haylka Oromada iyo kuwa milateriga ee kasoo Jeeday Oromada muslimka ah, ay kubiiraan Jabhada OLF kadib markii ay u arkeen dagaalka lagu Qaaday OLF inuu yahay mid salka kuhaya Takoorka Oromada muslimka ah iyo madaxdooda.

War saxaafadeed shalay uun kasoo baxay mamulka Oromada ayay kusheegeen in Jabhada OLF ay Gabi ahaan burisay Heshiiskii Nabadeed ee kala dhexeeyay dawlada Itobiya, sidaa darteedna waxaa shacabka loogu Hanjabay in cid kaste oo Taageerta ay ciqaab adag mudan doonto.

Jabhada ayaa haatan maamusha inta badan Gobolada Gujji, Wollega, Arsi, Borana, iyo deegaama kale waxaana Hanjabaada cusub ee mamulka Oromadu Dab kusii Hurisay xaaladii cakirayd ee kajirtay Goboladaasi oo waxgaradkoodu kudhawaaqeen inay is difaacayaan.

Dhinaca kale baraha bulshada ayaa waxaa kasocda Olole balaadhan oo ay wadaan Oromada muslimka ah oo u muuqda kuwa Haatan ku baraarugay xaqiiqda dagaalka lagu Qaaday Jabhada OLF, waxayna ugu baaqayaan dadka Oromada ah ee muslimka ah inay iska difaacaan weerarada kaga imaanaya mamulka Takoorka iyo bahdilka kuhaya ee OPD-da.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Federalka Itobiya miyaa Oromiya ah mise Oromada ayaa Federalka Itobiya ah?.
- Jan 17, 2019
Shir kii Gudida fulinta EPRDF ayaa maalinimadii shalay ahayd ka Furmay caasimada Ethiopia ee ...
Daawo:Yaabka Nin kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo Kaligii isku Qarxay.
- Jan 17, 2019
Mid kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo malaha loogu Talagalay marka Qaraxa 1-aad dhaco ...
Shekh Ibrahim dheere oo mar kale dibad Joog noqday!.
- Jan 17, 2019
Sheekh Ibrahim Xusen (Ibrahin dheere) oo ah siyaasi Galaangal badan kuna caan baxay Lajaan ...
Daawo:Milateriga Itobiya waxay si Toosa ugu Hiilinayaan Canfarta.
- Jan 17, 2019
Dagaalka mamulka Canfartu kusoo Qaaday shacabka Somaaliyeed ee kudhaqan deegaamadii sida sharcidarada ah loogu ...
Magacyada Allaha u Naxariistee shacabkii maleeshiyada Canfartu xasuuqday.
- Jan 17, 2019
Maleeshiyada mamulka Canfarta oo Gacan buuxda kahelaya ciidamada milateriga Itobiya ayaa weerar Joogta ah ...