Dadwaynaha Tigreega oo Jawaab kulul kabixiyay Hadal kasoo Yeedhay madaxwyanaha mamulkoda.

Qaybaha kala duwan ee bulshada Tigreega oo ay ugu Horeeyaan siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka ayaa si kulul uga dareen celiyay, Hadal uu madaxwaynaha mamulka Tigreegu kusheegay in dadka Tigreegu ugu Hogaansamaan xukuumada Ra’iisal Abiy Ahmed.

Hadalo Kulul oo isugu Jira Hanjabaad iyo in xilka laga xayuubiyay Debretsion Gebremichael ayay dadka Tigreegu 24-kii saac ee Lasoo dhaafay si wayn ugu wadaayeen baahinayaan baraha bulshada, iyaga oo kudoodaya inuusan u Qalmin inuu sii Hogaamiyo mamulka iyo dadka Tigreega.

Cadhada shacabka Tigreega ayaa kadhalatay Hadalo uu warbaahinta kajeediyay Debretsion oo ku Eedeeyay dadka Tigreega inay Joojiyaan Talaabada sharcidarada ah ee ay isku Hortagaayaan ciidamada laga daabulayo Fadhiisimadii ay kulahaayeen deegaamada dhaca xadka dalka Eritrea.

Waxaa uu sheegay in ciidamada milaterigu ay meeshay rabaan ka Guuri karaan xiliga ay doonaan iyaga oo aan cidna kala Tashanayn, waxaanu kadigay sii socoshada Fad Qalalada Laysku Hortaagayo ciidamada ka Guuraya saldhigyadii ay Horay u daganaayeen.

Ma’aha wax la Aqbali karo in dhalinyaro Abaabulan ay isu dhigaan Gaadiidka ciidamada si ay u Joojiyaan ama aysan uga Guurin Fadhiisinkooda” ayuu yidhi Debretsion intaasi kudaray inay dawlada dhexe kala shaqaynayaan Hawlaha ay ciidamada kaga soo saarayso Goobihii ay mudada dheer kusugnaayeen ee xadka Eritrea.

Debretsion waxaa uu intaasi kudaray inay xoojinayaan Heshiiskii dhex maray xukuumada Eritrea iyo Itobiya oo sida uu sheegay ahaa mid Taariikhiya oo Guul iyo Horumar Horseedaya, waxaanu shacabka ugu baaqay inay mamulkiisa iyo xukuumada dhexe-ba kala shaqeeyaan Nabada iyo xasiloonida si loo dhamaystiro Heshiiska Labada dal.

Shacabka Tigreega oo u arka in xukuumada Abiy Ahmed ay kuhayso weeraro Isir beegsi ah ayaa se Hadalka Debretsion waxaa uu kunoqday Falaadh Wadnaha kaga dhacday oo si iskumid ah u saamaysay, waxayna aad u dhiirigalinayaan inuu xilka isaga Tago iyada oo siyaasiyiin iyo dhalinta kala duwan ee Ardadu ugu Horayso ugu baaqaya inay Jidadka isugu soo baxaan si ay dareenkooda cadhada xambaarsan u muujiyaan.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Daawo:Xaaf iyo Sh. Shaakirow Hadaad Muslim tihiin dhiiganagu waa idinka xaaraane Nadaaya.
- Mar 22, 2019
Midka kamida culimada iyo waxgaradka ugu caansan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa ku ...
Anagu dawlad bur buraysa xil kama Qabanayno” Gudomiyaha TPLF.
- Mar 22, 2019
Madaxwaynaha mamulka Tigreega ahna Gudomiyaha Ururka TPLF ayaa Gaashaanka kudhuftay in shakhsi kamida TPLF ...
Daawo:Qaabka loo soo dhoweeyay Wafdigii ONLF ee xalay Gobolka Doollo Galay.
- Mar 22, 2019
Wafdiga sare ee uu Hogaaminayo Gudomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cismaan ayaa Fiidnimadii xalay ...
Daawo:Afhayeenka ONLF Digeey Yaa Kule JWXOO iyo dareenka dadwaynaha.
- Mar 22, 2019
Afhayeenka Jabhada ONLF oo Qayb ka ah Wafdiga Gudomiyaha JWXO ayaa Khudbad siwayn usoo ...
Masuuliyiinta xisbiga ADP-da Axmarada oo Addis ababa lagu Ugaadhsanayo.
- Mar 22, 2019
Xubno katirsan Hogaanka xisbiga ADP ee Haya Talada mamulka Axmarada  kana tirsan Isbahaysiga EPRDF ...