Sheeko xabsiga Gudihiisa kudhex martay Qalbidhagax iyo Sanbalooshe.

Waxaa ammin Barqo ah iigu soo Galay Qolkii aan uga jirey Xabsi Qarsoodi ah oo ay TPLF-tu si gaar ah u maammuli Jirtey, Sanbalooshe ( Taliyihii Sirdoonka Qaranka Soomaaliya) iyo Nin Kornayl Tigrai ah oo uu Magaciisa iigu Sheegay Collonel-Madhin , kana tirsanaa Hay’adda Basaaska Tplf-ta “.

“Anigu Xilligaa waxaan ku Fadhiyey , Salli-yar (Sijaayad) aan Salaadda-Barqada (Sallaatu-Duxada) ku Tukadey , oo wali Salligii-yaraa kamaanan Kicin , Ilaahay-na waan Baryayey “.

“Sanbalooshe=Asallaammu-Caleykum “.

“Qalbi-Dhagax=wuxuu yidhi ; waxaan Sallaantii uga ridiyey (uga qaaday) sidda Gaalada Salaanta looga ridiyo ,marka ay Asalaamu-Caleykum ku dhahaan oo ah” Wa-Caleyka , kii Tigrey-ga ahaana ma aanu Hadlin”.

” Haddaanu indoora kala aamusnayn , ayaan Qiblada ayaan wali u sii jeedaye , inta aan Luqunta xaggoodii u soo Qaloociyey , oo aan Sambalooshe Indhaha ku qabtay ku idhi ” War maxaad rabtey?”.

“Wuxuu igu yidhi ; Ninyohow waan kaa daba-imid , waxaanan kuugu-imid in aan kula taliyo , waad Ogtahay oo waxaad hadda Gacanta ugu jirtaa Dowlad Weyn, oo aanad si Sahlan uga badbaadi-karin haddii Anad Adigu goosanin in aad is-badbaadisid , ee is-badbaadi , oo aan ku tilmaaamee ka Tanasul Mabda’ii aad aamminsaneyd ee Nabad-Diidnimada( ONL-nimada) ahaa.

Itoobiyaani-mada Aqbal , Jig-Jiga halagu-geeyo , Cambaaree Argagixisa-nimada iyo Onlf-nimada , Dadka Soomaalida ah ee kuu Boroor-Diiqayana u sheeg , in ay arrimahaaga Faraha kala-baxaan, oo ay Soomaali-nimadooda ku ekaadaan , Adigana Itoobiyaanima-daada kuu-daayaan , siddaana Itoobiya wax kula-qaybso”.

“Qalbi-Dhagax=Ninyohow Anigu Cuntada Galaas Caana-Geel ah ayaan ka Cabbaa , waana kan hadda i Hor-yaalla oo Cunto u xilan-maayo , Geeri ka Baqi-maayo , oo 40-Sano Dagaal aanan markaan Galayey fileynin inaan ka soo nabad-noqonayo ayaan ku soo jirey.

Dad aan hadda is-leeyahay aad ku bad-baadsatid inaad is-dhiibtaana iima dhaqna, oo Walaalahay , Caruurtaydii iyo kuwii Dad ii xigey-ba Mabda’an aan u xirnahay ayay u dhinteen , Saaxiibo badan oo aanu Halgganka iskula-jirney Ballan Adagna noo dhexeeyey.

Halggankaan ku waayey, Madax-nimo-Gumeysi kuwaan aad leedahay waa Xoog badan-yihiin ayaan ka Diidey , oo Iyagaaba Qalbi-Dhagax ii Bixiyey ee Hooyaday iyo Aabahay midkoodna iima Bixinin , Adigu Talo iguma biirin-kartid , waxa kaliya ee aad arrinkayga ka Geli-kartey waxay ahayd , inta aad samaysay oo ah , in aad i soo Qabato kadibna i Dhiibtid.

Waan Ogahay , in aad Jaajuus Tigreey xaggaa u jooga tahay in Amar lagugu-siiyey in aad i soo qabato, ma aanad Diidi-karin fulinta Amarkaas , sababta oo ah waxaan Ogahay , in sidda ay Qaddiyada Soomaali-Weynimadu iigu Adag-tahay , wax Gor-Gortan ahna aanan uga Galeynin , ay Adigana kuugu Adag-tahay Daba-Dhilifnimada iyo Jaajuus-nimadu, Aniga hadda waxna iima dhimi-kartid iimana tari-kartid , Orod oo Geesiyaal badan oo Gumeysi-Diid ahi Soomaaliya waa Joogaane Tigreey-ga midba Maalinka aad Hesho u keen Alifyadaada Gumeysigana iska-guro.

“Sanbalooshe=waa Istaagey,Isaga oo Collonel-Madhin ku leh ” Ninkani ma dhawa ee Shaqo ka qabta , marka dambe oo aan immaadana , aan Isaga oo Baddalan oo Nugul u imaado “.

“Qalbi-Dhagax=intaan Dhoola-Caddeeyey ayaan ku Idhi ” Albaabka uun ii sii-laab “.

Bye: Gaciye Bashir


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Federalka Itobiya miyaa Oromiya ah mise Oromada ayaa Federalka Itobiya ah?.
- Jan 17, 2019
Shir kii Gudida fulinta EPRDF ayaa maalinimadii shalay ahayd ka Furmay caasimada Ethiopia ee ...
Daawo:Yaabka Nin kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo Kaligii isku Qarxay.
- Jan 17, 2019
Mid kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo malaha loogu Talagalay marka Qaraxa 1-aad dhaco ...
Shekh Ibrahim dheere oo mar kale dibad Joog noqday!.
- Jan 17, 2019
Sheekh Ibrahim Xusen (Ibrahin dheere) oo ah siyaasi Galaangal badan kuna caan baxay Lajaan ...
Daawo:Milateriga Itobiya waxay si Toosa ugu Hiilinayaan Canfarta.
- Jan 17, 2019
Dagaalka mamulka Canfartu kusoo Qaaday shacabka Somaaliyeed ee kudhaqan deegaamadii sida sharcidarada ah loogu ...
Magacyada Allaha u Naxariistee shacabkii maleeshiyada Canfartu xasuuqday.
- Jan 17, 2019
Maleeshiyada mamulka Canfarta oo Gacan buuxda kahelaya ciidamada milateriga Itobiya ayaa weerar Joogta ah ...