Ururka ONLF Waa Kuma ? maxaa se lagu xasuustaa?.

Ururka ONLF oo hada noqday ama isubadalay Xisbi siyaasadeed ayaa waxaa asal ahaan aas’aastay shacabka Soomaaliyeed ee dagan wadanka Ogadeniya, iyaga oo uga jeeda inay u adeegsadaan ka qayb galka siyaasada wadan kooda iyo soodhicinta xaqooda ka maqan ilaa madax banaani, inkasta oo ay kala gadisan yihiin noocyada fikirka ee dadka ururkan samaystay ee wadiiqada loo marayo xoriyada hadana waxyaabaha ay ka midaysan yihiin waxa ka mid ah inay xaq uleeyihiin inay iyagu ka tashadaan aayahaha dalkooda.

ONLF intii ay kusoojirtay halganka waxyaaaha ay aad uga qayb qaadatay waxaa kamid ahaa kobcinta iyo dhismaha garaadka dadka gaar ahaan dhinaca wadaniyada iyo diidmada gumaysiga, sidokale waxay ONLF diyaarisay qorshe iyo wadooyin lagu curinayo sidii loo heli lahaa dad muwaadiniin ah oo isku kalsoon oo dantoodu mid tahay kana dhiidhiya xumaanta cadawga Soomaaliyeed oo ah gumaysiga Ethiopia, hadaba halganka ONLF wuxuu had iyo jeer yahay dugsi barbaariya oo abuura hogaamiyeyaal iyo kawaadir hormuud u noqda sii xoojinta jiritaanka halganka xaqa ah ee lagaga soohorjeedo gumaysiga.

Si guud markaynu u eegno halganka ONLF wuxuu ka dhashay baahi ay bulshadu u qabto in la difaaco masiirkeeda diineed, dadeed iyo dhuleed, hadaba markaynu ka hadlayno urur siyaasi ah ma haboontahay inuu dib u eegis ku sameeyo siyaasadiisa iyo marxalada wadankiisa iyo dadkiisu ku suganyihiin isaga oo maslaxada eegaya ? Jawaabtu waa Haa.

Hadaba si aynu u fahano u jeedooyinkaasi waa inaynu dib u eegis ku samaynaa dhawrkan qodob ee kala ah:

1. Geedi-socodkii taariikheed, halgameed ee Ogadeniya soo maray.

2. Goorma ayaa la odhan karaa ururku waa mid dhamaystiran ama fashilan ?

3. Dad noocee ah ayay tahay inay siyaasada ururka hormuud u ahaadaan ?

Inta aynaan falanqaynin ama ka jawaabin su’aalahan bal ugu horayn aynu is waydiino waa maxay urur siyaasi ah, si aynu jawaab kooban uga bixino waxaynu milicsan karnaa inay aduunka jiraan laba aragtiyood oo midba dhinac u janjeedha.

Aragtida 1aad waxay qabtaa inuu urur siyaasi ah yahay: koox dad ah oo isku tagtay kuwaas oo si isku mid ah u arka arrimaha waawayn ee masiiriga ah iyaga oo si wada jir ah u aaminsan geedi socodka iyo jiritaanka ururkooda.

Aragtida 2aad waxay qabtaa inuu urur siyaasi ah yahay: isbahaysi dad ka dhexeeya oo u jeedadiisu tahay in lagu gaadho xukun ama dano kale oo dhaqaale oo midaynaysa dadka xisbigaas ku wada jira.

Marka la isku soo xoodhiyo ururka siyaasiga ahi waa koox dad ah oo isku kaashaday aragti ay wada aaminsan yihiin oo u adeegaysa danta guud iyaga oo si dhab ah u maraya mabaadi ay wada dhigteen matalayana xadaarada iyo jiritaanka umadooda, oo aanay ku jirin khiyaamo iyo wax is daba marin toona (Ururkaasi waa kan ONLF)

Waxaa jira dhawr astaamood oo lagu garto jiritaanka iyo miisaanka uu urur siyaasi ah leeyahay iyada oo laga duulayo ujeedooyinka iyo yoolka loo aas’aasay oo la rabo inuu noqdo mid muuqda oo aan madmadaw lahayn, waxaana ka mid ah astaamahaas:

1. Inuu ururku yeesho xubno rasmi ah: Arrintani waa tilmaan muujinaysa astaamaha ugu waawayn ee lagu garto jiritaanka ururada iyo sii socodkiisa taas oo keenta inuu xisbigu yaqaano dadka sida rasmiga ah uga mid ah iyo xadiga ay leeyihiin dadka taageerayaashiisa ah si uu u helo barkimo wayn oo dhex taala shacabka si niyad ahna uu ugu seexdo.

2. Ururku waa inuu leeyahay awoodo tiro badan oo mid kasta uu uga faa’iidaysto halka ay ku haboon tahay, arrintani waxay u saamaxaysaa inuu si dhab ah u daweeyo nusqaan kasta oo ka soo if baxda hogaamiyeyaashiisa iyo ururka dhexdiisa sidoo kalana uu ka faa’iidaysto awoodaha mar la araga ah ee dunida kadhaca.

3. Ururku waa inuu adkaysi u leeyhay gudasha shaqooyinka joogtada ah ee uu bulshada ka dhex hayo sida wacyi galinta, samaynta iyo soo shaac saarida hogaamiyeyaashiisa, kor u qaadista wacyiga umada.

4. Ururku waa inuu awood iyo adkaysi u leeyahay la falgalka xisbiyada iyo ururada kale.

5. In xubnaha hogaaminaya ururka ay aaminsanaadaan kobcinta iyo dhiirigalinta kala duwanaanshaha dhinaca aragtiyaha iyo loolanka afkaarta

6. In hogaanka sare ee ururku ku dadaalo xoojinta gudaha ee ururkiisa, taasi waxay kalsooni iyo dhiirani siinaysaa shacabka taageersan taas oo u samaysa inuu si dhib yar u gaadho meesha uu ku socdo iyo yoolka u leeyahay.

W/Q: Liban Miyir abdi (Kulmiye)


<

Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




,

Federalka Itobiya miyaa Oromiya ah mise Oromada ayaa Federalka Itobiya ah?.
- Jan 17, 2019
Shir kii Gudida fulinta EPRDF ayaa maalinimadii shalay ahayd ka Furmay caasimada Ethiopia ee ...
Daawo:Yaabka Nin kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo Kaligii isku Qarxay.
- Jan 17, 2019
Mid kamida Argagixisadii weerartay Hotelka Nairobi oo malaha loogu Talagalay marka Qaraxa 1-aad dhaco ...
Shekh Ibrahim dheere oo mar kale dibad Joog noqday!.
- Jan 17, 2019
Sheekh Ibrahim Xusen (Ibrahin dheere) oo ah siyaasi Galaangal badan kuna caan baxay Lajaan ...
Daawo:Milateriga Itobiya waxay si Toosa ugu Hiilinayaan Canfarta.
- Jan 17, 2019
Dagaalka mamulka Canfartu kusoo Qaaday shacabka Somaaliyeed ee kudhaqan deegaamadii sida sharcidarada ah loogu ...
Magacyada Allaha u Naxariistee shacabkii maleeshiyada Canfartu xasuuqday.
- Jan 17, 2019
Maleeshiyada mamulka Canfarta oo Gacan buuxda kahelaya ciidamada milateriga Itobiya ayaa weerar Joogta ah ...