Waa in Xal deg dega loo Helaa dagaalka Xisbiga Wadajir iyo Nabad & Nolol.

Ma qabo Anigu in sharcigu uu noqdo mid lagu dul sameeyo dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee maalin laha ah ee dalka ka socda, ee waa in marka horeba laga fikiro inta aaney imaan eedahaan oo kale, maadaama sida aan iminka la socono aan la dhameystirin oo weli gacanta lagu hayo sharcigii Axsaabta Siyaasadeed ee dalka, waana muhiim in howshaas la dedejiyo si loo yareeyo muranadaan oo kale.

Waayoo hadii uu horay u jiray go’aanka ah in aan Hoteelada lagu qaban karin shirar aan lagu soo wargalin Hey’daha amniga waxa ay aheyd in mudada shirka ka hor uu Xisbiga Wadajir ku wargaliyo dadka shaqada ku leh Xaalad Amni darteed, balse sida aan hadalka u fahmay Xisbiga Wadajir tababar koodu ma aheyn mid maanta bilaabanayay ee wuxuu ahaa mid soo socday oo 2 maalmood oo hore la qabtay, halkaa su’aasha soo galeysa waxay tahay xagee jireen dadka maanta amarkan soo saaray labadii maalmood ee hore?

Sikastaba, maadaama Xisbiyada kale uu xaalkoodu caadi yahay waxaan Hogaanka sare ee Dowlada & Madaxda Xisbiga Wadajir oo ay arintoodu dhowr jeer soo noqnoqotay kula talin lahaa iney iskaga garaabaan xaaladaha jira lana yimaadaan hab ka duwan habka ay iminka iskula dhaqmayaan oo ah mid aysan 2-da sano ee hartay iskaga garab shaqeyn karin.

Waana muhiim in Mucaaradkuna waqti siiyo Dowlada si madaxdeedu dalka ugu shaqeeyaan sidoo kalena ay Madaxda dowladu ay fursad siiso Xisbiyada si ay ololahooda iyo fikradahooda bulshada ugu sii qanciyaan isuguna diyaariyaan doorashooyinka, hadaba si aan labada dhinacba la isugu habsaamin dalkana aan dib u dhac loogu horseedin waa muhiim in xal loo helo caqabadaha jira sida:

ARAGTI:-

-In Madaxda dowladu ay u ogolaato guud ahaan xisbiyada la aqoonsaday gaar ahaan Xisbiga Wadajir dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed iyo xoriyadiisa dastuuriga ah maadaama uu ka mid yahay xisbiyada mucaaradka ku ah, sidoo kale waa in Madaxda dowladu aysan Xisbigan oo kaliya la bartilmaameedsan awaamiir tooda ku wajahan dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee dalka ka socda, ee waa inaad go’aanadiina ku saleysaan mid guud ahaan quseeya

Xisbiyada Siyaasadeed ee aad u diiwaan galiseen Xisbinimadooda idinka oo had walba ilaalinaya sharciyada dalka, tankale Madaxda dowladu waa ineysan iyadu abuurin l buuq siyaasadeed ee waa iney Madaxda dowladu mar walba hormuud iyo tusaale u noqoto ku dhaqanka sharciyada dalka sidoo kalena ay dulqaad u yeelato ficilada kaga imaanaya mucaarad kooda hadii aaney ka hor imaaneyn Amniga,Destuurka iyo xasiloonida dalka.
.
-Sidoo kale Xisbiga Wadajir hogaankiisa waa in uu Ixtiraamo masuuliyada guud ee ka saaran Dalka, Amniga , Dowladnimada, & ilaalinta danta guud ee Umada, islamarkaana uu marwalba ka fogaado wax kasta oo dalka ka abuuri kara Xiisad bulsho iyo buuq Siyaasadeed, waana in uu cadhadiisa ku daraa dulqaad siyaasadeed iyo han fog oo uu ka leeyahay talada dalka, sidoo kale waa in uu u hogaansamo awaamiirta Madaxda Dowlada hadii aaney ka hor imaaneyn sharciyada dalka iyo xoriyaaadka gaarka ah ee uu xaqa u leeyahay Xisbigu kuna xusan Dastuurka KMG ah ee dalka..

GABAGABO

-Mid kalena waxaan leeyahay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo Gudiga Doorashooyinka, Fadlan labadiina dhinacba dalka waxaa idinka saaran waajib , waadna ujeedaan xaalada oo wax idinkama qarsoona oo waa mid soo noqnoqotay, sidaa daraadeed waa inaad si dhaqso ah u qaadaan tilaabooyin muhiim ah oo xal loogu raadinayo ismari waaga ka dhex aloosan Madaxda dowlada iyo Xisbiga Wadajir.

Waa inaad u istaagtaan sidii aad u kala jiheyn laheydeen Xisbiyada dalka iyo madaxda dowlada maadaama dalku u diyaar garoobayo nidaamka Xisbiyada oo ah howl kale oo isticmaal keedu nagu cusub yahay, waana inaad qeexdaan sharciyada iyo xuduudaha kala xadeyn kara Madaxda iminka talada heysa iyo Xisbiyada Siyaasadeed ee kula loolamaya hogaanka dalka si iyadoo aaney jirin buuq iyo isqabqabsi iyo isku awood sheegasho loo wada hiigsado doorashada 2020-2021-ka la filayo iney dalka ka dhacdo.

Bye: Abdiqadir Farah Dulyar


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Jabuuti oo safaaradii ugu wayanayd magalada Muqdisho ka Furatay.
- Mar 18, 2019
Xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo safaaradii ugu waynayd ee dawlada Jabuuti ay dibada kuyeelato ...
Ree Garbo oo wacdaro u muujiyay madaxda ONLF+ sawiro
- Mar 18, 2019
Wafdiga Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ...
Shirkii joogtada ahaa ee ururka OYSU Ifo oo maanta qabsoomay
- Mar 17, 2019
Waxaa maanta oo ahyd maalin sabti ah taariikhduna kubeegantahay 17-03-2019 si quruxbadan uqabsoomay shirkii ...
Ciidanka Liyuu Police-ku ma ciidan xisbi baa mise waa ciidan deegaan? sawiro.
- Mar 17, 2019
Gobolka Doollo waxaa kusugan Taliyaha ciidanka Liyuu Police-ka Maxamed Xaaji iyo Laba kamida Lataliyeyaasha ...
Daawo:Jigjiga oo Kumanaan Itobiyan ah casho sharaf loogu sameeyay.
- Mar 17, 2019
Kumanaan dada oo Itobiya ka kala yimid oo Jigjiga u Joogay daawashada Tartanka ciyaaraha ...