Deg deg: Boqolaal Gaadiidka dagaalka ciidanka Itobiya ah oo Tigreegu Lawareegay + sawiro.

Kolonyo Gaadiidka ciidamada Itobiya ee Hubka culus xambaara ah oo kabaxaysay Gobolka Tigreega oo tira ahaan Gaadhaya ilaa 200- oo Gaadhi, ayaa waxaa Jidka u Galay Kumanaan dhalinyara Tigree ah oo Abaabulan.

Gaadiidkani Tirada badan ee ciidamada milateriga Itobiya ayaa waxay Qayb kayihiin ciidamadii tirada badnaa ee dhufaysyada kaga Jiray Furimihii dagaalka ee Eritrea iyo Itobiya oo haatan lasoo Afjaray, waxaana Qaadista Hubkani uu walaac xoogan ku abuuray kooxda TPLF oo dhibaato baxaad leh Gaysatay intii ay Itobiya mamulaysay.

Haweenayda wasiirka Gaashaandhiga ah oo kahadashay Hubka iyo Gaadiidka dagaal ee Tigreegu kuhareeraysan yihiin, ayaa sheegtay in sifa sharciya oo dhamaystiran Gacanta loogu dhigi doono saanadaasi milatari ee lagu Go’doomiyay Gobolka tigraay .

In jineerad Caasha oo Lahadlaysay warbaahinta dawlada ayaa kudooday in ciidamadu u Taagan yihiin Gacan bira ah kuqabashada Koox iyo shakhsi kaste oo Lidi ku ah Geedi socodka Hanaanka dawliga ah Gude iyo dibad ba, waxayna Haweenaydani ku Hanjabtay inay cawaaqib xumo Lakulmi doonaan kuwa Haysta Hubka culus iyo saanada milateri ee Gobolka Tigreega laga soo daad Guraynayay. 

Sida ay sheegtay wasiirada difaaca Itobiya dhalinyarada ku wareegsan Hubka culus iyo Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa iyagana kusii wareegsan cutubyo katirsan Qaybaha kala duwan ee ciidamada, sida milateriga Federal Police-ka sirdoonka iyo xitaa ciidamada cirka oo iyaguna kaqayb Qaadanaya ilaalinta Agabkaasi culus ee ay dhalinyarada Tigreegu ku wareegsan yihiin. sawirada Halkan Riix

 


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Jabuuti oo safaaradii ugu wayanayd magalada Muqdisho ka Furatay.
- Mar 18, 2019
Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo safaaradii ugu waynayd ee dawlada Jabuuti ay dibada kuyeelato ...
Ree Garbo oo wacdaro u muujiyay madaxda ONLF+ sawiro
- Mar 18, 2019
Wafdiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ...
Shirkii joogtada ahaa ee ururka OYSU Ifo oo maanta qabsoomay
- Mar 17, 2019
Waxaa maanta oo ahyd maalin sabti ah taariikhduna kubeegantahay 17-03-2019 si quruxbadan uqabsoomay shirkii ...
Ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi baa mise waa ciidan deegaan? sawiro.
- Mar 17, 2019
Gobolka Doollo waxaa kusugan Taliyaha ciidanka Liyuu Police-ka Maxamed Xaaji iyo Laba kamida Lataliyeyaasha ...
Daawo:Jigjiga oo Kumanaan Itobiyan ah casho sharaf loogu sameeyay.
- Mar 17, 2019
Kumanaan dada oo Itobiya ka kala yimid oo Jigjiga u Joogay daawashada Tartanka ciyaaraha ...