Khilaaf culus oo Taliska ciidamada Itobiya kadhex Qarxay.

Taliyaha ciidanka milateriga Itobiya ayaa Gaashaanka kudhuftay Qorshaha ciidamada lagaga soo saarayo deegaamada kuteedsan xuduuda dalalka Eritrea iyo Itobiya.

Ilo wareed kusugan magalada Addis ababa ee xarunta dalka Itobiya ayaa Ogaden24 u sheegay in Janaral Seare Mekonnen iyo kuxigeenkiisa Janaral Berhanu Jula ay si cad isaga Horyimaadeen Qorshaha ciidamada looga soo rarayo saldhigyadii ay kulahaayeen Jiidihii Horay loogu dagaalamay.

Go’aanka ciidamada looga soo saarayo saldhigyadoodii Hore ayaa ahaa miday kawada socdeen Ra’iisal wasare Abiy iyo Janaraal Jula, waxaana Talaabadani kacadhooday General Seare Mekonnen oo si cad uga Horyimid oo u arkay xad Gudub iyo Go’aan isaga kadhana.

Isha warka aanu kahelay oo si dhow ula socota xaalada cakiran ee kadhalatay dib usoo Rarida ciidamada ayaa sheegaysa in lagu Guuldaraystay, kulamo dhawr ah oo wasiirada Gaashaandhigu u Qabatay saraakiisha sare ee ciidamada si xal looga Gaadhay Khilaafka Hadheeyay Taliska ciidamada milateriga.

Generalka u sareeya ciidamada Itobiya oo kasoo Jeeda Qomiyada Tigreega ayaa kudoodaya inay meel kadhac kutahay masuuliyadiisa ciidamada dhufaysyada laga soo daabulayo, ayna tahay mid Qorshe iyo dana Gaara ay kaleeyihiin Kooxo kuxidhan Ra’iisal wasare Abiy oo kamida Hogaaminta sare ee ciidamada.


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Federalka Itobiya miyaa Oromiya ah mise Oromada ayaa Federalka Itobiya ah?.
- Jan 17, 2019
Shir kii Gudida fulinta EPRDF ayaa maalinimadii shalay ahayd ka Furmay caasimada Ethiopia ee ...
Daawo:Yaabka Nin kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo Kaligii isku Qarxay.
- Jan 17, 2019
Mid kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo malaha loogu Talagalay marka Qaraxa 1-aad dhaco ...
Shekh Ibrahim dheere oo mar kale dibad Joog noqday!.
- Jan 17, 2019
Sheekh Ibrahim Xusen (Ibrahin dheere) oo ah siyaasi Galaangal badan kuna caan baxay Lajaan ...
Daawo:Milateriga Itobiya waxay si Toosa ugu Hiilinayaan Canfarta.
- Jan 17, 2019
Dagaalka mamulka Canfartu kusoo Qaaday shacabka Somaaliyeed ee kudhaqan deegaamadii sida sharcidarada ah loogu ...
Magacyada Allaha u Naxariistee shacabkii maleeshiyada Canfartu xasuuqday.
- Jan 17, 2019
Maleeshiyada mamulka Canfarta oo Gacan buuxda kahelaya ciidamada milateriga Itobiya ayaa weerar Joogta ah ...